XISBIYADA QARANKU MALAHA AJANDE SIYAASADEED OO LAGU DOORTO

Tan iyo hanaqaadkii hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka hana qaaday waxaa dalka laga diiwaan geliyay ururo iyo axsaab tiro badan, iyada oo markasta sida dastuurka qaranku dhigayo wadanku uu yeelanayay saddex xisbi qaran, 

dalka somaliland waxaa ka qabsoomay doorashooyin dhawra waxaana ku tartamay doorashooyinkaa xisbiyo iyo ururo sidaan kor ku soo sheegay,dhamaanba ururada iyo xisbiyadaa tartamayay may lahayn hab iyo qaab loo xusho marka loo eegayo mustawaha caalamiga ah ee dunida muslimka iyo tan reer galbeedka lagu kala doorto xisbiyada 

 inkasta oo dalka somaliland ay muddo ka yar labaatan sano laga joogo markii habka xisbiyada badan ka hirgalay hadana waxaad moodaa in aan dadkan iyo dalkaniba aanay u bislayn sida looga midho dhaliyo loona dhiso xisbiyada,weli taariikhda laguma arag xisbi ama urur ku dhisan qabiil iyo reer nimo ama ku dhisan xulafo reereed. tani waa caqabada keliya ee hortaagan in xisbiyada dalku ay yeeshaan meeqaamka laga rabo

 maanta oo dalka ay ka jiraan saddex xisbi qaran oo ku xardhan dhamaanba diiwaanada taariikhda ee dalka lagana aqoonsan yahay in ay yihiin saddexda xisbi ee ka hadli arka arimaha siyaasadeed bulsho ee qaranka walow cidwalba uu shurrucda qaranku u ogow yihiin in ay xil iska saaraan wadanka kana hadli karaan aragtidooda siyaasadeed iyo hankooda qofeedba 

hadana waxaa cad in aanay xisbiyada maanta jiraa aanay ku dhisnayn wixii laga doonayay oo ahaa in xisbiyada qaranka loo sinaado oo ay u furnaadaan cidwalba,tusaale ahaan waxaad moodaa in xisbiyada maanta jiraan ay ku dhisan yihiin hanaan qabaliya oo meesha ay ka madhan tahay in ay yihiin muraayadii qaranka 

dadka shacabka ah malaha wax ay kula xisaabtamaan xisbiyada maanta jira. xisbiyaduna waxaa kaliya ee ay kursiga ku gaadhaan waa reernimada iyo qabyaalada ma jiro xildhibaan maanta jooga ama tegay oo ku yimi kursiga hab ka madhan reernimo, mana jiro mid kaliya oo ku hadalaya meesha laga soo doortay, wakhtiga ololaha xisbiyadu waxaa ay awooda saaraan ku ololaynta reernimo iyo kicinta dadka ee ku salaysan qabiilka iyo caadifada 

 arrimaha bulshada ee dalku waa kuwo dayacan oo ka madhan daryeel iyo ilaalin tusaale ahaan habka waxbarashada dalku waa mid liita, habka daryeelka caafimaadku waa mid aad iyo aad loogabay, cadaalada iyo garsoorku waa mid aan cago adag ku taagnayn waxaana la rabay in kuuwaa la dhiso

 somaliland reernimada iyo qabyaalada ayaa ka dhigtay in musuqmaasaqu xadhkaha goosto, waxaa dhacda in masuulka xil loo dhiibaaba reerkiisa ka fuudh yeelo

 

siciid xaashi caliwayd

hargaysa. somaliladn