“Waxaan Samayn doonaa wax kasta oo suurto-galinaya inaan arko Jamhuuriyadda Somaliland oo madax bannaan” – Xildhibaan Gavin Williamson

London (SLpost)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka UK, ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyey xuska sannad-guurada 33aad ee maalinta Qaranada Somaliland ee 18 May.

Mudane Gavin Williamson oo qoraal kooban oo xambaarsan hambalyo iyo guubaabo maanta ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu ballan-qaaday inuu sii wadi-doona taageerada uu ku garab-taagan yahay qadiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland maadaama oo uu ka mmid tahay xildhibaannada Baarlamaanka UK ee u ololeeya Aqoonsiga Somaliland.

“Reer Somaliland oo dhan waxaan ku bogaadinayaa 33-guurada maalintii ay la soo noqdeen xornimadooda. Waan idinku garab-taaganahay halganka aad ku jirtaan, waxaanan soo dhawaynayaa horumarka laga sameeyey dedaallada aqoonsi uu qarankiinu helo. helo,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Williamson, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan Samayn doonaa wax kasta oo suurto-galinaya inaan arko Jamhuuriyadda Somaliland oo madax bannaan”.