Waa kuma Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Cabdilaahi Ibraahim Habbane?

 

Taariikh nololeedka iyo hawl-qabadka qofku waa muraayadda laga dheehdo nooca qofnimadiisa, gaar ahaanna, marka uu masuul qaran yahay, waxa markhaati ugu filan xilkasnimadiisa iyo hawl-qabadkiisa taariikh nololeedkiisii hore ee shaqo.

Cabdilaahi Ibraahim Habbane wuxuu macallinnimo bilaabay sannaddii 1975kii.                                                                                           1976kii Wuxuu maamule ka noqday dugsi hoose dhexe degmadda Jarriban ee gobolka Mudug,                                    1977 kii ilaa 1979kii Wuxuu maamule ka noqday dugsi dhexe oo ku yaallay Gaalkacayo lana odhan jiray Berda-cad.

1981 kii ilaa 1982kii Wuxuu ahaa cilmi-baadhe ka hawl-gali jiray Akaadamiyaddii Soomaaliya.

 1982 kii ilaa 1988kii Wuxuu ahaa Madaxii laanta Akaadeemiyadda iyo cilmi-baadhista ee Hargeysa.

                Intaa haddaan ku soo koobno noloshii iyo wakhtigii qiimaha badnaa ee uu Cabdilaahi Ibraahim Habbane ku dhex qaatay bad weynta cilmiga iyo bahda waxbarashada, taas oo aan odhan karno wuxuu ka dhaxlay waayo aragnimo uu ku hoggaamin karo hurumarna ku gaadhsiin karo “waxbarashada dalka ee dhinac kastaba qabyadu kaga jirto.” Cabdilaahi Ibraahim Habbane wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay (Halgankii nabadda iyo dib u dhiskii dalka)

February.28th 1991kii ilaa March.3th 1991 kii: Wuxuu ka mid ahaa hoggaankii  soo agaasinkii shirkii nabadda ee beelaha bariga Borama iyo beelaha bariga Hargeysa, ee loo yaqaannay Guul Allah.

February.19th ilaa February.23th 1991kii: Wuxuu ka qayb galay “qaban-qaabintii  Ergadii Gobolka Awdal uga qayb-gashay bilawgii wadda hadalladii nabadda ee ka qabsoomay Berbera.”

February 5th ilaa Augest.30th 1991 kii: Wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiggii maamulka gobolka Awdal, Borama.

November.12th ilaa December.31th 1992 kii: Wuxuu ka mid ahaa ergaddi nabaddaynta ee guurtiddii Reer Awdal kana hawl-gashay Burco, Berbera iyo Hargeysaba.

October.20th ilaa November.11th 1992 kii: Wuxuu ahaa xoghayihii shirkii nabadda ee Sheekh, lana baxay “TAWFIIQ.”

September.23th ilaa October.5th 1992 kii:Wuxuu ka mid ahaa ergaddii gurmadka nabadda ee dagaalkii Berbera, kana timid Gobolka Awdal.

February ilaa March 1992 kii: Wuxuu ka tirsanaa ergadii Guurtidda ee gobolka Awdal, nabaddaynta u tagtay Burco, kana hawlgashay iska hor imaadkii Burco.

January ilaa February.1993 kii:Wuxuu ku jiray ergaddii gurmadka nabaddeynta iyo qaban-qaabadii shirweynihii Boorama ee dhinaca Bariga ka hawl-gashay, laga bilaabo Laascaanood, Ceerigaabo iyo Badhan. Si gaar ah wuxuu uga  qayb-galay shirkii nabadda ee Darar-weyne ee ku qabsoomay gobolka Sanaag, lana magac baxay“Khaatumo.”

1993 kii ilaa 1995 kii: Wuxuu ka tirsana xoghaynta guud ee golaha Guurtidda JSL.

1995 kii:Xoghayihii shirkii nabadda ee xarshin;

1996 kii ilaa 1997 kii: Xoghayihii shirkii beelaha Somaliland ee Hargeisa

1997kii ilaa 2015 kii:Xoghayihi golaha Guurtidda JSL. Marka aad jaleecdo dhammaan shirarkaa uu Cabdilaahi Ibraahim Habbane ka qayb-galay waxa markaaba maskaxdaada ku soo dhacaya Qofnimada beel-daajisonimoda ah, waddan jecaylka, odaynimada iyo nabad-doonnimada ee Cabdilaahi. Haddaan soo koobno, waxa aan ku tilmaami karnaa Cabdilaahi oo kale Shakhsiyaadka Hantida Qaranka ka midka ah.

Heerka aqooneed ee Cabdilaahi Ibraahim Habbane

1973kii ilaa 1975kii:Wuxuu ka bartay “Tababar macallinnimo.”

1979kii ilaa1981kii:Wuxuu waxka baranayay jaamacaddii (Lafoole) waxaanu ka baxay kulliyaddii“waxbarashada.”

2009 kii: Wuxuu Dibloom ka qaatay xallinta khilaafaadka iyo dhismaha nabadda (Jaamacadda Hargeysa)

2009kii:Wuxuu qaatay Shahaaddada sharciga ee LLB, (Jaamacadda Hargeysa)

2015kii: Wuxuu shahaadada “Master of IRD,” ka qaatay ‘Xallinta khilaafaadka’ ( Jaamacadda Hargeysa )

Intaana haddaan ku soo dhaafno, wixii suuro-galka ahaa ee aan ka ogaan karayay heerka aqooneed ee Cabdilaahi Ibraahim Habbane, qoraalkan yar ee kor ku xusani iftiimanayaa siduu Cabdilaahi aqoonta u jecel yahay ee uu markasta u daba joogo cilmi korodhsiga.

 

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim

La soco….