WHITE HORSE HOTEL & APARTMENTS HARGEISA & BEENTA HADHWANAAGNEWS

Mulkiilaha Hadhwanaagnews ,  Axmed Naasir Jibril , wuxuu   August 19th  soo geliyay Mareegtiisa  Hadhwanaagnews sawiro dhismo qabyo ah oo aan dhisaayo. Muddo ku dhaw 10 sano ayaanu si fiican isu naqaanay Mudane Axmed Naasir oo waxaanu nahay jiiraan wadda deggan   Galbeedka Toronto. Axmed Naasir wuxuu ogyahay  inaan muddo  30 sano ah ka shaqaynaayay Baanan ku yaalla dalka Emaaraadka Carabta . Waxa kale oo uu ogyahay inaan ka shaqayn jiray   TD Canada Trust Bank oo ah  baanka ugu wayn dalka Canada. Waxa kale oo uu ogyahay inaan Toronto ku leeyahay hanti-ma-guurta ( Real Estate ) oo ka qiimo badan $ hal  Million  oo haddii aan rahmo aan heli  karaayo $ 800,000. Asagoo intaas oo dhan la socda  ayuu hadana faafiyay sheeko  rakhiis ah oo nuxurkeedu ahaa “ Col. Caare ayuu lacag ka dhacay oo guryo ku distay “.

 

WHITE HORSE HOTEL & APTS.

Designka  waxa la sameeyay 2017,  dhismaha  waxa la bilaabay June,2018 , xilkana waxa lay magcaabay April,2018.  Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, warqad qoraal ah ayaan ugu gudbiyay designka, qiimaha dismaha  iyo halka  ay lacagtu taallo. Waxaan ka helay  ogolaansho . Markii  seeska la jeexaayay  ( size ) Abtigay Sheikh Axmed ayaa ku akhriyay quraan  casharna wuu ku saydhay si aanay isha xun iyo xasadku ugu dhicin. Amarka ilaahay,  dacaayadda Axmed Naasir Jibriil  waxay  isu rogtay xayaysiis b ( Free Publilcity ), ilaahay khayrkeeda ha nasiiyo.

 

 

Hadaba aniga oo ka faidaysanyaa xayaysiiskaas, waxa White Horse Hotel  la furayaa Bisha Nov,2019, haddii alla idmo. Wuxuu caasimadda  kusoo kordhin doona bilic iyo qurux. Wuxuu ka koobanyahay 2 bedroom  flats, One bedroom Flats, VIP & Single Rooms, Meeting Halls, GYM & Sky-view Cafteria. Waxa dushiisa sare lagu rakibo doona TELESCOPES  lagu daawado daruuraha, dayaxa, laxaha  iyo meerayaasha Cirjeed, Arun, Docay, Raage iyo kuwo kale. Qorbajoogta oo aanay ku jirin qirinqiirku, waxa loo samayn doona qiimo dhimis khaas ah “ Especial Discount “ , Insha allaah. Wariye Axmed Naasir  Jibriil waxa la siin doona VIP Room muddo 10 cisho, waxaana lagu soo dhawayn doona gacmo furan iyo dhoolo caddayn.

 

Muwaadin Cali Ibrahim Jama “ Baqdaadi”.