Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019

Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah nabadgalyo taama oo ka hirgashay dhamaan gobolada ay ka kooban tahay jamhuuriiyadda somaliland;  waxaana kaalinta labaad ku jirtay qabsoomida doorashooyin ku dhisan nidaamka dimurqaadiga ee hal qof iyo hal cod (one man one vote election) iyadoo oo ay soomaliland ka qabsoomeen doorashooyin kala duwan kuwaas oo dhacay wakhtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii dhacay 2003,2005,2010,2012,2017, kuwaas oo dhamaantood ku dhacay jawi nabadgalyo islmarkaana ay u riyaaqeen dhamaan goob joogayaashii caalamiga ahaa ee dusha kala socdey qaabkii ay u dhacayeen doorashooyinkaasi , inkasta oo aaney somaliland kasban natiijadii ka dhalan laheyd in somaliland lagu abaal mariyo ka dib doorashooyinkaasi sida nabadgalyada ah u dhacay haddana waxay somaliland u saamaxeen in beesha caalamku aaney indhaha ka qarsan xaqooyinka ka jira somaliland ee nabadgalyo , dhaqaale,aqooneed iyo dhaqdhaqaaqyada gacansi ee ka socda somaliland

musharax AxmedSi kasta ha ahaatee , iyada oo ay jireen caqabado dastuuri ah oo wakhtiyada qaar keenay in dib u dhac ku yimaado doorashooyinka wakhtigooda ; haddana marna may dhicin in khilaaf soo kala waajaha asxaabta qaranka awgii ay doorashadu dib ugu dhacdo wakhti dheer waxaana iman jirey isu tanaasul dhinacyada asxaabta ah ama go’aan madaxweyne oo xal lagaga gaadho qabsoomida doorashooyinka , mudane Daahir Dayaale Kaahin ayaa noqdey madaxweynihii ugu doorasho qabashada badnaa intii uu hayey hogaanka dalka  isaga oo qabtay doorashooyinkii 2003,2005,2010 iyada oo doorashadii u danbeysayna aheyd tii lagaga guuleystay isaga oo si  niyad sami ah ugu wareejiyey Madaxweynihii dhawaan tallada ka degan Ahmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) iyada oo arrinta mucjisada ahi noqotey sidii uu aqbaley natiijadii ka dhalatay doorashada  oo aheyd mid dalalka afrika naadir ku ah

Si kastaba ha ahaatee, waxaan qormadaydan ku soo gudbin doonaa xalka lagu furdaamin karo doorashooyin somaliland ka dhaca march 2019 haddii Eebe ogolaado  waxaana ka mid noqon kara:-

  1. In madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi cabdi oo qodob dastuuri ah siiyey kala dirista KDQ uu kala diro Guddida KDQ si la mid ah talaabadii uu qaadey madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin , ka dibna madaxweynaha iyo Asxaabta qaranku si dhakhso ah u soo magacabaan xubnihii badali lahaa guddidaasi
  2. In xubnaha Guddida doorashooyinka qaranku ay dantooda gaar ka ah ka horeysiiyaan danta qaranka oo xilalka iska casilaan iyagoo u tudhaya danta mushtamaca maadaama oo asxaabta badidoodu aaney kaslooni buuxda ku qabin doorasho ay dhex u yihiin GDQ ee wakhti xaadirkan jooga , si ay xal ugu noqoto doorasho dalka ka qabsoonta
  3. In asxaabta qaranku gaar ahaan mucaaradku soo badashaan xubnahooda kaga jira GDQ, si ay xal ugu noqoto qabsoomida doorashada , inkasta oo xubnaha GDQ yihiin xubno dhaarsan oo ah garsoorayaal dhex u ah asxaabta qaranka haddana waxa asxaabta qaranku ku kala badan yihiin soo xulista xubnaha komishanka oo ka kala yimaada madaxweynaha 2 xubnood, guurtida 2 , iyo asxaabta oo mid mid  ( 3 xubnood)soo magacowda .

 

Qalinkii: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin

Caalin178@gmail.com

Hargeisa somaliland