Ubaxii la dayayacay jamaal cali xuseen

maahaa ubax carfigiisa la dayacay maaha ubax bilicdiisa la dayacay.
wali ma maqashay ubax maskax leh oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh siduu uu bulshadiisa faqriga iyo cadaalad darrada uuga saari lahaa!!!!
waa ubaxa isagoo ku yaala carro wanaagsan uuga soo huleelay sidii uu dalkiisa uu waxayaabo badan oo la hiigsado balse aan marinkeedii lahayn uu u soo xaqiijin lahaa kadib soo degay meel uu u arkayay in uu uskaga saaran iyo hogoga ka qodan in uu baabin karayo. ubaxani maaha ubax bulaacad ka soo dul baxay ee waa ubax wadankiisa u yimid si uu uga tirtiro uskaga saaran. ubaxani waa ubax dalkiisa u yimid inuu kala dagalamo aafoyinka jira ee ay ka midka yihiin dhaqalah wadanka oo u kor u qaado, aqoonta oo lagu adeegto xadhkahana goosata, jahliga, qabyaaladda iyo musuqmaasuqana la dagaalama.
ubaxani waa mid u heelan sidii ay bulshadiisu caalamka uga dhex iftiimi lahayd waa mid u taagan sinaanta iyo kala danbaynta sharcigu leeyahay. waa ubax aduun waynaha wax badan ka yaqana isagoo usoo bislaaday siiyaasadda dibadda iyo ta gudahaba dalkuna manta u baahan madaxwayne u kaxeeya calamka oo riyadda nus qarniga jirtay ka dhabeeya.
waa ubax baahiyaha danyarta la og oo aan wax bixintiisa camerad kaga fa’idaysan oo garanaya sadaqada iyo ajarkeeda.
waa ubax dhalinyar ah oo dhalinyarta waayaheeda wax badan ka og waayo.
waa ubax marka qabyaaladda la shido aad arkayso inuu yahay ubax dhinac u soocan.
ubaxani mar waa hal u baahan in intuu godlanayo laga fa’idaysto aqoontiisa mar waa geed hadhac ah oo dugsi u ah inta qabyaaladda ka soo horjeeda.