Xukuumada Somaliland Awood Sharci bay U Leedahay Wareejinta Kiraynta Hantida Qaranka

Somaliland oo maanta 25 jirsatay  waxay leedahay awoodaha sharci kuwaas oo  inoo ah marjac aynu  u noqono islamarkaana aynu ku dhaqano , dastuurkeena waxaa loo codeeyey sanadkii 2001-dii xiligaasi oo dadka reer Somaliland u codeeyeen 97%, dhawr iyo labaatankaa sano ee Somaliland soo jirtay waxaan kusoo dhaqamaynay islamarkaana ina kala hagaayey waa shuurda iyo sharciyadaa aynu dhiganay.

Hadaba waxaa is weyndiin leh Xukuumada Somaliland xaq ma u leedahay inay iibiso, Wareejiso  ama kirayso  Hantida qaranka ee ay iyadu masuulka umada uga tahay?  Jawaabteeda waxaan odhan karnaa haaa sababtoo ah  Xukuumada marka hore iyadaa masuuliyada ugu horaysaa ka saaran tahay ilaalinta hantida qaranka marka labaadna sharciga ayaa siinaya awoodaha ay ku iibin karto kuna kirayn karto sidoo kale dastuurkeenu wuxuu dhigayaa inay Xukuumadu samayn karto tasaruf kasta oo waafaqsan sharciga ila eega  awoodaha sharciga ee banaynaaya , Qodobka 12aad firqadiisa 3aad  wuxuu odhanayaa “Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan”. Hadiiba sharkii iyo dastuurkii aynu dhiganay u banaynaayo maxaa dadku la qeylinayaan  dadka lagu wareejinaayo ee laga kiraynaayo Haamaha Shiidaalku maaha  ajaanib ee waa  dad muwaadiniin ah oo xaq u leh inay dalkooda maal gashadaan, sawaxanka iyo buuqa ay samaynayaan  kooxo yar yar oo leh dano gaara maaha in loo seeteeyo danta guud ee umadda.

Hadii aynu horumarkii wadanka isku hortaagno qabyaalad iyo siyaasad xumo xukuumadiina markay is tidhaahdo talaabo mustaqbalka horumar u ah qaad aynu ku shinbiro waaqlayno oo masuuliyadeedii ku qabsanayno, soona maqlayno siyaasi saaqida oo aan  jeclayn horumarkeena miyaanay ka dhignayn inaynaan inagu  garnayn waxa inoo dantaa iyo waxa kale ?

Xukuumada Somaliland xaq ayey u leedahay inay  iibiso ama kirayso Hantida qaranka Haamaha Shiidaalka iyo hantida gale ee ay u aragto in horumar ku jiro waa la kiraynayaa waxaana  lagu  samaynayaa tasaruf sharciga waafaqsan, xukuumadu maaha inay u joojiso cid gaara oo iska qaylisa balse waa inay meel marisaa waxkastoo dadkeeda horumar u ah.

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com