Wasiirka Maaliyadda JSL Waa Wasiir Ku Dayasho Iyo Mahadnaq Mudan Se Aan Gayin Cay Iyo Aflagaado – W/Q: Abdirahman Y.M

samaaleWasiirka Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdicasiis Samaale Waa Mid Ka Mid Ah Tiirarka Umada Reer Somaliland Ku Faanto In Badana Ay Xusi Doonto Taariikhdu. Waa Ninka U Soo Kacey Ee Yidhi Dadkayga Iyo Dalkayga Aan U Shaqeeyo.

Taariikh Ahaan, Wasiir Samaale Hadaan Waxyar Akhristayaal Idin Xasuusiyo, Xiligii Uu Kaligii Taliyihii Mucangaga Ahaa Ee Siyaad Bare Wadanka Ka Talinayey, Mudane Samaale Waxaa Uu Ka Mid Ahaa Dhalinyartii Aadka U Firfircoonaa Ee Sida Hagrasho La’aanta Ah Uga Soo Horjeeday Taliska Isagoo In Badana Cadeysanayey Mucaaridnimadiisa. Wakhtigii La Soo Noqoshada Xoriyada Iyo Aasaaskii Somaliland, Mudane Samaale Waxaa Uu Ka Mid Ahaa Aqoonyahankii Intay Dalka Dib Ugu Soo Laabteen Dadkooda Diinta Iyo Dariiqa Hanuunsan Bari Jirey, Halkaas Oo Markaa Baahi Aad U Weyni Ka Jirtey Awgeed, Xiliyadii Danbese Markii Uu Ka Adkaysan Waayey Wadanka Uu Intaas Oo Hagardaamo Iyo Hantaaqo U Soo Maray Sida Looogu Tagri Falayo Ama Awoodii Maamul Loo Leexsanayo Ayuu Ku Soo Bundhigtey Dhankaa Iyo Siyaasada Oo Aanu Inta Horeba Ka Madhnayn.

Mudane Samaale Waxaa Uu Ka Mid Ahaa Ragii Aasaasay Xisbiga Kulmiye Ee Maanta Dalada Dalka Haya, Isagoo Ah Xubnaha Ugu Firfircoon Ee Keenay Guusha Xisbiga Kulmiye. Wasiirnimada Intii Loo Magacaabey Waxaa Uu Qabtey Hawl In Badan Oo Reer Somaliland Ahi Ku Taami Jireen. Miisaniyadii Dalka Waxaa Uu Wasiirku Ka Dhigey Heer Aanay Waligeed Gaadhin, Waxa Kale Oo La Taaban Karaa In Uu Yahay Maskaxda Ka Danbeysay In Shaqo Abuur Loo Sameeyo Dhalinyar Reer Somaliland Ah Oo Gaadheysa 1500 Isagoo Kaashanaya Gudomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Mudane Nuuh Iyo Gudidaa Dejinta Misaniyada Dalka.

Mudane Samaale Waa Wasiirka Dhalinyarta, Waa Wasiir Aan Dadka Iska Weyneysiin Se Taa Badalkeeda Cid Wal Oo Hawl Shaqo Ugu Timaad La Kulma, Waa Wasiir Shaqadiisa Uu Madaxweyne Silanyo U Igmaday Uu Kaga Gam’ay Oo Ka Soo Baxay, Waa Sheekh Aamin Ah Oo Aan Diinta Kaga Mashquulin Siyaasada Balse Jimce Walba Masaajidada Caasimada Qaar Ka Mid Ah Dadka Wanaaga Iyo Walaltinimada Ugu Sheega Dadkuna Ku Jecel Yihiiin.

Haddaba, Inta Wax Xun Sheega Waxan Leeyahay, Xasuusta Aayaadka Quraanka Kareemka Ah Ee Odhanaaya ‘LA IN SHAKARTUM LA ASIIDANAKUM WALA IN KAFARTUM INA CADAABI LA SHADIID’

Mudane Samaale, Waxaan Leeyahay: Waad Kasbatey Shacbiyadii Umada Ee Dhag Ha U Dhigin Warxuma Tashiilka Iyo Dadka Inta Maangaabka Ah. Waxaanan Aaminsanahay Hadaanu Dhalinyarta Somaliland Nahay In Rajadii Luntey Ay Noo Soo Noqonayso Marba Marka Ka Danbeysa Intaad Nala Garab Joogto Taageeradaa Aan Kala Joogsiga Lahayn.

WASALAAMU CALAYKUM

Abdirahman Y.M

Freelance Consultant

Hargeisa, Somaliland