“Waxaan Shirkadda Dahabshiil ka raalli-gelinayaa qoraal cabasho ah aan ka baahiyey” Cabdicasiis Cali Nuur

dahab“Anigoo ah Eng. Cabdicasiis Cali Nuur, waxaan raalli-gelin ka siinayaa Shirkadda Dahabshiil qoraal cabasho ah oo aan qoray toddobaadkii hore, isla markaana Asxaabta Facebook iyo Shabakadaha Wararka qaarkood baahiyeen, kaasoo aan kaga cabanayey Xayaysiis (Video Animation) annagoon ka heshiin Shirkaddu baahisay, balse ay markii dambe iiga garaabeen, iina qireen inuu yahay Xayaysiis anigu aan sameeyey oo si aan ku talo-gal ahayn u baahay sida ay Masuuliyiinta Shirkadda qaarkood ii sheegeen.

Sidaa daraaddeed, qoraalkaa cabashada ah oo aan Warbaahinta ka joojiyey faafintiisa markii aan Madaxda Shirkadda qaarkood ka helay garawshiiyo, waxaan ka cudur-daaranayaa qoraalkaas Facebook-ga iyo hal Shabakad kuwa wararka ah lagu baahiyey inuu u baahay si aan u kas ahayn ee Asxaab aan qaarkood waxba iga soo weydiinnini ay baahiyeen, balse aan gadaal kaga war-geliyey inay ka saaraan, isla markaana ay sidaas kaga saareen, waxaan mar labaad si aad ah Madaxda, Masuuliyiinta iyo Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil uga raalligelinayaa qoraalkaas.”

ANIGANA QORAALKAAS KORE BAAN QORAY EE BAL ILA EEGA

CABDICASIISNA KAN BUU SOO QORAY EE MAXAY IDINLA TAHAY

Anigoo ah Engineer Cabdicasiis Cali Nuur, waxaan ka helay garawshiyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Dahabshiil ka dib markii ay ii sheegeen inuu u baahay animationkaasi si khalad ah 24 saacadaood, waxaanay iga raalli-geliyeen kaasoo aan ka cafiyey kadib markay ii qireen inaan lahaa oo la baahiyey si khalad ah waa allah uun baan khaldamin

Waxaanan u mahad celinyaa dhamaan intii ka shaqaysay wadahadalka aniga iyo masuuliyiinta arinkaas oo aan cafiyey kadib markii isfahan uu dhacay.”