Xil-suge

 

 

Ma weyna oo da’diisu afartan ma dhaafto mana yara oo marka aan been laysku sheegayn waa Lixdameeyihii haddaanu todobaatankiiba madaxa kula jirin. Wuu shaqeeyaa oo subax kasta waxaad ku arkaysaa shandad madaw oo weyn isagoo ku raran gaadhi aad loo soo dhalaaliyey oo baansiinkuna u cammiranyahay ayuu ku wareegaa, wuu xiiqsan yahay oo magaalada meeli ma seegto, waligii xafiis uuleeyahay indho lama saarin, cid sheegaysana lama maqal, xaasha haba sheegin.

 

Waa dad-yaqaan oo wadankaba tirakoob buu ku hayaa waliba waxa uu aad u daneeyaa dhinacaa iyo siyaasiyiinta, hadal hayntooda waabu ku tasbiixsadaa oo maalintii kun goor ka badan inta uu soo qaad qaado magacyadooda, intaa waxa usii dheer oon lagu gaadhayn af miishaarnimo  aan wax lamid ahi jirin.

 

Waxa uu intaa ka faaloodaa falanqeeyaana hadba xaaladda lala waabariisto ee la xidhiidha siyaasadda waddanka iyo is badelkeeda. Nacamlayaashiisu aad bay u badan yihiin, qaar kaloo badanina waxaabay aaminsanyihiin  in uu yahay nin ka ag dhaw madaxweynaha, haa waa run, se layaab malaha oo waxa in badan dhagohooda ku soo dhacda ifafaalaha iyo odoroska arrimaha kasoo fuli doona mustaqbalka dhaw qasriga madax-tooyadda oo sidii ay u maqleen badiyaa ay u arkaan.

 

Magiciisa waxa la yidhaa Ma-tukade laakiin waxa lagu xantaa oo ay bulsho badani iskula garan og yihiin xil-suge, magacuna wuxuu kasoo raacey waligiiba wuxuu isku sii xayaysiiyaa in loo magacaabi doono  Wasiiru-dawle, Wasiir iyo Wasiir ku xigeenba.

Mar alla markay midi ka hungowdaba tu kaluu sii sahamiyaa dadkana usheegaa cudur daar iska bilaash ah oo imika lagaba caajisayba dhagaysigiisii.

 

Imikuun buu ugu rajo dhaw yahay oo waxa uu fursaddo dahabiya ka helay xaaladaha siyaasadeed ee waddanka oo wuxuu ku taamayaa haddii uu xisbul-xaafidka guul dhaw ka gaadhi waayo inuu mucaraaddada dhankeeda callanka ka soo lulo.

 

 

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com