WADDANKA SIDAN KA DAAYA

Waddanka dadka iska leh ayaa amma dulleeya amma dalliciya. Kaba soo qaad oo lacagta waddanka haddii la kala shaandheeyo oo kolba qayb la tuuro mar waxa la gaadhi la yidhaa naga wada tuura. Waxa la tuuray halkii shilin, shantii shilin, tobankii shilin, kontonkii shilin, boqolkii shilin, shantii boqol ayaa qiiro qiiro ku jirta. Markaa maxaa ku xiga? Bal faraheena haddii aynu nidhaa faryaradu waa wax matara e iga gooya, oo faadumadu ku xigto, oo fardhexadu ku xigto oo murdisodu ku xigto marka damba waxad odhan gacantu faa’iido ma laha e iga wada gooya. Lacagtuna waa sidaas oo kale oo waxad odhan lacatani waa wax ma goys e
iga daaya.  waxad odhan wadanku faa’iido malaha e faraha ka qaada, ciddii qabsanaysaa ha qabsato e. Innaga wadanka lihi haddii aynu wanaajinn garan weyno ayaynu ka caban.

Degmooyinkana waxa la odhan karaa ayaa manta isku deegaan ah laakiin lama odhan karo ayaa qoloma ah, intii isku deegaan ah waa isku dan oo waana isku qolo oo waqtiga ayaa isku qasbayaa in ay walaaloobaan oo nolosha isla wajahaan. Soomaalidu hore ayay u tidhi “oodi ab ka dhow”.

 

 

Cali Nuux Ducaale

Tell : 0634176986

Email: alinuux@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland