XUSBIGA WADANI HANKIISU HA DHAAFO REER HEBEL.

 

Wakaa horumaray dhulkii h ooyee,ninkii u hanweyn hog gaanka dalkoow,hankaagu ha dhaafo reer Hebel.Calan ka hagar li’i naftaba loo huray,dunida h agrataa u hiilin lahayd.Hurgumo baasiyo hantaaqo mooyee, Qabiil u hilaw malah.
Waxaan arkey arin aan la yaabo niman badan oo reerka Gudoomiye Ciro ayaan saxiibo isku dheer ahayn,xiligii hore qaarna Udub,Ucid iyo Kulmiye ayey kala ahayeen inamada Ciro isku qabiilka yihiin.
Waqtigii ururadu soo baxayeena waxay u badnayeen Umaadda oo uu hogaaminayey Dr.Gaboose,xiliga aad ayey Ciro u caayi jireen,oo waxay odhan jireen:
–Miyaanu xishooneyn kursigii 3 aad ee wadanka ayuu 12 sano ku fadhiya oo 7 sano bila sharci tahay ee yaa dooran.
-Kulmiye ku shaqeysta oo dowladda ah.
-Waa caano fadhi iyo busto qoyan ayuu barlamaankii sarey.
-Waa nin jilicsan oo haa iyo maya midna aan ku odhoneyn.
-Meesha barlamaanka wuu iska fadhiya oo wata sharcigii wadanku kala dhataalan ee ummadu sharci bay u baahantee.
-Waxa aad mooda SANABKA DIINTA BUDISANKU AYCAABUDO oo waxba waa kaasi sharci dajinla’,haduu Dr.Gaboose yahay bari hore ayaa sharci dhameys tiran wadanka loo sameyn lahaa.
Hadaba aqriste nimankii sida lahaa maanta waa xusbiga wadani,kolkan wareystana mid walba qabiil ayey ku raaceen wax kale oo wanaaga kuma ay raacin.
Waxa is waydiin leh ma ku soo baxaya xusbiga wadani reer hebel oo kaliya?????
taasi adaan ku deynaya!!!!!!!
Xusbiyadda waxaan u sameysaney in qabiilka aan kaga baxno ee maaha inuu reer hebel yeeshan.
Waxa wadani ku jira waa reer kaliya iyo niman u ooman iney wasiiro helaan sida Cabdi qaadir Jirde.Xamarji iyo Boobe Yusuf Ducale.
Kulmiye iyo Ucid Waxa ku jira reero badan oo cid walba leh.
SOMALILAND HA WAARTO….
AMIIN……AMIIN……AMIIN…….
MAHADSANID
ABDI ALI JAMA
LONDON
daljire99@gmail.com