Xaalad nololeed oo qalafsan, gabay dareen ka dhashay

 

1- Cirka gudhay waxaa ceel qalalay, uunka cabanaaya
2- Fallaadhaha cadceeddiyo hanfiga ciidda hurunshowday
3- Ma yeedhaanka cadash aawadii, calal u eekaaday
4- Caloolyowga maatada qaracan, cuudki ka idlaaday
5- Noloshaa cidhiidhiga gashee ceesh la jari waayey
6- Cuduradan dilaagee arlada caadi ugu faafay

7- Waa ciqaab samada nooga timi caaq ma dhaadane
8- Waa caasi ficilkii waxaa caydha kaa dhigaye
9- Dulmigaa carrada buuxiyee, lagu caloolaystay
10- Caweys meerkan lala soo baxee ubadki caadaystay
11- Cududaha galbeedkiyo intaan gaal u cabanayno

12- Cantablaha qabiilkiyo haddaan ceebta laga guurin
13- Haddii aan caqligu toobad celin caawa iyo maanta
14- Haddii aan cibaadada rabbiga caawin lagu raadin
15- Sarreeyaha carshiga weyn haddaan cafis la waydiisan
16- Intuu caynkan weli xaalku yahay haw fadhiyin caymin.

Eray fur: cadash: waa harraad, waana kelmad carabi ah.

Arimahan soo socda oo isu tegay ayaa igu kelifay inaan bal dareenka abaaraha ee xanuunka badan, duruufaha kakan ee nolosha bulshada ku gedaaman iyo waxyaalaha keenay, aan qayb ahaan ku soo bandhigo gabeyga kor ku xusan.

Markaan diyaarinayey saaka khudbaddii jimcaha:
1- Waxa maankayga ku laba dhacayey nusuusta quraanka iyo sunnada ah ee aan akhriyayey iyo sida ay u sawirayaan waayaha abaareed iyo nololeed ee bulshadeena.
2- Waxaan soo xasuusanayey dareenkii damqashada lahaa ee qalbigayga taabtay markaan shalay daawaday sawirada naxdinta leh ee qaarkood halkan ku lifaaqan yihiin oo uu soo tebiyey Dr, Ahmed Buhane.
3- Muuqaalladii dhalanteedka kuleylka, boodhka iyo dhulka guban lahaa ee aan la kulmay markaan jimcihii hore safar ugu baxay miyiga,
4- Xadiiskaas oo laf dhabar u ahaa khudbaddayda oo uu Nebigu NNKH ku sheegayo sababaha keena roob la’aanta, abaaharaha, cudurada faafa, gumowga bulsho iyo dulmiga madaxda,

walaalayaal aynu isku dayno inaynu gurmadka socda ee dadka abaaruhu haleeleen loogu gurmanayo gacan ka gaysano, si guud iyo si gaar ahba
الراحمون يرحمهم الرحمن.