Waxqabad La’aanta Dambe iyo Alalaaska Hore isma Qabtaan Masuul

Shakhsi kasta iyo qof kasta oo isku sharaxa xil dawladeed kasoo bilaw Madaxweyne ilaa xildhibaan degaan, waxa ay sameeyaan balanqaadyo iyo dhaaro ay galaan sidii ay shacabka cod uga heli lahayeen misana ay u kasban lahayeen caqligooda,maankooda iyo garashadooda; intaas wax u dheer in ay sameeyaan olole,loogu qaadayo heeso iyo gabayo lugu amaanayo qofkaa musharaxa ah, misana ka dhigaya dadka kuwo xagiisa u jeesta oo heestaas amaanta iyo waxqabadkiisa kawaramaysa ayey aad u dhuuxaan, Taas waxaa dheer Marka la iskugu yimaado fargaare shacab badani ka qaybgalo waxaa ka dhaca balanqaadyo iyo malo-awaal la malaynayo siday wax noqon doonaan hadii uu ku guulaysto kursiga qofkan musharaxa ahi, taas oo aad moodo mid run ah laakiin marka loo fiirsado aad ka dareemaysid in buun buunin ay ku jirto oo aan sidaas cidina u qaban Karin.

Tan iyo intii Somaliland dhisnayd waxaa iskaga dambeeyey dawlado kala duwan oo nin kasta oo masuul ah oo katirsanaa uu samayn jiray balanqaadyo, kana tegay taariikh qoran oo ah wixii uu balan qaaday iyo wixii ka hirgalay, taas oo jirta awgeed ayaa waxaad arkaysaa hadii aad safar ku marto meelo badan oo kamid ah dhulkeena dhagaxaan iyo calaamado ay dhigeen niman masuul ah oo kamid ahaa balanqaadyo dhismooyin,waddooyin,ceelal iyo garoomo kubadeed oo ay leeyihiin waxaanu dhisaynaa dhawaan, misana uu wakhtigii sidii kaga dhamaaday iyaga oo aan hirgelin ku samayn iskadaa wax ay qabtaan’e dhagaxii ay dhigay waddoyin dadku mari jireen oo odayaasha iyo dadka da’ad ahi ku dul kufo habeenkii, oo waxyeelo u soo jiida dadkii deegaanka.

Bal malee muwaadin nin masuul ah oo inta uu dhagax dhigay meel una balan qaaday bulshadii degaankaas in uu wax u qaban doono oo uu dhisi doono aan mardambe ku noqon oo aan u dhaqaaqin taas oo badanaa ka dhacada degaanada dalkeena, Hadaba dhagax dhigani ma mid lugu faano oo tilifiishanada iyo shabakadaha wararka la iskusoo sawiro miyaa? Mise waa mid wakhtiga soo socoda bulshada degaankaa lagag doonayo cod? Taas waxaa dheer oo ah wax laga xishoodo in masuul uu degaan u balan qaaday in uu wax-qabad kasamayn doono, oo isga oo aan fulin(qaban) arinkii hore ee uu balan qaaday uu markale inta uu bookhdo balanqaad kale oo kii hore kawayn u samaynayo, Somalidu hore ayey uga maahmaahday waxqabad aan jirin oo la sheego in la qabanayo

“Qawada maqashii waxna ha u qaban” Hadaba miyeyna tani keenahayn in dadkii masuulka inoo noqon lahaa marka ay sameeyaan balanqaadyo aan la rumaysan oo lugu gacan saydho, Misana marka hore maxaa ninkan masuulka ah ku kalifaya in uu been iyo buunbuuni aanu qaban karahayn ku galo olole iyo tartan miyeyna ka fiicnayn in uu marka hore sheego xaqiiqada oo uu tartanka iyo ololha ku galo run, oo uu idhaa anigu intaas ayaan qaban karaa ee igu doorta.

Waxaan fariin u dirayaa dadka masuuliyiinta ah ee aan balanqaadyadoodii iyo dhagax dhigoodii kaga runsheegin ee umada uun dhagaxaantii ay dhigeen dhib usoo jiiday in masuuliyadan ay hayaan la waydiin doono, misana ay dembi ku tahay beentan ololaha ay ku gelayaan, Hadaba masuul hadii aad in badan wax balan qaaday ogow hadii aad fulin waydid in lugu nicidoon oo aanad cod dambe ka helayn bulshadii iyo shacabkii ku dooran lahaa.

Dadka shacabka ah waxaan ku dhiirigelin lahaa in masuulka wax u qabanaya aanay ku dooran qaybaalad iyo degaan ahaa ee ay doortaan kii wax u qaban lahaa misana baahiyahooda u fulin kara inta uu karo. Masuuliyiinta xilaka inoo haysana waxaa ay shacbku waydiinayaan Goorma ayaad dhisi doontaan waddadii, dugsigii, sariibadii, ceelashii, aad ololaha ku gasheen ee aad balan qaadeen in aad dhistaan marka aad xilka la wareegtaan.

TALO:

“Masuul ha noqon mid ololaha ku gala been, iyo waxqabad aanad qaban doonin marka aad kursiga ku fadhiisatid, Ha noqonin mid lugu doorto qabyaalad, ee noqo mid bulshada deganaaka ee doorta wax u tar, iska ilaali balanqaadka iyo dhaxagaanta beenta ah ee aanad qabandoonin ee aad telefishanada iyo kamaradaha isku sawiraysid adiga oo dhagax dhigaaya.

Bulshaduna waa in ay kala yaqanaan ninka wax u qabanaya iyo kan calooshiisa u shaqaysta ee inta uu xilka hayo ka buuxsanaya haamaha, misana aan danaynayn dadkii soo doortay”

ALLAH MAHDLEH

W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED

E-MAIL: Xamse18@gmail.com

HARGEISA SOMALILAND