Xusuustii Mooge Yare Iyo Xuska 18 May! – W/Q: Fouad Abdisalam

fuaadMooge waa wiil yar oo hada da’diisu tahey 22 Jir, waxaa uu dhashey dhawr bilood ka hor 18 May oo ah maalintii xornimada somaliland lagu dhawaaqey, waxaa uu magaca Mooge kula baxey ka dib markii uu dhashey aabihii Alla ha u naxariistee oo mootanaaa bilooyin, waxaa uu curad u ahaa Bahda yaryar ee aabihii oo waxaa jirey bah ka waaweyn oo ka koobneyd wiil iyo inann se labada raasba isku kaanbool ayey deganayeen. Waxaa uu soo marey marxalado caruurnimo oo aad u adkaa balse uu la wadaagayey intii isaga la fac aheyd ee ku jirey darxuumooyinkii iyo silicii dagaaladii dib u xoreynta dalku keeneen.
Mooge Barbaar oo noqey wiil yar oo si wacan u korey hooyadiina ay aad u jeceshahey waxaa uu bilaabey in uu wax barto oo uu malcaamad quraan lagu daro ilaa uu ka gaadhey marxalad uu dugsi wax ka dhigan karo . Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo kubada cagta oo uu aad u jeclaa la ciyaaraya caruurt ay saaxiibka ahaayeen ayaa waxaa wadada soo marey gaadhi hees wadani ahi saarantahey calanka jamhuuriyada Somalilandna ka babanayo … is weydii waxaa jira waxaase maskaxdiisu siin weydey jawaab waafi ah, saddex cisho oo isku xigta ayuu dareemey in buuq badan magaalada ku soo kordhey meel walba la sudhey calanka somaliland dadku calamaan sitaan, badhkoodna ay dhar ka tosheen, maalintii danbe goor fiid cawl ah ayuu hooyadii si hoos ahaan ah u weydiiyey … Hooyo Maxaa jira ee soo kordhey !!? Kute Hooyo waa Xuskii 18 May …. 18 May maxaad Tahey ????
Mooge Aabihii waxa uu ahaa mujaahid alla ha u naxariistee, waxaa uu ka mid ahaa guutooyinkii shuhadadda SNM ee dagaalada qadhaadh kala horyimi ciidamadii faqashta, waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa geesi guulo badan soo hooyey, waxaase allah qadarey in uu geeriyoodo maalmihii u danbeeyey ee dagaalkii dib u xoreynta, mooge yare inta badan waxaa uu la kulmaa dad ay ehel  iyo asxaab ay aabihii ahaayeen oo ku yidhaah ala waa ina hebel aabihii u eekaa waa la soo kala jeexey ilaahey kuu naxariiso !! ka dib dhawr jeer ayuu is weydiiyey Horta aabahaa mee !! Garey in uu dhintey se dareen in aanu aabihii u dhiman si dabiici ah waxaase u ogyahey in aabihii la diley.
Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ka soo hor baxey nin da’da dhexe ah oo Biro ku boodaya gacantiisa midig iyo waliba lugtiisa bidixna goan tahey oo laxaad la’a, xagiisu u soo leexday oo salaam Adeer xaafadii ka Waran? Halkii ayuu ninkii xoogaa kula sheekeystey se isagu marna ma aqoonsan ninkan iyo halkuu ka hiddo raacayo .. Fiidkii markii uu gurigii gaadhey ayuu hooyadii weydiiyey una sheegey ninkuu arkey iyo siduu u eekaa, islaantii ayaa u sheegtey in ninkani ay aabihii alla ha u naxariistee saaxiib ahaayeen Maalintii uu aabihii god galey isna uu ku waayey laxaadkiisa,jaarna ay yihiin kuna jiro jiingada cagaaran ee koonfur iyaga ka xigta, duruufta nololeed iyo waayaha aduuna heysto inta badana uu ku nool yahey nolol adag oo darxumo wata.. Yaab!! …..
Mooge yare ayaa gaadhey heer dugsi dhexe isagoo ay wax weyni uga baxeen 18 May waxey tahey iyo waliba sababta loo xusayo inkastoo aanu jawaab waafi ah u helin sababta aabihii u dagaalamayey, Maalintii danbe ayaa waxaa lagu war galiyey iskuulkoodii in weega soo socda ay tahey Xuskii 18 May ardeyda waajib lagaga dhigey in ay u diyaar garoobaan maalintaasna la tagi doono socodna lagu mari doono magaalada dhexdeeda sidoo kale  madaxda dalku  bulshada la hadli doonaan, ka dib waxey ardeydii sameeyeen diyaar garow balaadhan iyagoo wax weyn ka badeley iskuulkoodii oo ay calamaan ku xardheen iyo waliba weedho wadaniyadeed.
Waxey saacadaha iyo ayaamuhu is guraanba waxaa la gaadhey 18 May .. Waa subax ay Cadceedu diirantahey dadkuna wada faraxsan yihiin, dhalinyaro iyo waayeelna isku dhinac loo wada jeedo shaqaalaha dalka oo dhami wada fasax yihiin se lagu wada balansan yahey goob isku mid ah … mooge yare iyo ardeydii iskuulkiisu waxey u jarmaadeen wadada wadnaha magaalada hargeisa oo lagu balansanaa, goobtii gaadh oo buuqa iyo mawjadaha dadku buux dhaafi meel walba, waxaa yimi madax badan oo khudbado dhaadheer halkaas ka jeediyey, waxaa heeso ka qaadey halkaas fanaaniin badan oo calanka Somaliland luxaya .. waxaa maskaxdiisa Mooge yare ka sii Guuxeysa Heeso badan oo wadaniyadeed xusuus dheerna dib u galiyey isaga heesta uu qaado nuur daacaley ee ay midhaheeda ka mid yihiin CIIDAN DHAARSANBAA DHUDHUN IYO AWOOD KUGU DHAWRAYEE CALANYOW HA DHICIN … Kolkaasuu intuu kor u eegey calanka Somaliland oo dushiisa babanayey uu cod hoose ku yidhi “ Kuwa manta jooga hadey cudud iyo awood calankooda ku ilaashanayaa aabahey iyo intii la shahiidey naftoodey u sadaqayeen ‘ ….kolba waxaa microphone goobta qabsada Mujaahidiin badan oo mid kasta ka sheekeeyo dharaaro darnaa iyo sidey maalintani ku timi … Goor duhur ah oo cadceedu cirka badhtankiisa joogto ayuu u soo jarmaadey xagaas iyo gurigoodii … hooyadii macaan kamey warwarsaneyn oo wey ogeyd in inankeedii Mooge xuska 18 May ku maqan yahey Markuu gurigii soo gaadhey ayuu hooyadii uga waramey wixii meesha ka dhacey … Kuye Hooyo xus balaadhan ayaa dhacey Mujaahid hebel ayaa ka sheekeeyey maalinti Burco Duurey .. Mujaahid hebelna maalintii burco la furtey ayuu hooyo ka sheekeyey. Isagoo rag badan oo meesha ka Hadley u magic dhabey hooyadii mooge,
Mooge Hooyadii ragas badankoodii garatey .. waxeyna si hufan ugu tidhi mooge yare oo sheekadii wata hooyo saaka haduu aabo noolaan lahaa goobtaas wuu ka hadli lahaa !! .. Mooge oo indhihiisa ilmo ku taagan tahey ayaa u kacey xagaas iyo qolkiisii isagoo ay ka muuqato naxdin iyo daal uu ka soo qaadey goobtii munaasibada,, Hooyadii ayaa ka dabo keentey Boorash madiibad ku jira oo tidho hooyo intan ku qadee maanta dirqi ayaan ku soo heley intane… waxey raacisey in aaney maanta fadhiisan halkii yareyd ee suuqa ee ay ku iibin jirtey midhadhka tamaandhada iyo baradhada iskugu jira oo ay biilka uga soo saari jirtey iskuulkana kaga bixin jirtey buuqa iyo sawaxanka dabaal dega awgeed….
Isla Galinkii danbe ayuu mooge yare ka dhageystey Idaacada BBC in munaasibado balaadhani ka dhaceen guud ahaan Dalka Somaliland iyo waliba meel kasta oo ay joogaan jaaliyada Reer Somaliland, wuu Maqley in madaxweyne kuxigeenkii Somaliland iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ka qeyb galeen xuska 18 May ee London ka dhaceydey taas oo ay ku baxdey kharash faro badan … Markaas buu intuu hoos u faroorsadey is weydiiyey hadii kharashkaas toban dollar oo ka mid ah aad heli laheyd feega iskuulka ayaad isaga bixin laheyd…. sidoo kale waxaa ku xigey in madax kale oo dowlada ka tirsani tageen maraykan iyo Canada si ay isla munaasibada dabaal degeeda uga soo qeyb galaan … is weydiin hadana hadii kharashkaa ilaa maraykan lagu tagey shan dollar oo ka mid ah aad heli laheyd kabo ayaad siisan laheyd isagoo lugihiisa ku foorara… waxey Idaacadu sii raacisey in caawa xaflad balaadhan oo fanaaniinta qaranku ka tumeyso ay ka dhici doonto qasriga madaxtooyada dhexdeeda halkaas oo madax muxaafid iyo mucaarid ahiba isku arki doonto …. Maskaxdiisu waxey mooge yare u sawiri weydey labada xaaladood ee ay ku sugan yihiin isaga iyo inta la mid ah ,, hooyadii iyo inta hooyo ee manta heysata agoon aabayaashooda u dhinteen maalintan 18 May iyo suudhadhka quruxda badan ee xafladahaas lala joogo!!
Mooge yare wuxuu is bar bar dhigey maanta 18 May xaalada u ku nool yahey, ay ku noolyihiin sidoo kale inta isaga la mid ahi ee aabayaashood ku weydey xoreyntii dalka iyo waliba sida loo xuso maalinta 18 May … Wuxuu garawsadey waa marka koowaade in aabihii wixii uu u dhintey oo aheyd in ubadkiisu iyo dadkiisu ku noolaadaan nabad iyo xoriyad, taasna ay gaadheen ilaaheyna wuu ugu mahad naqey .. waxa kale oo uu garawsadey in aaney gobonimo bilaash aheyn .. lagu waayey boqolaal halyey oo aabihii ka mid ahaa .. Ay ku agoomoobeen ubad badan oo maanta badankoodu dayacan yihiin .. Ay silic iyo dhibaato ku nool yihiin hooyooyin badan oo ubad agoomoobey heysta badhkoodna cadcadeeda iyo suuqyada u fadhiyaa sidey wax ay cunaan ubadkooda ugu heli lahaayeen… markaas ayuu mooge yare naftiisa ku qanciyey in qiimaha wadaniyadu tahey in la dareemo waxey aheyd 18 May , wuxuu Aabihii u dhintey in loo abaal gudo iyo ilaaheybaa qadaree in uu isagu agoomoobo in ay aheyd mid u baahneyd in lagu fadhiisayo xuska 18 May..

Wabilaahi Tawfiiq

Waxaa Sheekadan Qorey

Fouad Abdisalam Hassan Haji

Qalbi005@gmail.com

0634424979

Hargeisa/ Somaliland