Weli Badh baa Xanniban

 

 

Ogow badhaadhaha adduunka iyo nimcada dharaar walba taagan in aanay bulshadu u sinnayn, tan islaamnimo mooyee!. Iyaga waa u damaashaad iyo dekayn had walba oo jewi cusub uu u bisho, balse aniga waxa ay ii ahayd dhiilaabe iyo muusannow, waa ii ba’ iyo hoof, haar, taah, hiinraag  iyo hawl ayaa wax walba ii dheeraa subax walba oo ay falaadhaha cadceeddu bari kasoo iftiimaan.

Isma ogeyn ciddaan ahay balse xasuus uun ban ku garanaya in aan ahaa dhibbane, naftaydu meel ay ku socoto iyo meel ay ka socoto,  ammin ay socoto iyo xilli ay joogsan doontaba iima qorshaysnayn mana ogeyn dharaartaan bulshada wax la wadaagayo.  Gaar ayaan u noolayn aniga iyo xoogay aan ka sinnayn dhibtan joogtada ah ee aan waligeed naga dul guurayn, xayn xayn iyo xubin xubinba waan u noolayn, haddana annaga dhexdayada dhibta aan iska soo gaadhsiinno ayaa ka daran tan ay dugaagu iskula kacaan, damqasho iyo diirnaxtoonna ma lihin oo dareenkii iyo dubaaqii ayaaba waa hore na doorsoomay.

Maan garanaynin goor ay ahayd iyo wakhti aan halkan imid xiskayga iyo maskaxdayduna ma joogin, balse cadceedda oo kulul iyo aniga oo dab ku dhex jira ayaan is arkay, dambaska iyo dhuxulaha dabka ee hareerahayga ku wareegsan ayaan la kowsaday subaxaas,  agtayda waxa buux dhaafiyey dad aanan garanayn oo aanan dharaaro badan ku arag goobtan dhibaatada badan leh, wejiyadooda ayaan dhugtay oo aan daymo kaga bogtay aniga oo dhulka fadhiya balse ay agtayda dhinbiilo holcayaa ka muuqdaan  “garanmaayo kuwan ee maxay ahaayeen!”   Ayaan naftaydan miskiinadda ah waydiiyey aniga oo uu codkaygii baddelanyahay.

Mid feedha waawayn ayaa dhankayga u soo dhaqaaqay si uu ii badbaadiyo balse anigu in uu dhib ii gaysanayo ayaan nabdiga gashtay kadibna dib ayaan u sii siqay siaan naftaydan miskiinta ah u miciin bido in aan geed yar oo ii dhawaa kaga war wareego ninkan. Waxaan fali lahaaba judhii horeba dhinbiil kulul ayaa badhida igaga dhegtay oo xanuun iyo kaar intaan xejisan kari waayey ayaan qaylo isku daray “ waar i daaya maxaad iga rabtaan miyaydaan islaam ahayn!”.

Inta uu ninkii ka soo dul tallaabsaday dabkii ayuu garabka I qabtay oo uu kor ii istaajiyey, dhawr tallaabo oo dhaadheerna wuu ila boobay, balse meel walba oo jidhkayga uu taabto damqasho ayaan ka dareemayaa mana garan karo goor la I asiibay iyo sababta la ii helay, balse maaha wax  ay cid ii gaysatay ee waa gubniin aan caawa oo dhan dhex galgalanayey hurimmo dab ah oo meesha yaallay.

“ xaggee la ii wadaa!” iyo “dhakhtarkaa lagu geynayaa” ayaan ku war helay.

Waxa yaab igu noqotay bulshadii maalin walba dhibta igu dhaafi jirtay oo manta anigii dhakhtarka ii la sii cararaysa  “ arxam dhawaa ma  adduunkii ayaa is dhelan rogay oo bulshadii ayaa samaantii baratay!” ayaan hoos naftayda ugu xamanayaa dadkan i laad laadsanaya aniga oo dhidid uu dushayda ka hooray sidii haro biyo buux dhaafiyeen. Waxa ii cuntami la’ dadkan i badbaadinayaa in ay yihiin kuwii shalay dhibtan aan dhex dabbaalanayey iga dhaafayey hareeraha.

Gaadhi yar oo aanan weligay dhexdiisa fadhiisan ayaa la igu la cararay, cod macaan oo dhegahaygu ay u boholyoobayeen ayuu gaadhigaasi samaynayey, in badan waddada isaga oo maraya ayaan arki jiray balse maan aqoon wax uu yahay iyo cidda lagu qaado toonna.

Dhakhtarkii haddii la i geeyey ba xagga danbe ayaa laga furay gaadhigii, labo nin oo xoog leh oo dhar cad cad sita ayaa iga soo dejiyey, horaa na la ii waday ilaa sariir la I saaray oo dharkii abaaday ee suufka ahaa la iga muldhiyey, dawo nabaradii xanuunka lahaa sii xanuujisay ayaa la igu dhabooqay, balse aakhirkii aan ku reeyey, intaa kadibna inta qof dumar ah la i soo raaciyey ayaa dhar cusub iyo meel cunto leh la ila raadshay, waana la ila helay labadaba.

Waxa ii dheeraa in la igu la taliyey in aan ka baxo noloshii dugaagnimo oo aan dadka ku soo biro sidii ayaanna sameeyey, guul ayaannan ka gaadhay noloshii, balse cid kale ayaan ku tiirsanahay oo reer ayaa I caawiya oo aan la noolahay wax naga dhaxeeyaana ma jiraan islaamnimo mooyee, abaalkooda se waan gudi.

Waxaan ahaa derbi jiife oo habeenkaa uu dabku I  helayey miyirkaygu muu joogin xabag ayaan dhuuqayey oo aan gosha ku sitay, ma xasuusto qaabkii ay wax u dhaceen, balse umaddii ayaa ii sheegtay in aan ku sugnaa dooxa hargysa qarkiisa halkaas oo dab ay shiteen rag ilaalo ahaa ay halkaa kaga tageen aniguna aan iska dhex dabaashay.

Maanta boqollaal ila mid ahaa ayey dhibtaasi haysataa, cidda ay wax ka sugayaanna waa bulshada, sida aniga la ii badbaadiyey waa in iyagana loo badbaadiyaa, waxa hubaal ah haddii la tuso hilinka toosan in ay noloshooda qaabayn doonaan, haddii ay helaan cid u gargaarta waxa hubaal ah inay baddelayaan noloshii qiimaha liidatay isla markaasna bulshada dhinaca kala soconayaan.

Ilaahay waxa uu yidhi “ Isugu naxariista dhulka, samada ayaan idiinka naxariisan ee”.

Derbi jiifka oo aad u gargaartaa waa guusha waddankaaga, waayo waa ubadkii mustaqbalka la wadaagi lahaa kan aad dhashay ee haddii uu waayuhu gabo garab istaagi lahaa, bulshada waa la beertaa wanaagg ayaana la gashtaa waxa hubaal ah in aad helaysid midho dhal wanaagsan oo uu qof walba xasuusan doono maalintii dhibta laga fayday, sidaas darted bulshada oo dhan ay noqdaan garab iyo gaashaan, af iyo gacan, ul iyo diirkeed, isla markaasna uu imanayo kala maaranwaa’ iyo is jecayl.

Ummadda dhibbani waa kan laga dheefayo berri hadii lala wadaago wacyiga iyo waayaha adduun ee haysta maanta, hadii lala dareen noqdo oo la isku hawlo sidii sebiyo cirrooleba gacanta loo siin lahaa, hubaal waa la gaadhi karaa guul walba oo uu qof higsado, balse carqalad ayaa wax walba hortaagan si looga gudbaana waa inaad noqotaa qof daacad ah oo caawimaadda dhibbanuhu ay ka tahay uurka baarkiisa, afka in ay sii saarnaato looma baahna.

Qof walba oo aad wax u qaban kartid balse aad iska dhega marisid ogow waa wax adiga kaa go’an. Waa boog iyo nabar kugu mudan ilaa iyo inta ay ajashaadu dhammaanayso.

 

W/Q- Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cabdiraxmaan (bulshaawi)

 

Contacts:

Email : ebulshaawi@gmail.com

Facebook: eng abdirahman bulshawi