Xisbiga KULMIYE oo khibradiisa Doorashada ugu awood Sheegtay ururadii cusbaa 6da Gobolbana Hogaanka U qabtay

suleiman
suleiman

Natiijada doorashooyinkii dhacay ka dib waxa muuqday taageero mugle oo mudooyinkii u danbeeyey dadka qaar mugdi ka gashay isla markaana in badani ay mana-awaalaysay in xisbigii helay taageerada shacabka inteedii badnayd doorashadii ugu danbaysay ee Madaxtooyada uu ku hungoobi doono haddii uu marlabaad ummada  ka dalbado cod ama ay doorasho danbe isku halleelaan, taas oo mucaarid dhawri ay iskaga daba noqdeen in hadii KULMIYE Doorasho danbe galo aanu shacabka ka helayn in ka badan 2% codadka guud ee dalka.

Waxase taas beeniyey natiijada doorashadii ugu horaysay ee uu xisbigani qabto laba sano uun ka dib waqtigii loo cimaamaday Madaxtooyada, taas oo uu Xisbul xaakimku helay codadka ugu badan shacabka Somaliland majarahana u qabtay guud ahaan gobolada Somaliland oo aaanu hore doorashadii madaxtooyada u helin Tusaaale ahaan doorashadii Madaxtooyada gobolada AWDAL IYO SAAXIL ayuu waayay codka ugu badan ee dadka ku nool deegaanadaas halka uu doorashadan ka helay codad aad u badan marka loo eego ururada kale ee kula loolamayay.

Arintan ayaa u muuqata in Shacabka Somaliland ay kalsooni buuxda u hayaan xisbul Xaakimka KULMIYE isla markaana Xisbiga laftiisa ayaa ururada Cusub iyo xisbiyadii la tartamayba waxa uu u adeegsaday khibradiisa iyo waaya-aragnimadiisa doorashooyinka waxaanu mar horeba sii qorsheeyey dadka ugu miisaanka culus deegaanadooda ee ah labeenta bulshada isla markaana heli kara taageerada reerahooda iyo dadka deeganada ay ka sharaxan yihiin ku nool, halka ururada kalena ay ku mashquulsanaayeen  dhisida haykalkooda ururnimo iyo xalinta khilaafaad gudohooda ku oognaa.

Qormadii Iyo Qalinkii

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com