Waxay Bareen Waddadii Dagaalka! – Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Waxay ahayd maalintii ciidda soon-fur ee aynu soo dhaafnay. Waxa aanu ku sugnayn mid ka mid ah hudheelada Hargeysa. Si kedis ah waxay indhahaygu u qabteen wiil yar oo aan da’ ahaan ku qiyaasay illaa todoba jir. Wuxuu ku jeeni-qaarnaa qori caag ah oo loo eekaysiiyey qoriga silsilad laha ah ee soomaalidu u taqaanno badh-daloolka amma silsilad laha.

HeersareeWuxuu u muuqday wiil ku faraxsan qoriga caagga ka samaysan ee waalidkiisu u soo iibiyeen oo kolba inta uu keebka qabto samaynaya cod la mid ah rasaasta sida baaska u dhacda. Weliba inta uu kolba dusha uga baxo amma uu fuulo dhisme nagu dhawaa ayuu iska dhigayay sidii mid dadka dusha ka soo tooganaya.

Inkasta oo ay ahayd maalin farxadeed oo wiilkaas yari farxadda ciidda la qaybsanayay caruurta ay isku gedaha ahaayeen, haddana wuxuu u muuqday mid lagu hubeeyey mid ka mid ah qoryaha ugu khatarsan ee xilliyadan la isku gumaado. Wuxuu ku faraxsanaa inuu dadka ku fiiqo oo uu ku riddo qoriga caagga ah balse samaynaya codka rasaasta.

Dadka sida gaar ah aqoonta ugu leh koritaanka maskaxda caruurtu waxay sheegaan in ilmuhu marka uu yar yahay in maskaxdiisu kaydiso dhacdooyinka iyo maraaxilka nololeed ee koritaankiisu marayo iyo waxyaabaha uu la kulmo. Waxa aad arkaysaa qof ku odhanaya, “Waxa aan xasuustaa wax shan jirkaygii igu dhacay.”

Ilmahan yari marka uu ku ababo qori caag ah laakiin leh qaabka qoriga rasmiga ah, keeb, dhacaya isla markaana ku abuuraya inuu baranayo dhaqan la xidhiidha inuu marka uu koro uu isticmaali karo qoriga rasmiga ah ee wax lagu dilo, waxa lagu jiheeyey dubtii dagaalka.

Qorigan oo keliya ma aha hubka caagga ka samaysan ee caruurtu ku ciidaan ee waxa waddanka la keenaa baaskoolado, Ak-47, kaarayaal, rag hubaysan iyo diyaarado dagaal.

Maadaama oo Somaliland ka mid tahay meelaha ay hore u soo daashadeen dagaallo xilliyo kala duwan dhacay, oo dadka waa weyn in badan oo ka mid ah uu weli maankooda ka sii guuxayo qoryihii iyo xabbadahii kala duwan ee la isu adeegsanayay, waxa mudan in caruurta laga daawo hubka lagu ciidsiinyo ee quluubtooda ku kaydsamaya. Wax maskaxdooda koriya oo ka fiican-na ha loo soo sameeyo oo ha loogu beddelo.

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com