Xisbul-Xaakimka Ethiopia haya oo Go’aamiyey Meel-marinta Heshiiska Is-afgarad ee Somaliland

Golaha Dhexe ee Xisbiyada hoggaamiya talada dalka Ethiopia, ayaa go’aamiyey in la meelmariyo heshiiska is-afgarad ee horaantii bishan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga Prosperity Party (Barwaaqo) oo ka duulaya baahida Ethiopia u qabto marin-badeed oo ay hesho, ayaa shir ay isugu yimaaddeen ku go’aamiyey in heshiiska ay Somaliland la galeen muujinayo mawqifka ay Itoobiya ka taagan tahay sii xoojinta xidhiidh dhaqaale iyo dhaqan ee labada waddan ka dhexeeya.