Wax HaLaga Qabto Cilaajyaddan Dabarka Goostay /Qalinkii C/qaadir Askar

Waxaa sanadahan danbe magaalooyinka dalkan jamuuriyada Somaliland ku soo badanaya goobaha lagu xereeyo dadka qaba xanuunka dhimirka taas oo looyaqaan cilaajka .

fgl askaras

Hadaba goobahaa cilaajyada oo dhawaanahan noqday meelaha lagu gumaado dadka u ubaahan in la gargaaro ee xanuunka maskaxda qaba oo ah dadka ugu jilicsan bulshada taas oo ay aheeyd in la xanaanneeyo oo maskaxdooda ilaga ilaaliyo buuq ayaa loo adeeg sadaa shaabuug iyo jidh dil

Aaladda leedhka jidhkoodda lagu qabanayo taas oo gayeysiisay qaar bukaanka ka mida dhimasho iyada oo loola dhaqmayo Si naxariis daraha loogu geeysanayo tacadi naf ahaaneed iyo jidh ahaaneed .

 Dadkeenu boqolkiiba boqol waa dad islaam ah oo waa lawada og yahay in waxa wax lagu dabiibo sheeyga ugu horeeya in ay tahay qur,aanka kariimka hadaba waxaa soo badanaya in dhaqaale lagu doono in lagu dabiibo bukaan

Halka qaar dadka ay aamin sanyihiin qur,aankaa loo shidayo bukaanku lagu tusayo uu dad ka eheladiis qofkan xanuunka dhimirka qaba

Hadaba dadka badankiis waxa uu ka dheregsan yahay in xarumahan ku sii badanay wadanka ay dhaqaalo doon yihiin

Hadii aanu eegno sanadkan aanu ku jirno gudahood inta qof ee ku geeriyootay xarumahaa aanu soo qaadano kuwa magaaladda hargeysa gudaheeda waxa ay sare udhaafayaan ilaa 5-6-qof

Markaa xanuunkani waa xanuun jiray ilaa waligii hadaba qaabab kale ayaa loo daweeyn jiray oo uu qur,aanka kariimka ugu horeeyo miyaanan loobaahneyn in dadkan camalka ka dhigtay in ay qof miskiin ah oo alle miirkii ka qaaday camal ka dhiganay in aad loogu fiirsado oo culumadda taqsuuska ule arrintaa loodiro oo kuwa ka soo baxa shuruudahana loo ogolaado in uu dabiibi karo qof xanuunka dhimirka qaba.

Waxaa magaaladda hargeysa ku yaala ilaa 400- goobood hadii aaney ka badneyn waa ayna sii kordhayaan hadii goobahaa dabarka goostay aan laga qaban dadka xanuunkaa dhimirka qaba in laga dhaxli doono cawaaqib xun

Waa in xukuumadda Somaliland wasaaraddaha uqaabilsan amuurtan ka hawlgalaan oo go,aan laga soo saaraa cilaajyaddan Dabarka Goostay.

Askars4@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir Ismaaciil Askar