Xeerdejinta iyo xukuumad is xambaar ah:Qormadii 10aad qalinkii(Boobe yuusuf Ducaale)

Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Qormadii: 10aad

(Fadlan halkan ka daalaco Xeerka Sir-doonka Qaranka)

http://dharaaro.com/images/PDF/xeer.pdf
Bal idinka ayaan idin weydiiyay e’ sidee ayay hay’addani uga tarjumi kartaa guuxeenna iyo dareemmadeenna. Xaq uma lihin oo keliya in aynu guuxno oo dareen yeelanno, bal se wuxu Dastuurkeennu inoo dammanad qaadayaa in aynu qaababka beni-aadamku isku cabbiraan oo dhan dareemmadeenna ku muujinno. Maxaa looga baahan yahay in ay hay’addan Sir-doonku ‘ka tarjumi karto guuxeenna iyo dareemadeenna’. Miyaynaan dad nool oo is-cabbiri karaya ahayn, mise waxaynu gaadhnay xilligii la inagu rakibi lahaa mishiinno dareemadeenna tarjuma oo af ay Xukuumaddeennu taqaan u roga oo aynaan innagu la garanayn. Bal adba!

Waxaan ka yaabay demmenaanta dadka xeerkan qoray. Xilliyadan aynu nool nahay ma noola. Weli waxay ku jiraan ‘Noomal Kahaf’ iyo xilliyadii wax-saareenka ahaa ee Siyaad Barre. Waxaanu idin ka nidhi: “Cidiba immika ma guuxdo e’ waa la doobyaa oo rakaadda la laba-celiyaa ee taa wax lagu cabbiro ma haysataan.”

Waxa jira wax afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Context’ oo aynu u tarjuman karno ‘xaalad’. Tusaale haddii aynu soo qaadanno waxaynu odhan karnaa Xeerka ina wareeriyay ee ‘Sir-doonka Qaranka’ ‘context-kii’ ama ‘jawigii ama xaaladdii’ lagu qoray maxay ahayd. Xaqiiqadu waxay tahay in dadka qoray aanay ahayn qaar hadda nool bal se ay ahaayeen qaar weli ku jiray xilliyadii madoobaa ee nidaamkii Siyaad Barre.

Waxaad is-odhanaysaa miyaanay Wargeysyada akhriyin? Miyaanay telefishannada daawan? Miyaanay arag inta Baar-qab reeraha ku jirta ee habeeen kasta iyo maalin kasta qaybaha war-baahinta doobta ka ridda? Ma cid baa wax qarsata? Ma daba-gal iyo xuuraan ayaa loo baahan yahay?

Reerku, qofku, kooxdu, ururku, xisbigu, cid waliba waxay berri ku dhaqaaqayso war-baahinta ayay marisaa oo cid wax qarsataa ma jirto. Markaa, maxaa la xuuraamayaa? Maxaa la dhega-dhegaynayaa? Qof baa maanta argaggixiso loo xidhayaa ama hanti- ummadeed oo uu dhacayba. Subaxnimada cid kasta oo ay arrintaasi khusayso oo xukuumadda ka tirsan ilaa Madaxweynaha, waxa albaabbadooda garaacaya reerkii oo isku duuban oo is-wada wata. Ma Wasiirkii baa! Ma Xil-dhibaankii baa! Ma sheekhoodii iyo shariifkoodii baa! Ma Madax-dhaqameedkii baa! Ma Ganacsadihii baa! Ma Indheer-garatadii baa! Bal idinku wada ilaa inta aad ka daalaysaan. Haddii la soo waabiyo wax ma qarsadaan e’, markaaba shir-jaraa’id oo dhagareed ayay ku dhaqaaqayaan oo war-baahinta ka sii deynayaan waxay fali doonaan oo aan been ahayn. Ma dadkaasaa Hay’ad Sir-doon Qaran u baahan oo xuuraanta ama guuxooda dhegaysata. Bal adba!

Qaybta: 2aad

Qodobka: 6aad

(Awoodda Hawlgalka Dhulka, Badda iyo cirkaba)

Hay’addu waxay awood u leedahay in ay ka hawlgasho dhulka, badda iyo Cirka Jamhuuiryadda Somaliland ee ku gudo-jira xuduudihiisa caalamiga ah, waxa kale oo ay ka shaqayn kartaa meel kasta oo ka baxsan xuduudaha dalka, iyadoo la eegayo danta qaranka, marka loo baahdo.

Faallaynta 6aad:

Bal hadda Qodobkan 6aad ee Xeerka Sir-doonka Somaliland aan ag dhgno Qodobkii 3aad ee Xeerkii Nabad-sugidda ee Siyaad Barre oo ahaa:

Qodobka: 3aad

(Sharciyadda)

Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin karaa dalka dibaddiisa,

Faallaynta Qodobka: 3aad

Waxa iska cad in aan xeerkan diyaarintiisii curin iyo hal-abuur badan lagu lumin ee xeerarkii kelidii-taliyihii hore si fudud la iskaga soo qaatay. Xeerkii Hay’adda Nabad Sugidda ee maamulkii Siyaad Barre ayaaba ka koobnaa oo ka urursanaa. Annagaa belo aragnay.

Qodobka: 7aad

Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda

Hay’addu waxay leedahay xilalka iyo waajibaadka hoos ku qoran:

1. Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho (intelligence service);
2. Dabagalka (monitoring) iyo la socodka xaalada amniga guud ee qaranka iyo
xasiloonida dalka iyo dibadaba;
3. Ka warbixinta khataraha jira ama ku soo fool leh amniga qaranka gudo iyo dibeddaba;
4. Ka-saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada falal kasta iyo xad gudub kasta oo ah danbiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn karo qaranka.
5. Dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa argagixisada.
6. Taageeridda iyo gacansiinta laamaha Dawladda ee qabilsan amniga iyo dhamaan meel kasta oo kale oo ay waxtar ka geysan karaan.
7. La socodka iyo dhaqdhaqaaqa Hay’adaha shisheeye.
8. Tira-koobka xog u haynta dublimaasiyiintooda (Diplomatic missions).
9. Tiro koobka ajanebiga wadanka ku sugan iyo isla markaana sugida amaankacida ku xusan xarfaha G & i.
10. Ka hortaga dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada, sumcada iyo sharafta qarannimada JSL.
11. La socodka qalabyada warbaahinta, qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahan yihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin iyo wax kasta oo ku duugan (publication press and propaganda)

Faallaynta Qodobka: 7aad:

Bal hadda Qodobbadan dhex qaada oo wax macno la taaban karo samaynaya ka soo saara. Waxaan magan idiin ka ahay in aad u fiirsataan oo aad hoos u dhugataan faqradda 11aad ee ugu danbaysay ee aan hoosta ka xarriiqay. Bal waxaad ag dhigtaan Qodobbada Dastuuriga ah ee dammaanad-qaadaya xorriyatul qowlka iyo xaqa is-cabbiraadda ee muwaaddiniinta. Hadda xeerkan waxa waqti geliyay oo inta badan inoo qalin-daraaleeyay Gole Wakiillo oo aynu doorannay oo aynu waqti iyo maalba u hurnay. Sidaa ay tahay ayay weliba ku faanaan in ay xeerkan iyagu saxeexeen.

(La soco……………………………………..)