Xikmado Dahabi ah

11000546_885048461548615_1687916454800482652_n
1. Sonkor iyo Cusbo waa isku qasmi karaan, laakiin xitaa Qudhaanjadu way diidaa cusbada, waxayna qaadataa keliya sonkorta. Dooro la socodka dadka wanaagsan kana dhig noloshaada mid macaan.

2. Marnaba ha ka welwelin hana isku mashquulin dadka gadaashaada ka hadla, sababtoo ah waxay cadeyn u tahay in noloshaadu aad uga xiiso badan tahay tooda

3. Goortii qofku horumariyo awooda uu ku dhageysan karo ama ku aqrin karo faallo negative ah isagoo caroon ama deganaanti ka lumin, micnaheedu waa in uu noqday Qaangaar iyo Aqoonyahan dhab ah

4. Haddii aad dhibsatay halka aad ku nooshahay, ka Guur. Ma tihid Geed meesha ka baxay. Is-bedelku gacantaada ayuu ku jiraa, adiga ayaana naftaada ka mas’uul ah

5. Dadku waa laba qeybood; Kuwa ficil sameynaya iyo kuwa iska fadhiya. Kuwa fadhiya ma aha inay fara gashadaan kuwa ficilka sameynaya

6. Qofna ha ku nicin hana ku dhibsan nabar meel ka mid ah jirkiisa ka muuqda xitaa dildilaaca caloosha hooyada kolkay dhasho sababtoo ah Dhaawac kasta wuxuu reebaa xagtin (haar), xagtin kastana waxay sheegtaa sheeko. Sheekadaasoo oranaysa, “Waan badbaaday”

7. “Maya” waa Jumlad dhameystiran una baahan inay afkooda baraan dhalinyaradu. Haa iyo Haye fudud waxay halaag u horseeday hablo badan.

8. Qof kasta oo xil qabta waa tegayaa, waana banaynayaa booska shaki la’aan. Sidaa darteed, had & Jeer hamigaagu ha ahaado bixitaan Guul ah, dhaxal ka tag dhamaadkaaga. Waxa muhiimka ah ma aha in naloo sacab tumo markaan nimaano balse in nala xasuusto markaan tagno.

Faarax Cawaash