“Waxa La Iga Bedelay Wasaarada Ganacsiga Waxaana La Igu Soo Celiyay Afhayeenka Madaxtooyada, Macnaheedu Maaha Casilaad” Xuseen Deyr

Hargeysa (SL.Post) Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u arkay inuu mar labaad u magacaabo xilka Afhayeenka Madaxtooyada, islamarkaana aanu ahayn masuul ku sifoobay xil jacayl.

 

654aa961f3713cb6c651e08c7ce6eb90_L

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin; sida aad la socotaan, muddo gaaban gudaheed waxa la iga bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxana la igu soo celiyey Xilka Afhayeenka Madaxtooyada. Taa macneheedu maaha casilaad ama hoos-u-dhigid, aniguna qof ahaana sidaa uma arko. Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug, xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro, taasina ay ku jirto danta Qaranka iyo maslaxadda ummaddu, dabcan waxa wacan inaad muujiso bisayl iyo go’aan qaadasho siyaasi ah oo aad dan-wadareedka Qaranka kaga hor marinayso dantaada gaarka ah iyo hanka siyaasiga ah ee aad leedahay.

 

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin; Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga i hagaa kuma salaysna Kursi doon iyo Kala jeclaysi aan ku kala xulanayo masuuliyadaha Qaranka. Madaxweynuhu isagaa hore iigu magacaabay Xilka Af-hayeenka Madaxtooyada, isagaa ii gartay inaan noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, haatana (wada-tashi iyo talo gelin uu Madaxweynuhu ii soo bandhigay kaddib) isagaa ii soo jeediyey inaan dulqaato, isagaana lagama maarmaan u arkay inaan noqdo Af-hayeenkiisa oo aan mar labaad ku soo noqdo Xarunta Madaxtooyada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee laga hago hawlaha baaxadda leh ee Qarankeena. Waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso oo aan ka iftiimiyo, ka hor intii aanay soo bixin isku-shaandhayntu, Madaxweynuhu wuu ila tashaday, waxaanan u arkaa in uu i qiimeeyey oo uu i sharfay. Sidaa darted.” Ayuu yidhi Eng. Xuseen Deyr

 

 

Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Xuseen Deyr waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynaha waxaan si milgo iyo qadarinba leh  mar kale ugaga mahad-naqayaa kalsoonida iyo karaamada uu i siiyey ee uu dib iigu magacaabay inaan noqdo Af-hayeenkiisa. Waxaan leeyahay: “Madaxweyne si  kalsooni leh ayaan ugu qanacsanahay talada aad ii soo jeedisay, si niyadsami leh ayaanan kaaga mahad-celinayaa fursadda aad i siisay inaan qayb ka noqdo legecy-gaaga iyo dhaxalka taariikhiga ah ee aad ummaaddaada uga tagayso.”

 

Somalilandpost.Hargeysa