Wasiirka Xanaanada Xooluhu Hadduu Talaalay Lo’deeni Iyo Tii Jaarkaba, Maxaa Keenay In Laba Markab Oo Lo’ Ah La Inagu Soo Celiyo? W/Q: Dr. Jamaal Ali

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi awDaahir isaga oo ka hadlaya waxqabadkii wasaaradda xanaanada xoolaha ee sanadkii hore 2013, ayaa wasiirrku wuxuu sheegay in wasaaraddu talaashay oo daaweysey 1,500,000 (halmilyan iyo shanboqol oo kun) oo lo’ah.

Tiradaa wasiirku sheegay waxay ka badan tahay tirada lo’da Somaliland ku nool oo lagu qiyaaso 300,000 (saddex boqol oo kun ) sida ay sheegayaan xogo dhawra oo tirakoobyadii lo’deena ah.

Balse tirada lo’duu sheegay wasiirku inuu talaalay oo daaweeyey, waxa loo qaadan karaa in wasiirka xanaanada xooluhu isagoo sugaya caafimaadka xoolaha inuu u talaabay dalalka jaarka ah oo uu xataa lo’doodii talaalay.

Haddana waxa isweydiintu tahay isagoo wasiirku sameeyey dadaalka intaa leeg. Maxaa sababay in laba markab oo lo’ ah oo is xiga lagu soo celiyo xanuun ka mid ah kuwii uu sheegay inuu lo’da ka talaalay. Ummaddu yaabtee, ma Sacuudigaa inagu gafay? Mise wasiirkaa qaraxyo sheegtay oo waxay ka mid tahay mashaariicdiisa xarfadaysan (Rotational grazing system) ee uu wasiirku u la baxay mashruuca qarniga (Project Century).

Mashaariicdan qarniga ee uu wasiirku sheegaa, ma Qoolcaday iyo Aroori baa ganacsade Jaabiri xoolihiisa loo Oodayaa (loo xidhayaa ), iyada oo dadka reer guuraaga ahna laga ceshiimaynayo ama laga weetaynayo xoolohooda.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) ee mashruucan seerayaasha maalgelinaya waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka fiirsadaan maalgashigaa seerayaasha ee wasaaradda xanaanada xooluhu majara habaabisay iyada oo ganacsade Aljaabiri u danaynaysa isla markaana duudsiyaysa dadka reerguuraaga. Oo aan odhan karo mashruucu waa wan weyn badhi ku shub.

Wasiirka xanaanada xooluhu hadduu dadka reer guuraaga ah lexejeclo ka hayso oo uu ina u tudhaayo ummaddaas iyo qarankaba guud ahaan, waxay ahayd in uu eego baahida wasaaradda xanaanada xoolaha oo maanta aan lahayn haba yaraatee adeegii qaboojiyeyaasha talaalka xoolaha (vaccine cold chain systems), haddii wasiirku adeegaa ka dalban lahaa sanduuqa horumarinta Somaliland in laga hirgeliyo dhamaan meelaha xooluhu ku badan yihiin wuxuu wax weyn adeegani ka tari lahaa sidii looga hortagi lahaa ama loo xakamayn lahaa cudurada ganacsiga xoolaha saameeya (Trans boundary Animal Diseases).

Waxaan u malaynayaa hawshan qaranka mihiimka u ahi wasiirka uma muuqan waayine, malaa wasiirku wuxuu doorbiday halkuu dhuuniga ka helaayo.

Qalinkii: Dr. Jamaal Ali