Wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo Xoritul-Qawlka iyo Doorashooyinka kala hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Weftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo Midowga Yurub, waxa ay guddoomiyaha ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo doorka ay hay’adaha garsoorka oo Maxkamadda Sare u horeyso ka qaataan arrintan, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa warkan lagu sheegay in Wakiillada Beesha Caalamka ku bogaadiyeen Maxkamadda sare doorka ay ka qaadato arrimaha Doorashooyinka. Guddoomiyaha ayaa warka lagu sheegay inuu Wakiillada Beesha Caalamka uga mahad-celiyey taageeradooda.

“Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare.

Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha Maxkamadda oo Wakiillada Beesha Caalamku kala hadleen ilaalinta xorriyatul Qawlka uu u sheegay in garsoorku Soo dhaweeyo oo cabashadooda dhagaysto Ururrada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka.

Kulanka ayaa la sheegay in labada dhinac isla qaateen sii xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

Waxa xusid mudan in Wakiillada Beesha Caalamku maanta kulan kula yeesheen magaalada Hargeysa hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, iyagoo ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dardargelin lahaa hannaan qabsoomiddeeda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net