Xukuumaddu Ciidamada Dalka Dirays Sannadle ah Ha Ugu Darto Miisaaniyadda Qaranka – W/Q: Mowliid Aadan Cumar

Mowliid Aadan CumarUjeeddada qormadani ma aha mid faalo badan iyo buunbuunin ka turjumaysa ee waa talo soo jeedin dastuuri ah oo ku jihaysan xukuumadda uu hogaamiyaha ka yahay madaxweynaha qaranka somaliland Md. Axmed Max’ed (Siilaanyo).

Sidaasi awgeed waxan madaxweynaha iyo golaha xukuumada u soo jeedinayaa inay qiimeyaan qorshaha miisaaniyadana ugu daraan guud ahaan ciidamada dalka in sanadkiiba mar lagu qalabeeyo Dirays iyo Kabo waxanan sigaar ah ugu gudbinayaa talo soojeedin taydan wasaaradaha ku shaqada leh ciidamada dalka oo kala ah, Wasaarada Gaashandhiga, Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Wasaarada Cadaalada,

sidaasi darteed waxan leeyahay masuuliyiinta wasaaradahaasi bal dhugta oo hoos u eega Darajda Aradan ee ciidamadeenu xidhanyihiin bal qiimeeya inta sano ee hal dirays iyo kabo uu xidhnaan karo askarigu hadaba anigoon ujeedo, cambaarayn iyo guluf kale midna aan u jeedinayn Talisyada iyo wasaaradaha ay hoos yimaaddaan ciidamadu.

Waxaan leeyahay xaqiiqadu waxa weeye qof kasta oo muwaadin ah ha ahaado masuul ama shicib, waxa ka dhexeeya ee aynu wadaagnaa waa dawladnimada, dawladnimaduna waxay ku dhisan tahay waa ciidamada dalka sidaasi awgeed qormadan daryeelka agabka ciidamada waxan ku soo koobayaa haday tahay gole xukuumadeed iyo madaxweyne qaran waa waajib dastuuri ah in sanadkasta loo qorsheeyo ciidamada dirays iyo kabo Hadii ALLE Yidhaa.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

BY: Mowliid Aadan Cumar, Hargeysa

TEL: 0634410898