Xisbiga UCID: Tacsi Ku SOCOTA Ehelkii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Sh. Nuux Furre

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxwaynaha, Murashax Madaxwayne ku Xigeenka ee Xisbiga, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha   Xisbiga UCID waxay tacsi u dirayaan  Gudoomiye kuxigeenkii 1aad ee Golaha Guurtida Somaliland Sh. Axmed Sh. Nuux Furre  oo MAANTA ku geeriyooday Magaalada Hargeisa, laguna aasay.

ucid newsWaxa ay Eebbo uga baryayaan inuu Marxuumka Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhamaan ummada reer Somaliland Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Aamiin……………………………….Aamiin………………………….Aamiin