Xilka ninka sugaayaw xaalkagu waa halis !!!!
Maanta waxaan isku dayayaa in aan wax ka taabto kolay wada dhamaynmaayo goldaloolooyin fara badan ayaa jiree xildhibaanimadan dhulka gashay ee xaqeedii iyo xeerkeediba loo diiday in la mariyo maanta waxaad ku arkaysa meelaha boodhadh waayn oo ay ku sawiran yihiin muuqaalo ama sawiro aad loo qurxiyay kaagasii daranka markaad u fiirsato waxabad ku arkaysa hebel iyo habel oo aad taqaanay oo aan iska daa in dad iyo bulsho lagu aaminee aan xitaa naftiisa lagu aamini jirin oo ku sawiran boodhaka waawayn ee wadooyinka magaalda hargeysa ku yaala
Aqoon loo eegi maayo cidkastaa way is sharaxayaan waxaan maalin dhawayd ka agdhawaaday odayaal meel ku tashanaaya oo leh ‘’waar hebel ayaa wax inoo dhicin kara oo cadkeena ina dooni karaaya ee inaga daaya hebel hebel waa daacad oo maantoo kale nin daacada iyo nin aqoon lehba waxba ma taraan marka hebel ayaa balaayo ah oo dawlada iyo cidkastaba sanka ka galaayo ‘’
Cajiib waan amakaagay oo aan hadana yaab dhamaystay waxay inaasi sii raaciyen ‘’adeer maanta ninka daacada ah iyo nin aqoon lehba waa laga fogaadaa waayo aqoonta ayaa hagaysa oo wax odayaal ah ama cid soo kaamabayn garaysay oo uu dhagaysanayaa ma jirto marka inaga daayo ka maanta ‘’’
Waxaan dib u eegay 25 ka xildhibaan ee hada fadhiya golaha deegaanka ee magaaladan hargeysa hadaad u fiirsato in ka yar 4 xildhibaan ayaa aqoon leh inta kale waa suuq jooge iyo nin suuqu ka ashkatooday ayaa meel lagu xareeyay oo la yidhi umad aayaheeda iyo mustaqbalkeeda ka tali ‘’waa duni madaxeedii mijo loo rogay’’
Ku darsoo Waxaynu wada ogsoonahay in xildhibaanimada maanta ay noqotay mid dadku u galaan in ay lacag iyo hanti ku urusadaan oo hooyooyinka suuqa fadhiya ee tamaandhada cariirtooda ka masruufaysa inta la dul tago laqa qaado lacago aanay qaadi Karin ,
Maalin dhawayd ayaan soo dhex maray sariibada suuqa waaheen waxaa dhagahayga kusoo dhacay laba islaamood oo isku leh ‘’ inkaarmooyinkii maantana ma waxay yidhaahdeen cagaftii ayaan soo wadnaa ‘‘ inaan talaabadii joojiyay oo aan ku dhawaday ayaan ku idhi hooyo cagaftu maxay ahayd halkan cidhiidhiga ah ee dadkiiba isku dhaafi kari la yihiin la soo galinaya
Waxay iigu jawaabeen waa kuwii dawlad hoose isku sheegii oo naftii ilaahay naga qabtay dhiigiibay naga yareeyeen oo xataa laaluush ayaan siinay oo hadana markaasay noo hanjabayaan maalinkasta anaguna meel aan u ciirsano iyo meel aan tagnaa toona ma jirto dawaladayadiina waa taa suuqa cad-ceedu nagu dishay hadana waagii baryaba noogu hanjabaysa waa laydin kicinaya
Hadaba kuwa maanta suuqyada waawayn ee magaalada hargesya boodh isku soo xardhaaya waxaas ayaa ka horeeya,, xilka ninka u soo tafaxaytoow waxa ka horeeya xisaab aad u badan oo aan maanta hadaad dadka iska indha qariso ay iman doonto maalin aadan murmi Karin
Intaana waxan raacinayaa gudiga komishanka doorashooyinka qaranku inay xadeeyaan cidda noqonaysa xildhiban ha noqdo mid baarlamaan ama mid degaan oo ay cadeeyaan aqoonta u leeyahay ha ahaato mid uu u leeyahay diinteena islaamka ama ta maadiga ah waxay illa tahay in maanta ay dhaami lahayd hadii ninka imanaaya lagu dooranaayo aqoon
W/Q: Axmed Carafaad
Email: axmedcali144@gmail.com