Xukuumadan Somaliland ee hadda talada dalka haysaa, waa ta keliya ee si hagar la`aan ah ugu hawlgashay la soo wareegida Hawada sare ee Somaliland

Xukuumadan Somaliland ee hadda talada dalka haysaa, waa ta keliya ee si hagar la`aan ah ugu hawlgashay la soo wareegida Hawada sare ee Somaliland.

Qormooyinkii hore waxaaan ku soo qaaday, heerka ay Somaliland ka joogtay dhinaca aviationka ka hor xornimadii iyo israacii koonfurta iyo sidii maamulka hawada sare ee dalkii la isku odhan jirey Somalia, uu gacanta Somaliland iyo Somaliyaba uga baxay. Qormadana waxaan ku balbalaadhin doonaa, dedaalka ay Somaliland u gashay la soo wareegida maamulka hawadeeda sare.

Aan ku bilaabee, Xukuumadii ugu horeysey ee Somaliland ee uu hogaaminayey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) alla ha u naxariistee, waxay la kowsatay wakhti dadku wada hubaysan yahay oo dalka dagaalo sokeeye ka socdaan (Berbera iyo Burco). Dadku wuu daalanaa, dalkuna wuu burbursanaa. Ma jirin maamul dawladeed oo si buuxda dalka uga wada taliyaa, ma jirin dhaqaale buuran oo lagu socodsiiyo hawlaha dawlada, mana jirin xidhiidh caalami ah oo ay la lahayd aduunweynaha. Sidaa daraadeed, cidiba isma weydiin hawo sare iyo hawlaheeda maadaama dhibaatooyinkii dhulkaba laga dhamaan waayey.

Dawladii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, alla ha u naxariistee, waxay xooga saartay qarameynta iyo dhisida maamul iyo haykal dawladeed. Waxa jiray dagaalo sokeeye oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka (Hargeisa iyo Burco), waxa xigtay dib u heshiisiin iyo xukun adkaysi uu ku mashquulay Madaxweynuhu. Waxaan odhan karaa dawladaa Somaliland, arimaha gudaha ayaa kaga muhiimsanaa kuwa dibeda ee hawada Somaliland ka midka ahayd. Sidaa daraadeed, ma jirin wax dedaal ah oo muuqda oo xukuumadaasi ka gashay sidii maamulka hawada sare ee Somaliland loo soo celin lahaa.

Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Riyaale Kaahin, waxay sida badan mashquul ku ahayd hanti urursi iyo iska eegida mucaaridka. Waxase ka maqnayd in hanti badani ka soo geli lahayd haddii ay u hawl geli lahayd sidii gacanteeda maamulka hawada sare u soo geli lahaa. Sidaa daraadeed, xukuumadaasi kamay duwanayn kuwii hore ee baylihiyey hawada sare ee Somaliland, inkasta oo lacago aan badnayn oo FEE-gii hawada sare ahi ka soo gaadheen CACAS.

Sidaa daraadeed, waxaan odhan karaa, xukuumada keliya – marka laga hadlayo dhamaanba dawladihii Somaliland soo maray – ee si hagar la`aan ah ugu hawlgashay sidii ay u soo dhicin lahayd maamulka hawadeeda sare, waa xukuumadan maanta talada dalka haysa ee uu hogaaminayo Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee uu Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirkana ka yahay Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi.

Xukuumadan Somaliland, gaar ahaana Wasiirka Duulista Hawadu Mudane. Maxamuud, waxa uu buraashada u biyeystey sidii uu u baadi dooni lahaa hawadii Somaliland, oo markii ugu dambeysey lagu sheegay inay gacanta ku hayeen koox “budhcad sharciyeysan” ah oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi.

Bishii May 2011kii, Wasiirku waxa uu ka dhex toosay xarunta kooxdii maamulaysay hawada Somaliland/Somalia, isaga oo Nairobi kaga qeyb galay shir muhiim ah oo ku saabsanaa hawada sare ee dalkii la isku odhan jirey Somalia. Shirka waxa fadhiyey masuuliyiin ka socday hay`adaha kala ah: International Civil Aviation Organisation (ICAO), United Nations Development Progarame (UNDP) iyo Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia (CACAS) oo ahayd hay`ada maamulaysey hawada Somalia tan iyo 1996kii.

Wasiirku wuxuu si weyn u faahfaahiyey sida ka xukuumad ahaan uga xun yihiin sida foosha xun ee loo lunsado lacagta ka soo xeroota hawada sare ee dalkii Somaliya (oo Somalilandna ku jirto), waxaanuu dalbaday in xisaabtan buuxa, dabagal iyo baadhitaan lagu sameeyo arinkaas. Waxa iyaguna sidoo kale arintaa meel adag iska taagay weftigii ka socday Somalia oo la mowqif ahaa kuwa Somaliland. Gebogebedii shirkaana waxa la isku raacay in la sameeyo guddi wadajir ah ‘Steering Committee’ kuwaas oo ka kooban ICAO, UNDP, Somaliland Iyo Soomaaliya, oo diyaariya qorshihii iyo sidii maamulka hawada sare ee Somaliya looga wareejin lahaa CACAS.

Talaabadaa geesinimada leh ee ay qaaday xukuumada Somaliland, waxay ahayd talaabo dhinaca saxda ah loo qaaday, waxaana soo dhoweeyey oo ku diirsaday dhamaanba shacabka Somaliland. Talaabadani waxay fariin cad u dirtey aduunweynaha, waxaana muuqatay inay Somaliland ka go`an tahay dib ula soo noqoshada maamulka hawadeeda sare. Talaabadani waxay u quus goysey cid kasta oo hunguri ka hayey inay sii dhuuxdo, dheefna ka hesho hawada Somaliland, waxaana cadaatay in hadda wixii ka dambeeya, hawada Somaliland cid kale oo aan Somaliland ahayni maamuli doonin.

Intaa kuma joogsan dedaalka dawlada Somaliland, balse 30kii November 2011kii, Wasiirka duulista Mudane; Maxamuud iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradu Mudane Axmed Dalal (Wiiwaa) waxay mar kale ka dhex tooseen xarunta hay`ada ICAO ee ku taala magaalada Montreal ee dalka Canada, iyaga oo shir muhiim ah la qaatay ninka ugu sareeya hay`adaa ee magaciisa la yidhaahdo Mr. Raymond Benjamin. Weftiga Somaliland waxay masuulkaa ICAO u gudbiyeen fariin ay ka sideen Madaxweynaha JSL kuna saabsanayd sidii maamulka hawada looga soo wareejin lahaa CACAS. Sidoo kale, waxay labada dhinac ka wada hadleen arimo la xidhiidha wada shaqaynta guud ee ka dhaxaysa Wasaarada duulista Somaliland iyo ICAO.

Ugu dambayntii, waxa la isla qaatay (1) In shir loogu qabto magaalada Nairobi 15/Dec/2011 gudidii farsamo ee lagu dhisay shirkii hore ee ka dhacay Nairobi, isla markaana la xoojiyo awooda gudida (2) In kulankaa lagu falanqeeyo warbixinta iyo qiimeyntii ka soo baxday guddigii farsamo ee Ha’aydda ICAO u dirtey in ay xoogagaal u noqdaan habsami u socodka mashruuca CACAS iyo guud ahaanba xaaladaha madaaradda Somailand iyo Somalia.

Akhriste, kaasina wuxuu ahaa dedaal kale oo diplomasiyadeed oo Somaliland ku soo furdaaminayso hawadeeda la haysto. Intaase kuma joogsan dedaalka xukuumada Somaliland ugu jirtay maamulida hawadeeda sare, balse waxa mar kale (June dhamaadkeedii 2012) ka dhacay xarunta ICAO shir muhiim ah oo isla arinta hawadii EX-Somalia lagaga hadlayey. Guddiga shirkan ka qayb gashay ayaa kala ahaa: Mudane: Axmed (Wiiwaa) agaasimaha guud ee Wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Mudane: Maxamed Kamil oo metelayey Somalia, iyo Mr. Peter Noad oo ka socday hay`ada ICAO. Kulankan muhiimka ah waxa gudoominayey Mudane: Axmed Wiiwaa oo huwanaa kalsoonida iyo mandate-ka Wasiirka, Madaxweynaha iyo shacbiweynaha Somaliland.

Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, waxa la go`aansaday in gudidii farsamo (Technical Team) ee la magacaabay si rasmi ah uga shaqeeyaan una gogol-xaadhaan sidii maamulka mashruuca CACAS loogu soo wareejin Soomaalida. Hadaba, si loo sii adkeeyo hirgelinta qodobkan lagu heshiiyey, Mudane: Axmed Wiiwaa oo uu wehelinayo Mudane: Maxamed Kaamil, waxay booqasho ugu tageen masuulka ugu sareeya hay`ada ICAO, Mr. Raymond Benjamin, iyagoo kala hadlay hirgelinta heshiiskan.

Akhriste, dhamaan dedaaladaa Wasiirka duulista Somaliland iyo Agaasimihiisu wadeen mudadii ay xilka wasaarada hayeen, waxay laf dhuun gashay ku noqdeen budhcadii hawada Somaliland ka maamulaysey Nairobi. Waxa ololahaa aan kala joogsiga lahayni soo dhoweeyey la wareegida hawadii EX-Somalia ay la wareegi doonaan Somali oo isu dhami (Somaliland/Somalia). Dedaaladaasi waxay noqdeen kuwo garawshiyo ka hela dhamaanba madaxda hay`ada ICAO, waxay noqdeen guul u soo hoyatay Somali oo dhan, waxaanay geeri ku noqdeen “budhacad haweedii” fadhidey Nairobi.

Hadaba, maxaa dhacay? Maxaa kelifay inay Somaliya keligeed sheegato la wareegida iyo maamulka hawada Somali oo dhan ka dhaxaysa? Sharciyan, Somalia xaq/awood ma u leedahay maamulida hawada sare ee Somaliland? Maxaase arintaa uga meel yaala Somaliland?

La soco qaybaha dambe

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA (Hons) Aviation Management

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com