Nuxurka Kulan Hargeysa ku Dhexmaray Xisbiyada Somaliland iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee Xisbiyada Somaliland iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka ee taageera Doorashooyinka dalka, ayaa maanta kulan ballaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa, waxaanay dhinacyadu ka wada-hadleen tabaabushaha iyo hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Guddiga Doorashooyinka, waxa ka qayb-galay madaxda sare ee Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani iyo 9 xubnood oo ka tirsan Wakiillada Beesha Caalamka ee taagera Dimuqraadiyadda Somaliland.

Kulanka ayaa la sheegay in lagu faaqiday sidii go’aamiyeyaasha siyaasadda Somaliland oo xisbiyadu ugu horreeyaan ay Dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo dhallinyarada uga qayb-galin lahaayeen doorashooyinka soo socda.

Markii kualnku soo dhammaaday, waxa qodobbadii shirka lagaga hadlay saxaafadda la wadaagay Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in xubnaha meesha caalamka ee ay shirka la qaateen ahaayeen wakiillo ka socda Safaaradaha dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

“Waxaanu kulankan si qoto dheer ugu lafo-gurnay Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada iyo sidii loo dardargelin lahaa,” sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu kaga arrinsannay sidii Dhallinyarada iyo Haweenka looga qaybgelin lahaa Doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda Siyaasadda ee Beelaha la hayb sooco”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net