“Waxaan Soo Dhaweynayaa Wada-hadalka Khaatumo Ee Aad Ku Dhiiratay” Garaad Jaamac oo Madaxweyne Siilaanyo Bogaadiyay

Hargeysa  (SL.Post)  Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo k mid ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Sool, ayaa si weyn usoo dhaweeyey dedaalada uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo laga wado deegaanada bariga dalka, khaas ahaan wada-hadallada dhawaan lala furay kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiye Cali Khaliif Galaydh.

 

maxresdefault

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garaad Jaamac oo ka hadlayey  madal ballaadhan oo uu madaxweynuhu goob joog ka ahaa oo lagu qabtay degmada adhi-caddeeye ee gobolka Sool, ayaa waxa uu si gaar ah usoo dhaweeyey gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay in dhammaadka bisha tobnaad ee soo socota loo qabto hoggaanka kooxda khaatumo, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Madaxweyne Soo dhaweyntani waxa ay ka turjumaysaa dareenka dadyowga Sool iyo Sanaag, waxana ay caddeeyeen gogosha aad madaxweyne 25-ka bisha October ku dhawaaqday inay kasoo qayb gelayaan, anigoo afka salaadiinta ku hadlayana waanu kula qaadanay oo waanu kasoo qayb gelaynaa.”

 

 

 

Garaadka Jaamac oo hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay in dhammaanba dadka deegaanku heegan u yihiin sidii gogoshaas uu madaxweynuhu ku baaqay looga midho dhaliin lahaa,“Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa hadal qabiilo isku raacday nin ma odhan waayee, mar hadii ay guurtidii iyo waxgradkii gogoshaas isku raaceen annoo afkoodii ku hadlayana waanu kasoo qayb gelaynaa.” Ayuu yidhi garaad Jaamac.

 

 

Garaadku waxa uu si gaar ah madaxweynaha ugaga mahad celiyey wada-hadalka uu hoggaanka Khaatumo dhawaan la furay, taas oo dhammaanba bulshada reer Somaliland u riyaaqeen, waxana uu yidhi,“Waanu ku faraxsanay waana soo dhaweynaynaa wada-hadalka Khaatumo ee aad ku dhiirratay, dadkan hortaada fadhiyaana waa wada Khaatumo, shirarkii aad qabatayna waa kugu hambalyeynaynaa.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa