Toddoba Qodob Oo Lagu Tayeyn Karo Baahiyaha Arrimaha Bulshada Ee Somaliland

Anigoo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland waxaa beryahan dambe hoos u dhac weyni ku yimid arrimhii Bulshada taasi oo aanay cidna ka hadlin iyadoo dadkuna had iyo jeer ka hadlaan arrimaha siyaasadda, ayna muhiim tahay in laga hadlo arimaha bulshada.

Haddaba arrimaha Bulshada ee ay muhiimka tahay in laga hadlo ayaa waxa ka mid ah:

1- Waxbarashada dalka oo la tayeeyo, la isna waafajiyo manhajka waxbarashada dalka si ay waxbarashadu tayo u yeelato.

2- Caafimaadka oo la tayeeyo, isla markaana shaqaalaha ka shaqeynaya kor loo qaado tayadooda iyo aqoontoodaba si ay u noqdaan kuwo khibrad u leh hawsha ay hayaan, shacabkana ay si wanaagsan ugu adeegaan. Sidoo kalena dadka laga baadho lagana hubiyo dawooyinka dalka soo gelaya xaga tayada iyo waxtarkeedaba.

  1. Raashinta ama cuntada dalka soo gelaysana ay xukuumaddu ka baadho caafimaadkiisa, tayadiisa iyo qiimahiisaba.
  2. Biyaha: biyuhu waa nolosha keliya ee aadamuhu ku noolyahay waxa ugu qaalisan, taasi oo aanay dadkuna noolaan karayn biyo la’aan, waxaanan xukuumadda leeyahay ha ilaaliso hana ka shaqayso sidii dadka caasimadda ku nool oo dhami ay u helaan biyo ay cabaan oo nadiif ah iyo guud ahaan degmooyinka dalka oo dhan.
  3. Nabadgelyada: nabadgelyada inagaa ku nool ee iyadu inaguma noola waana in shacab iyo dawladba meel looga soo wada jeedsadaa sidii nabadgelyada dalka loo wada ilaashan lahaa, maadaama cadawgeenuna uu badan yahay.
  4. Tahriibka: tahriibku waa aafo ku habsatay dadka iyo dalkaba waxaana wanaagsan sidii looga shaqayn lahaa aafadaa ku habsatay dalka ee dhalintiisii ay maalin iyo habeenba ay iskugu gurayaan badaha. Yaan la xusuusan dhallinta xilliga dan laga leeyahay ee waa in marwalba baahiyahooga la daboolaa loona dhego furnaadaa.

7: Shaqo La’aanta ku habsatay Somaliland oo dhan sidee looga bixi karaa: Aniga ahaan waxay ila tahay in lagaga bixi karo iyadoo ganacsatada, qurba joogta iyo xukuumaduba intay tallo qaran iskugu yimaadaan ay dalka ka hirgeliyaan shaqo-abuur badan oo wax ku ool ah, oo dhallintu kaga maaranto tahriibka.

Wabilaahi Towfiiq.

Waa Qallinkii Aqoonyahan Jaamac Jiir

Hargeysa Somaliland