Tayo Darada Aqoonta Jaamacaddaha iyo Sare u kaca Shaqo La’anta Dhalinyarada

 

 

Somaliland waa dal yar oo curdina oo kuyaala geeska Africa oo aan wali caalamka  helin aqoonsi buuxa. Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Jabuuti,Itoobiya iyo Soomaaliya. Somaliland waxey kamid aheyd dalalkii Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday  Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan jiray. Sanadkii 1991 ayey Somaliland ku dhawaaqday inay midawgii Soomaaliya ka noqotay, waxayna la baxday magaca Somaliland intaa ka dib 2001 waa laqaaday Aftidii Dastuurka Somaliland oo Xaqiijinaysay Gooni isu taaga ayaa laga qabtey wadan ka gebi ahaan.

Waxaa jirta Somaliland jaamacado badan oo bixiya aqoon heer jaamacadeed oo aan tayo lahayn taasoo ardayga aan shardi looga dhigin inuu sito ama buuxiyo shuruudaha looga baahanyahay ardayga jaamacad galaaya sida shahaadada dugsiga sare ama wax lamida oo loogu ogolaan karo inuu jaamacada galo.

Marka aad u fiirsato jaamacada dalka ka jirta badankooda waa kuwo gaar looleeyahay oo ujeedada furitaanka jaamacadu uu yahay macaash raadis iyagoon bixinayn aqoon tayo leh waxaana dhacda mar mar in arday aan jaamacada tegin shahaado loo sameeyo taas oo aanu aqoonteedii lahayn marka laga reebo inuu shaqo uun ku raadiyo haddii uu sifadaas shaqo ku helana wuxuu marinhabaabinayaa hawlaha loo igmado taasoo uu muqmaasuqo dhamaan hantida loo dhiibo maadaama aanu lahayn aqoon ama damiir ka xakamayn kara  wixii qalada kuna hagi kara habka wanaagsan ee toosan eek u jiro horumarka iyo himilada wanaagsan.

Waxaa magaalada hargeisa dhex wareegaysanaaya kumanaan arday jaamacado ka baxay oo la marin habaabiyey taasoo marka hoos loo dhaadhaco ama loo fiirsado tayada ama heerka aqoontoodu ay aad u liidato oo aan dhamaan ba lahayn tayadii aqooneed ee ardayga jaamacad ka baxa looga baahnaa taasoo sobobta marka uu shahaadaa loo soo daabacay uu shaqo ku waayo uu yidhaahdo wadanka shaqo la,aan ayaa ka jirta dabadeedna uu sidaa ku tahriibo waayo isagu wuu is ogyahay inaanu waxbarashadiisa wax ka dhimanyihiin waana ta ku kalifta  inuu bada ku dhinto ama uu yurub qaxooti ku ahaado.

 

Maalin walba waxaan warbaahinta ama Tv yada ka maqalnaa dhalinyarada tabriibaysaa shaqo la,aan ayey ka yaacayaan balse ma iswaydiinay ninka jaamacad ka baxay wuxuu ka tusaale qaadan karaa oromadaa balashka ka shaqaysa ee sidaa noloshooda iyo qoysoskoodaba ku filnaada kagana raysta noloshii adkayd ee ay wadankooda uga soo yaaceen.

Ninka aqoonta leh maaha uun inuu ka fikiro inuu xafiis uun ka shaqeeyo balse waa inuu indha indheeyaa deegaanka uu ku noolyahay iyo waxkasta oo suurogala oo laga shaqaynkaro amaba uu isagu ganacsi yar uu furankaro halka uu cidkale uga shaqayn laha taasoo haddii uu horumar sameeyo ganacsigaasi uu isagu laftiisu uu dhalinyarada kale shaqaalaysiin karo.

Wadankeena marka aad u fiirsato 60% dhalinyaradu waxay ubadanyihiin inay ka baxeen jaamacad hadana wadanku ma hayo samayntii aqoontoodaa waxna kama badasho marka laga reebo shaqo la,aanbaa jirta markaa su aashu waxay tahay ma wadankaa diidan aqoonta dhalinyaradeena mise dhalinyarada aqoontooda ayey wax ka dhimanyihiin waa intaa aad loo baadhaa si loo ogaado waxyaabaha inaga hortaagan inaan cilmiga aan barano kaga qaybqaadano horumarka wadankeena.

Gudiga tacliinta sare iyo wasaarada waxbarashada waa inay hoos u eegaan qiimeeyaana manaahijta jaamacadaha iyo aqoonta malimiinta wax ka dhigta si aynu uga hortagno arday jaamacad ka baxday oo aan waxtar lahayn oo faaidada ay soo kordhiyaan uun noqoto shaqo la,aan.

 

 

ALLA MAHAD LEH

Abdiqafar Hassan Maal