Uma qalanto mana qabato!

 

Waa goor salaaddii maqrib waqti aad u yari ka hadhsan yahay. Annaga oo dhawr ah, waxa aannu hor fadhinaa bakhaarka Cabdi Cali. Anigu dhanka gudaha sii yara xigta ayaan fadhiyaa, oo fijaan

shaah ah ayaan fiiq’cabbayaa. Bakhaarku suuqa bartankiisa ayuu ku yaallaa oo sawaxanka dadka iyo cagtooduba hareerihiisa waa muush. Dhanka afaafka xigta waxa kursi yar, malaha kursi ma ahee gambadh yar ku fadhiya saaxiibkayo. Waa uu noo sheekaynayaa isaga oo dhinaca kalena hawl kaga jira. Hawl kale kuma jiro’e waa uu weysaysanayaa. Xilligii salaaddu waaba iska dhow yahaye, weysada in uu deddejinayo ayaad mooddaa.

Isaga oo xaggayaga soo eegaya, inantii waa ta halkaa mudh ka soo tidhi. Labadii dhinaca afaafka u jeeday waa kuwa mar qudha indhaha ku yuubay. Kolkii aan arkay raggii ila fadhiyay in hiid jiitay oo indhahoodu doolaalo tageen, aniguna waaniga eegay meesha la wada eegayo. Alla maxaa Ilaahay qurux ku mannastay ruuxa!  Inantu dheeraa, midab qurxoonaa oo hubqaad iyo lebbis wacanaa!

Dharka xarragada, dahabka iyo dhaldhalaalka wejigeeda iyo gacmaheeda ka muuqdaa widhwidh badanaa ma laydh-tiriiggii Cadmeed baa? Tan ninka Eebbe ku hagaajiyo maxaa nimco lala doonay, Alloow u barakee. Iyadoo eegmadii ragga qaar nooc yar oo naxdin ah ku noqotay, qaarkoodna dhaygaggii ashqaraareen waa ta gabadhii nagu soo leexatay. Ninkii weysaysanayey, waa ka arkay gabadhii oo aad mooddo in ay isaga toos ugu soo hagaagtay.

Ma lugta midig ayuu marayay mise ta bidix? Mooyiye waa ka weysadii gacmaha dib uga soo bilaabay! Waa ta inantii ku soo dhowaatay ee weliba salaantay. Isaga oo aad mooddo in uu yara hiifayo kildhiga uu ku weysaysanayey oo bilaa dabool ahaa, waa ka kursigii mise gambadhkii ka kacay. Intayadii kale waa annagan salaanta kaddib, qofta hadalkeeda dhawraynna. Bakhaarka afeefkiisa soo joogsataye, toloow ma wax iga gada ayay odhan doontaa? Haddaa ma idinka ayaan idiin socday bay na odhan doontaa? Bal sug. Haddii ay wax iibsi u socoto, toloow kee baa u kici oo nasiib wanaaggiisa, inantaa Eebbe quruxda ku hooshaaray wax ka iibin doona? Horta iyadu ha hadasho muraadkeedana ha sheegto.

Waannu wada aammusnay, kolka ninkii weysaysanayay oo hadalku iskaga dardarsamayo na laga reebo. “Qof baa ii imanaya’e, halkan ma ku yara sugi karaa walaal?” Waa ta cod naxariistu ka badatay ku tidhi. Ninkii gambadhka ka kacay ee hadalku ka qasmay, waa ka markiiba, “haa walaal… een, halkan soo fadhiiso…waar halkaa, kursi iiga dhiiba..” iyo hadallo kale mar wada yidhi.

Illeen way soo dhowaatay, oo weliba in ay sii joogi doonto waa ta sheegtaye, laba kursi waa ta la isla barbar yaacay! Saaxiibkeen, gambadhkii uu kolka hore ku fadhiyay iyo kildhigii uu ku waysaysanayay ba meel koone ah waa ka ku qariyay! Waxa aad mooddaa, in labadaa shay wax u soo hagaagaya ay ka xumaynayaan haddii aanu sidaa iskaga fogayn. Hagoogta shalmaddeeda waa ta yara hagaajisatay. Muuqaalka mar la aragga ah, ee malaha kii Suleekha la masaha ah kolka laga yimaaddo, xishood ugubnimo iyo is ururin waa ta muujisay. Yaa haddaba ku dhaca oo wax weyddiin kara? Carkee! Bal waa kuma ninka wax kale iska daayoo weyddiin kara cidda ay sugayso?

Cabbaar yar waa ta sii fadhiday. Illeen maqrib baa soo dhow, ninkaa waysadu ka kala yaacday mooyee ragga intiisa kalena waa wayso qabaaye, yaa u sheegaya in meheraddaba la xidhayo daqiiqado kaddib?! Waa la isu wada aammusay iyadoo xitaa indhihii lagala soo baqday Alle dhammeedii meesha fadhiday. Iyada oo aan weli midkaayana juuq u odhan, waa ta telefoon yara ballaadhan oo isaga laftiisa quruxi aanay ka madhnayn la soo baxday. Waa ta dhaladiisa taataabatay. Lambarro aan lix iyo toddoba ka badnayn waa ta ku dhigtay. Waa ta wacday. Riinriin mise dhuudhdhuudh, waa ka telefoonkii baxay ee dhacaya.

Xaggayaga weli waa la aammusan yahay oo in xaaladi soo korodhay waa ay iska caddahay. Telefoonkii dhacayay waa ka qof ka jawaabay. Codka qofka telefoonka ka jawaabay waa la maqlayaa, oo rag iyo dumar ka uu yahay dheguhu waa ay kala saarayaan. “Helaw” waa ka yidhi. Waa nin! Nin aa? Waar qalladi ku dhici waydaygu muxuu ahaa?! Hadal kale ha joogo’e, waa ta si kulul u weyddiisay: “waar ku mee?!” Ninkii waysada iska fogeeyay waa ka fig yara yidhi – oo naxdin dhan u yara boodi gaadhay! Mooyi ninkii wax uu inanta ugu halceliyaye, waa ta markale si kulul ugu tidhi: “waaryaa, warka iska dhaafoo waan ku sugayaa!”

Ragga qalbiyadooda Allaa ogaaye, malaha qaar baa ku ducaystay gabadha iyo ninkaasi in ay is khilaafaan, si meesha in uun fursadi uga bannaanaato. Wejigeedii dabacsanaa iyo dibnaheedii kolka hadalku soo dhaafayo yaabka ku gelinayay waa kuwa muuq kale yeeshay. Kii ay la hadlaysay weli wuu duryamaa, mooyi se wax uu ku leeyahay. Inta ay fadhiga ka kacday oo sarajoogsatay waa tii hadal ibliis tidhi! Alla maxaa ka keenay afkeedaba uma qalmo’e! Gabadhii abuurteedu ragga qaar wayso-sahwiga ku ridday waxa laga keenay: “waar ma shan iyo tobankii doollar ee illaa habeenkii ugu horreeyay ee aynnu is barannay aan kaa sugayay, ayaad imminka i leedahay ma hayo?! Waar iska hayso saqajaanyahow saqajaanku dh****y!’

Waa halkii nimankii aflaamta Hindida tarjumi jiraye, ‘Alluu ba’ay’ waaniga odhan gaadhey! Ninkii furaha bakhaarka hayay ee kolka hore kursiga degdegga ugu dhiibay waa ka saacadda eegay, annagana na su’aalay: “waar miyaan salaaddii la eedaamin?! Eedaanka miyaannu ka dhego dheer nahay muxuu naga weyddiinayaa! Xaaladdu kolkan way is beddeshay. Fenesh adhi gaba! Kolka hore ayuu hillaac karadhi ka horraysaa luqmiyaye, ninkii waysada tuuray waa ka weysadii dib u soo qabsaday. Isaga oo gambadhkii ku sii socda, waa ta kacday ee dhanka irridda abbaartay. Malaha marka hore mawjad ka xoog weyn ayaa qaaddaye, waa ka hoos ula hadlay, waxa ka xanaajiyayna ka warsaday. Si sahal ah, misena fariidnimo ka madhan waa ta ugu sheegtay; ninka ay caayaysay in uu yahay nin ay telefoonka iska barteen, hal habeenna is muuq arkeen oo ay shaxaadaysay! “Shan iyo toban doollar ayuu bil ka hor ii ballanqaaday, imminkana ma hayo ayuu i leeyahaye miyay iga qabataa?” Ayay isaga weyddiisay! Kaama qabato iyo way kaa qabataa midna ma uu dhihine, “walaal salaaddii maqrib ayaa taagan oo bakhaarka ayaannu xidhaynaa” ayuu ugu jawaabay! Alloow looma quudheen, umana qalanto ee may ka dayso!

–    Ninkaa ma aragtaa?

–      Ninkee?

–      Ka halkaa fadhiya.

–      Ma ka ninka caddaanka ah la fadhiya?

–      Haa, isaga laftiisa.

–      Dee haayoo waan arkaa.

–      Oo miyaanad garanayn?

–      Ninyahow wejigiisa waan garanayaa, laakiin hadda si fiican uma xasuusni.

–      Dee waa qoraagii weynaa ee Kidi Galool!

Wayddiimahan iyo warcelintani aniga iyo saaxiibkay ayay dhex martay. Run kolka aan sheego, fiidcawlkii aannu inanta aragnay iyo fiidkan waqti badani uma dhexayn. Meesha aannu fadhinaa waa hudheel hurdo qaybtiisa wax laga cuno. Laba koob oo shaah ah ayaa na horyaalla aniga iyo saaxiibkay. Kolkii uu ii sheegay magaca qoraaga, markiiba foolkiisa ayaan ku soo saaray taswiirtiisii ku dhegganayd buuggiisii u danbeeyay ee masaska iyo abeesooyinka. Aniga, horraan ayaa ninkaa la iigu diiday! Sabab i dheh? Ninku waa nin qoraal-wanaag iyo hibo aan dadka la wada siin Ilaahay ku mannastay. Qoraalkiisa kolka aad akhrido, tacajeb ayaa ku dilaya. Iska yeelyeel iyo iska keenkeen tiisu ma aha, ee waa aqoon Rabbi ku galladay iyo xirfad u gaar ah. Wax uu qoray goorta aad halacsato, Alloow ifka uu ku raagaa ayaad odhanaysaa.

Qofkii arkaa ba, ninkaa maalinta qiyaame wax uu marag uga noqonayaa; shaqsi afkiisa hooyo wax ku qora oo ka farshaxan wanaagsan, kana hodansan af ahaan in aan geyiga laga soo heleen. Haddaba toloow, ninka ma aqoontiisa sarraysa iyo awooddiisa qoraal ee mawhibada ah ayaan kula colloobay? Maya, ha u fadhin! Ilaahoow xasad iyo xumaan baan kaa magan galay. Ninkaa u-quudhi-waa iyo xisti midna kuma diidin, hayeeshee wax kalaa jira. Sidaas ayuu taariikhyahan u yahay. Sidaas ayuu ruugcaddaa u yahay. Sidaas ayuu cimri dheer ku soo jiray oo magaciisa iyo dhigaalkiisaba loo yaqaannaa. Maxaa lagu yaqaannaa haddaba?

Waxa lagu yaqaannaa: qoraalka, taariikhda, suugaanta iyo hiddaha ummaddiisa ee xilku ka saaran yahay, jeer kasta oo uu wax ka taabto in uu sumeeyo! Ladhka qalinkiisa ayaad judhaba ka dareemaysaa in uu xag baas u socdo. Wax kale ma falo’e, waa qalin-bacle oo sida koofiyad-baclaha ayuu dhigaalka qabyaaladeeyaa.

Kolka uu qof sooyaalkiisa qorayo, dadka ninba ninka ay iska xigaan ayuu jirtadiisa iyo kaalintiisa kun iyo malyuun jeer buunbuuniyaa, cid kalena qalinkiisu ma yaqaanno. Alle wax uu marag iiga yahay; isla habeenkii, kolkii aannu soo kaakacnay in aan dhegahayga ku maqlay isaga oo ninkii shisheeyaha ahaa ku leh: ‘ma ogtahay magaaladan? Qolo heblaayo, (tolka uu hayb ahaan ku arooro), afartankii sannadoodba mar ayay dadka kale xoog kaga saari jireen hadda se waa ay iska daayeen!’

Waa ninkaa. Waa qoraagii dalka iyo bulshada magaceeda huwanaa. Haa waa isagii. Saaxiibkaygii aannu wada soconnay oo isaga laftiisu bahda qalinleeyda ka tirsanaa, jeer horeba saluuggii aan saluugay habdhaqanka qoraa Kidi Galool ayuu isna aniga igu saluugay! Ma wax kale ayaad moodaysaa? Isagana ciriqaa haybeed ayaa xidhiidhiyay oo halkaas ayaa xidid xumi ka rooray. ‘Waar hadda miyaanad maqlayn hadalkiisa?’ Ayaan weyddiiyay. Sidii oo uu qalbigiisa ku jiray waa ka i yidhi: “waa uu kaftamayay!” Hadda garo oo anigu kolkaaba shaqsiyaddiisa wax kama sheegine, habdhaqankiisa iyo waxa ka soo fula ee bulshadu ka aragtay ayaan weliba si kooban u naqdiyay. Saaxiibkay baa arrintii igu collaystay, oo weliba si iigu yara sheegay aniga laftaydu in aan kala haybta aannu qoraaga nahay darteed u durayo, haddii uu ila hayb noqon lahaana aan ka haybadaysan lahaa kuna dhaadan lahaa!

Qoraagii qalinka wanaagsanaa, asee qabyaaladda iyo qalloocinta ku caan baxay, wax ka sheeggii habdhaqankiisa saaxiib aan muddo u han weynaa ayaannu isku seegnay. Waxa kale ee uu ka hadlo inta aan iska dhaafo, in aan sida kale uga faa’idaysto waxna – qoraalkiisa aanan ka sheegin ayuu saaxiibkay ii soo jeediyay. Midhkaa diiday baan idhi, illeen nin awood uu wax ku wanaajin karo wax ku xumeeyay baad i leedahay duudduub ku liqe. Ayaamo dabadeed, saaxiibkay xidhiidhkii aannu wadaagi jirnay iyo arrimo dhexdayada noo socdayba waa uu ka gaabsaday. Heer buu gaadhay, kol aan salaan anigu la doontay uu ii celin waayo! Muxuu igu shuufay? Qoraaga maxaad wax uga sheegtay? Oo qoraaga magtiisa haddii uu iga xigo, toloow qalinkiisa ma iga xigay? Saaxiiboow taasi dhexdeenna ma qabato ayaan ku idhi, hayeeshee cagta ka wad. Dhawr meeris oo jiifto ah ayaan dharaar danbe u qoray aniga oo ku idhi:

Soo-jeedintaadii

Wax aan Saatirku I farin

Anna saar ba ii qabin

Haddii aan saluugoo

Kugu idhi ka saahiday

In aad iga sin-dadabtoo

Salaantayda gooysoo

Sanka iigu taagtaa

Sugulloow ma daw baa?

WQ- Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”