Somaliland Oo Marti-galisay Urur-goboleedka IGAD iyo Hay’ado Caalami ah

Hargeysa (SLpost)- Magaalo-xuduuddeeda Tog-wajaale waxa maanta ku qabsoomay shirweyne kulmiyey xukuumadda Somaliland, waddamada urur-goboleedka IGAD iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Caalami ah.

Shirkan waxa xukuumadda Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horuumarinta Jidadka Muuse Ibrahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Gebilay iyo Maamulka Tog-Wajaale.

Shirkan oo noqonaysa kii u horreeyey noociisa, ayaa ujeeddadiisu tahay hirgelinta mashruuc Ballaadhan oo ku saabsan Horumarinta Biyaha, gaar ahaana biyaha Dhulka hoostiisa oo loo soo saarayo Tog-Wajaale.

Shirkan oo muhiim u ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ugu muhiimsan Mashruuca Horumarinta Biyaha Magaalada Tog-Wajaale oo ku taala Xadka u dhexeeya labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawladda Itoobiya, iyadoo Tog-Wajaale ay ka mid tahay meelaha lagu samaynayo Biyo ballaadhin muddo koobana lagu hirgelinayo.

Kulankan ka qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya Eng. Habtamu, Wasiirka Biyaha ee Dalka Uganda, Sam Champtories, Wasiirka Biyaha Dalka South Suudaan, Pal Mai Deng, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Jabuuti, Siciid Khayre.

Waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay Hay’adaha caalamiga ah sida, UNDP, UNICEF, UNESCO iyo Baanka Adduunka.

Weftiga xukuumadda Somaliland ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay weftiga ka socdey Urur Goboleedka IGAD, gaar ahaana Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga labada Dawladood, sidoo kalena weftiga Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Degaanka Soomaalida, mustafe Muxumed Cumar, iyadoo labada dhinaca ay ka  wada hadleen adkaynta nabadgelyada labada Dal iyo isu socodka Ganacsiga.