Walaalkii Weynaa Weli Waa Uu Taliyaa 3

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in wasaaradda NABADDU si ay raciyadda u fahamsiiso, in magaceeda iyo hawlaheedu aanay isburinayn ay bilowday in ay ereyada nabadgelyada tilmaamaya laga beddelo macnihii hore oo hadda kadib dadka loo sheego in ‘Walaalka Weyni’ uu ogaaday in macnahooda runta ahi aanu sidii hore ahayn.

Marka aynu soo koobno wasaaradda NABADDA warkeeda waxa aynu ku dhaafaynaa mabda’a qoran ee uu ‘Walaalka Weyni’ u dejiyey si ay ugu shaqayso, kaas oo ah, ‘Colaad aan dhammaad lahayn’ taas oo uu uga gol leeyahay in dalka lagu hayo xaalad colaadeed oo joogto ah oo sii xoojinaysa uun taageerada Walaalka weyn loo hayo maadaama oo loo arkayo in uu dalkii iyo dawladnimadii difaacayo.

Boodhka weyn ee wajahaadda hore ee dhismaha wasaaraddan ku dhejisanna waxaa faygar qurux badan lagu qoray, mid ka mid ah saddexdi hal-ku-dheg ee ku qornaa gidaarka wasaaradda RUNTA kaas oo ah, “Dagaalku waa nabad” Si dadka loogu sheego in nadabada la raadinayaaba ay Colaadda uun tahay, balse dadka qaar macnuhu ka qaldan yahay oo ay colaadda wax kale oo aan nabad ahayn ku fasiranayaan.

Wasaaradda Jacaylka:

Wasaaradda Jacaylka ee dalka Oceania waxa ay u dhigantaa wasaaradda arrimaha gudaha ee wasaaradaha aynu naqaanno. Sida wasaaradaha kale ee Oceania wasaaraddanina waxa ay ka shaqaysaa sidii ay daacadnimo ugu dhisi lahayd ‘Walaalka Weyn’ waxa uun kala duwan hababka ay u marayaan in kasta oo ay si guud ka siman yihiin cabsi gelinta. Wasaaradda Jacaylku waxa ay ku shaqaysaa siyaasad amni iyo sirdoon awood badan oo ku waajahan muwaadiniinta iyo cabudhintooda. Muwaadin kasta oo leh garaad u shaqayn kara si madaxbannaan waxa ay u raadisaa kiis lagu cabudhiyo si gacanta loogu dhigo kadibna lagu sameeyo ‘Maskax dhiqis’

Wasaaradda Jacaylku waxa ay ku jirtaa dhisme aad u weyn, laakiin arrimaha yaabka leh waxaa ka mid ah in aanu dhismaha wasaaraddani lahayn daaqado, waxa ay leedahay deyr dheer oo dusha sare uu kaga rakiban yahay taar adag oo masaabiir af badan leh, albaabadeedu waa xadiid, waxa ay leedahay dhufayso qarsoon oo hubka daran-doorriga u dhacaa ku rakiban yahay iyo ilaalo ku hubaysan budhadhka booliiska ee dadka xaglaha lagaga garaaco. Dhismaha wasaaradda Jacaylka waxaa lagu naanaysaa, “Guriga aan Gudcurka arkin” laydhadhka kala duwan ee gudaha dhismaha ku rakiban lama demiyo. Waxa aanay dadka dawladda hoos ugu dhuun daloolaa ku tilmaamaan in ay tahay wasaaradda ugu awoodda badan ee maamusha isla markaana jihaysa niyadda iyo doonista muwaadiniinta. Booliis sir ah oo aad u awood badan ayaa iyaguna qayb ka ah wasaaraddan.

Si la mid ah wasaaradihii kale ee aynu soo marnay ayaa Walaalka Weyni uu si badheedh ah magaca wasaaraddan uga dhigay mid ku liddi ah gebi ahaanba waxa ay qabanayso, si indho-ku-garaaadluhu ugu qaato in magacani ka turjumayo quruxda hawlaheeda, nasiib darro wasaaraddani waxa ay Walaalka Weyn uga masuul tahay, haddidaada, jidh dilka iyo baqo abuurka. Laakiin dadka aad hadalka u dhuuxaa waxa ay ku doodaan in magacan uu Walaalka Weyni wasaaraddan u bixiyey uu yahay mid sax ku ah waxa uu isagu ula jeedo oo ah wasaaraddu ay bulshada ku qasabta “Jacaylka Walaalka Weyn” Jacaylkaa Walaalka weyn ayaana ah nooca jacayl ee keliya ee sharci ahaan ka jiri kara Oceania.

Xeerarka wasaaraddani ku shaqayso waxaa ka mid ah; Dembi ka dhigista fikirka maskaxda ku jira: Waxaa la sameeyey xeer dembi ka dhigaya in si uun maskaxda qofku uga fikirto ama u xasuusato wax uun ku liddi ah xukuumadda ama uu ka shakiyo waxtarkeeda iyo wanaagga ‘Walaalka Weyn’ xitaa haddii aanu qofku afka ka odhan erey, waxaa jirta Laan wasaaradda JACAYLKA ka mid ah oo lagu magacaabo “Ka Hortagga dembiyada” taas oo iyadu isu dhigtay in ay ka turjumi karto waxa maskaxda qofka ka dhex guuxaya. Waxa aanay dadka ku beertay dareen ah in uu jiro wax afkeeda lagu yidhaahdo “Omniscience of the State” oo ah in qaranku uu leeyahay aqoon dhinac walba ah, oo ay ka mid tahay awood sirdoon oo uu ku ogaan karo xitaa riyada dadka.

Si jacaylka loo qabo “Walaalka Weyn” aanu u nusqaamin waxa ay xukuumaddu xeer ku soo saartay in jacaylka keliya ee jiri karaa uu yahay kaas, oo xitaa aan la ogolayn in ragga iyo dumarku ay is jeclaadaan, haddii ay xidhiidh ka fursan waayaanna waa in ay wax kale ugula magac baxaan, waxaana wasaaradda JACAYLKA ku dhex yaalla qol ciqaabeed lagu magacaabo “Qolka 101” oo lagu ciqaabo ciddii Jacayl kale qaadda ama si uun “Walaalka Weyn” jacaylkiisa ula qiiroon weyda.

Intaas oo keliya ma’ qabato wasaaraddan uu hal-abuur Orwell u bixiyey magacan cajiibka ah, balse waxa ay sidoo kale ka shaqaysaa kala fogeynta muwaadiniinta dhexdooda iyo in ay u kala fadhiisiso ardaayo. Aynu nidhaahno waxa ay ku qaybisaa qabyaalad, gobolaysi iyo deegaan, dabaqado dhaqaale iyo wax kasta oo ummad qaybin kara.

Wasaaradda Tarminta:

Wasaaradda TARMINTA waxa ay dawladda Oceana u qaabilsan tahay qorshaynta dhaqaalaha, maaliyada iyo wax-soo-saarka. Waxa ay dusha kala socotaa maamulista cuntada iyo in wax-soo-saarka. Waxa ay ku dadaashaa in muwaadiniinta lagu jiheeyo soo saarista waxyaabaha aan faa’iidadu ugu jirin noloshooda caadiga ah, si aanay u gaadhin isku-iflnaanshiyo. Tusaale ahaan waxa ay dhiirrigelisaa wax-soo-saarka hubka iyo qalabbada dagaalka loo adeegsado.

Siyaasadda Wasaaradda TARMINTU ku shaqayso waxaa udub-dhexaad u ah aragtida ‘Walaalka Weyn’ ee dhigaysa in, ummad faqiir ah oo taag-daran uu ninka hodanka ahi si sahal ah u maamuli karo. Talefishannada shaaracyada ku rakiban waxa ay wasaaraddani ka sii deysaa, warbixinno iyo barnaamijyo mucdoodu tahay in “Walaalka Weyn” uu horumar ballaadhan dalka u horseeday, kuna guulaystay in uu kordhiyo wax-soo-saarka dhaqaale ee Oceania. Iyada oo ay dadku ogyihiin in Wax-soo-saarkii dalku hoos u dhacay, haddana wasaaradda TARMINTU iyada oo adeegsanaysa wasaaradda RUNTA waxa ay dadka u sheegtaa in cilmiga iyo caqliga mucjisada ah ee ‘Walaalka Weyn’ uu ogaada in wax-soo-saarku aanu xidhiidh toos ahba la’ lahayn dhaqaalaha, waxa aanu dadka tusaa lacagta dawladda soo gelaysa ee sii kordhaysa, hantida iyo tacabka muwaadiniintu leeyihin ee sii badanaya iyo dhacdooyin tiro yar oo indho-sarcaad uun ah.

La soco…

Kamaal Axmed Cali