Xukuumad Iyo Shiciba Waxaa Inagu Waajib Ah In Aynu Daweyno Wixii Doorashadu Inagu Reebtay – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Qaranka Somaliland wuxuu u dhisan yahay gud ahaan shacbiga ee s/landerska ah ee illaahay ku abuuray, Sidaas darteed waxaa waajib inagu ah dawlad iyo shacbiba in aynu ka wada shaayno horumarka iyo Wada-jirka umada wanaajinaaya, Sidaas darteed waxaan usoo jeedinayaa M/weynaha J.S.Land Mudane Axmed Maxamed Maxamuud {Silaanyo} Mudane Madaxweyne waxaa waajib kugu ah in Xukuumada iyo Labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiiladu ayka hawlgalaan sida shacbiga s/land midnimadiisu ku jirto oo ah sidii uu qaranku ku dhisanyahay ee aynu ku soo gaadhnay  waxa shacbigu ku soo caano maalay Wada-tashi, Isqancin iyo isu tanaasul.

Mudane Madaxweyne Waxaad ogtahay in doorashadii golayaasha deeganku dalka ku reebtay rabshado  dhimasho iyo dhaawacba sababay markaa Madaxweyne waxaan kugu adkeynayaa in aad soo afjarto oo isfaham laga gaadho lagana bogsiiyo cidkasta oo shacabka ah oo dhibi ay ka soo gaadhay rabshadahaas.

Intaas hadaan ka gudbo dhinaca shacbiga somaliland waxaan u soo jeedinayaa waxaynu dhisanay qaran kow iyo labatan jirsaday sidaas darteed waa in aynu kawada shaqaynaa jiritaanka qaranimada wadajir iyo midnimona aynu kaga gudubno dhib kasta oo shacbiga dhextaalna isfaham iyo isu tanaasul aynu ku dhamaysano hadii ALLE yidhaa.

Qalinkii

Mawliid Aadan Cumar

Hargeysa, Somaliland