WAA MAXAY SIYAASADA DHAQAN DHAQAALE EE HORU MARINTA DALKA

Hor u dhac

Dawlad kasta waxay leedahay siyaasado kala duwan oo ay ku hor u mariso wadankeeda iyo dadkeedaba ayna wax ugu dhimin dawladaha kale iyo shucuubta kalaba, siyaasadahaasi waxay noqon karaan mid guud iyo mid la xiriirta arimaha dhaqaalaha ama arimaha Bulshada ama arimaha Amniga IWM.
Sidaas daraadeed maadaama aan u dhuun duleelo arimaha dhaqaalaha waxaan akhristayaasha sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa maqaal gaaban oo la xiriira arintaasi si ay ugu yara nastaan, akhristihii igu dhaamana uu usii hor mariyo qoraalkayga.

Hadaba siyaasada dhaqan dhaqaale ee ay dowladi ku hormariso wadankeeda ama waajibaadka kala xiriira arintaasi ee
miiska u saran laguna qiimeeyo inay wax ka qabatay iyo in kale waxaa ugu muhiimsan :-
Economic Growth Policy ( Siyaasada kobcinta dhaqaalaha).

Waxaan taas ku macnayn karnaa in ay dawladu leedahay siyaasad cad oo la xiriirta kobocaas dhaqaale iyo sidii ay u kala dooran lahayd kaabayaasha dhaqaalaha sida (Beeraha, khayraadka bada, khayraadka xoolaha, farsamada iyo warshadaha, iyo ganacsiga ) siday iskugu dheeli tiri lahayd awoodeedana kaabaha ugu kobac fiican ay xooga iskugu gayn lahayd waqtiga gaaban waqtiga dheerna ay uga shaqo galin lahayd dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaa jirta laba dariiqo oo lagu qiyaaso kobacaas oo kala ah :
A) Gross Domestic Production (GDP).
Oo macnihiisu yahay alaabta ama adeega laga soo saaro sanadkii gudaha wadanka, alaabtaas ama adeegaasi ha soo saaraan dadka wadanka u dhashay iyo dawladooda ama dad wadan kale ka yimid iyo dawlado kale .

B) Gross National Production (GNP).
Oo macnihiisu yahay alaabta ama adeega la soo saaro sanadkii gudaha wadanka oo laga jaray dadka ajaanibta ah ee wadanka wax ka soo saaray oo lagu daray dadka wadanka u dhashay ee dibada wax ku soo saaray.

1) Low Price Inflation. ( Sicir barar hooseeya).

Dawladu waa inay la dirirtaa sicir bararka khayaaliga ah si sumacadeedu u jirto waxaana xaqiiqo ah in loo baahanyaha y wax yar oo sicir barar ah (Inflation Targeting).

2) Low Unemployment (Shaqo la,aan hoosaysa).
Dawladu waa inay la dirirtaa shaqo la,aanta baaxada leh ee jiritaankeeda ka hor imanaysa, waana inay abuurtaa shaqo si taas loo helana waa inay leedahay siyaasad dhaqaale iyo wax soo saar cad oo dad cilmi iyo khibrad lehna dajiyeen.

3) Avoid Trade Deficit (waxa la dhoofiyo waa inuu bato)
Dawladu waa inay ka fogaato waxa u soo dagaya ee la cunayo ama la xidhanayo ama lacabayo inay ka bataan waxa ay dhoofinayso, taas oo macnaheedu yahay in dadkeedu ay quutaan waxa wadanka ka soo baxa si qiimaha lacagtoodu hoos ugu dhicin.

4) Unfair to Distribution of Income (waa inaysan jirin kala sarayn wayn oo
dakhli).

Dawladu waa inay yeelato siyaasad cadaalad ku dhisan oo dhaqaale, aana la helin in bulshadu 20% ay qani yihiin IWM, inta kalana ay fuqaro yihiin, taas oo macnaheedu yahay in la isku soo dhaweeyo bulshada, Canshuur ( ama zako) badana la saaro dadka qaniga ah kuwa fuqarada ahna wax loogu qabto.

 

 

 

5) Environmental Sustainability (deegaamaynta waa inay sugnaato).
Dowladu waa inay leedahay siyaasad cad oo la xiriirta Deegaanka sida Dhulka iyo nabaad guurka, bada iyo khayraaka ku jira inaysan nabaad guurin, hawo nadiif ah, waxaana jira laba siyaaso dhaqaaleed oo lakala yiraahdo

a) Ecological Footprint. ( Deegaanka).
Oo macnaheedu yahay in dowladu ilaaliso Deegaanka lagana isticmaalo inta loo baahan yahay.
b) Carbon Footprint. (Asturaada Qashinka).
Deegaanka markii la isticmaalo sida geedaha wax lagu karsado ama dhuxusha, dharka iyo wasaqda IWM inay jiraan meelo lagu asturo si hawadu ama deegaanku nadiif u ahaato.
Ugu danbaystii waan soo gaabiyay siyaadaha dhaqan dhaqaale ee ay dawladi wadankeeda ku hor mariso, ama dawlada shaqada u taala ay tahay ee lagu qiimeeyo wax qabadkeeda dhaqan dhaqale, waxaana jeclaan lahaa cidii iiga sii dhuun duleesha inay maqaalakaygan sii hormariso.

Qore: Siciid Mahad Ismaciil Cagaweyne

Degree of Economics

University of Hargeisa