Xafiiska Imtaxaanaadku Yaanu Hormood u Noqonin Asbaabaha Loo Aaneeyo Tahriibka Dhalinyarada Ee Somaliland.

Guud ahaan sida laga wada warqabo waxa dhawaan soo gaba gaboobay hawshii qaadista imtaxaanaadkii dugsiyada dhexe iyo  sare ee dalka jsl.

Inkasta oo jawi fiican ay ku bilaabmeen kuna dhamaadeen hadana waxa jiray duruufo kala gadisnaa oo barbar socday hanaankii hawlmaalmeedka ee mudadii hawlaha imtaxaanaadku socdeen gaar ahaan dugsiyada sare,taas oo aan doonaayo inaan wax ka taataabto.

Ugu horayn wakhtiga imtaxaanka la galayo maadadda hore oo qorsheheedu ahaa 8:00 subaxnimo waxa jiray in dib u dhac uu ku imanayay taas oo la galayay ilaa 8:40 , mar hadii wakhti lumayna ay taasi sababaysay in ardaydii oo aan wax badan ka shaqaynin laga uruurinayay waraaqaha iyadoo maadada danbe oo qorsheheedu ahaa 10:30 ay jirtay in iyana uu dib u dhac ku imanayay lana galayay ilaa 11:20 sidii hore oo kalena ardaydii oo is leh wakhti ayaa idiin hadhay laga uruurinayay waraaqaha iyadoo aanay jirin digniin la xidhiidha ururinta waraaqaha iyo xiliga toona.

Waxa dib u dhaca wakhtiga ka biyo diiday qaar ka mida masuuliyiintii wasaaradda waxbarashada ee kormeerka ku marayay goobaha imtaxaanaadku ka socdeen kuna canaantay horjoogayaashii goobahaa wakhtiga ay dib u rideen ama lumiyeen.

Waxa kale oo jirtay in imtaxaanka su’aalaha lagu soo qaaday aqlabiyaddoodu aanay ahayn wax ay ardaydu dhigteen kuna jirin syllabus-ka laguna tilmaami Karin aqoon guud taas oo noqotay caqabad kale.

Caqabadaha guud ee meesha laga dareemayay waxa ka mid ahaa muddada sanad dugsiyeedka oo aan cashararadu ku  dhamaystirmin  firaaqo muraajaco lagu helaana adagtahay  taas oo kala dhantaal ku keenta  iyana u diyaar garowga ardayga ee imtaxaanka, sababtana in ardayda qaar badani marka ay is daraaseeyaan ay ka hadhaan galista imtaxaanka,halka ardayda gasha imtaxaankana ay saamayn ku yeelato natiijada ay ku gudbaayaan.

Qodobka 15aad ee dastuurka JSL faqradda 1 waxay dhigaysaa in dawladdu mudnaan gaara siinayso horumarinta,balaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta,una aragto waxbarashadu inay tahay maalgalinta ugu habboon ee kaalinta ugu wayn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho halka barnaamijkii xisbiga kulmiyena lagu sheegay in waxbarashadu ku salaysnaan doonto nabad ku wada noolaansho, wadaninimo, mutadawacnimo, shaqo jacayl iyo la dagaalanka balwadaha iyo dhaqanada xun-xun ee ragaadiya horumarka dal,waxa kale oo balanqaadkiisa ku jiray marku dhalinyarada ka hadlayay uu sheegay in uu ku habsaday niyad jab,rajo la’aan iyo warwar ay ka qabaan mustaqbalkooda oo aanay dawladdii hore siinin mudnaantii iyo muhiimadii ay dalka u lahaayeen, hadaba si kasta oo wax uga jireen isagaa maanta looga fadhiyaa ficil iyo waxqabad iyadoo labadii qodob ee aan soo sheegay la isku dabaqayona waa in laga bilaabo hawsha sixitaankaa imtaxaanka oo mudnaan iyo qiime gaara la siiyo.

Su’aasha la is waydiin karaa waxay tahay wakhtigan la ridayay ee ka lumayay ardaydu ma dagaal wasaaraddu kaga aargoosanayso imtaxaanadii la heli jiray sannadadii hore miyaa?.

Waxa kale oo layaab ahayd in maalintii u danbaysay imtaxaanka dugsiyada sare lasoo dhoobay dugsiyada ciidamo RRU ah oo xad dhaaf ah kana badan kuwii hore amniga goobaha u sugayay ee ahaa SPU  isla markaana ay dooneen inay xoog iyo haddidaad ku kala dareeriyaan ardaydii sida walaaltinimada ah isu sagootiyaysay dhabqiyeena dugsiyadii,hadaba ma waxay ka baqeen in ardaydu cabasho ka sameeyaan duruufahaa imtaxaanka ku lamaanaa ee aan soo sheegay?.

Imtaxaankii dhawaan la qaaday waa in laga fiirsado sixitaankiisa,arday la rido na waxa ka hor mudan arrimo kale,waa in horta la sameeyo daraasad qaran oo ku saabsan nidaamka sanad dugsiyeedka,sida loo dhigto casharada,baahiyaha ka jira dugsiyada ee la xidhiidha agabka waxbarasho,macalimiinta ,sababaha dugsiyada sare ee dawladdu hoos ugaga dheceen kaalmaha sare sanadadii ugu danbeeyay iwm.

Waa in aan lagu dhalinin dhalinyarada qalbigooda tahriib ee ay xafiiska imtaxaanaadku aad u qiimeeyaan ulana saayiraan hawsha sixitaanka ee maanta iyaga dul hoganaysa,ogaadaana indhaha badan  iyo quluubta  xaggooda u soo jeeda kana dhursugaya sida ay u maarayn doonaan  hawsha sixitaanka ee imika ay ku guda jiraan.

Waa in hawsha sixitaanka la fududeeyo oo la siiyo duruufihii aan soo sheegay garawshiiyohooda taasoo ay tahay in ardayda loo sameeyo Up-Grading.

Guntii iyo gaba gabadii waxaan kusoo xidhi lahaa qodobkaa in dawladda oo arrintan ay ku hogaaminayaan wasaaradda waxbarashada iyo xafiiskeeda imtaxaanaadku ay ardaydaa soo baxaysa oo ah madaxdii barrito isbaddalkii dalka ka dhacayna kaalinta ugu wayn ka qaatay ay markooda gudaan abaalkooda, lana eegi doono  sida ay arrintan ka yeelaan.

Gaba gabadii waxaan maqaalkaygan ku soo af meerayaa tuducyo ka mida gabaygii saxan saxo ee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac  “Gaarriye” ,waxanu yidhi:

Ninba wuxu dadwaynaha gashaday ᴥ  gumaradeed tuugye

Nafiba geedka ay beerataabay   ᴥ    goosan midhihiise

Aniguna garsoor iyo xornimo   ᴥ     waan u god galayaaye

Yoonis Maxamuud Maxamed

Hargeysa, Somaliland