Talow maxaa uga istafiid ah xukuumada S/Land qalalaasahan ay dalka u hayaamisay?

Waxaa layidhi Ninwalba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.Tan iyo intii ay qasriga madaxtooyada iyadoo qamaamaysaa oo qaamaamuurtii tunka kusiday intay dhexda ku soo qubtey qirinqiir qasri ka dhiso ama wasiir noqo mooyee aan hami fog lahayn wadata qoobka soo gelisay.

Qas iyo qalalaase, qabyaalad,qoomamo, sixir barar, hanti boob, cadaalad darro, maamul xumo, kala qoqob, tusbax furmay, jahawareer, bilaa yool, cabudhin, shaqsi jecayl, run nacayb, xayiraad, isbaarooyin iyo qaran dumin ayuunbay xukuumadan  u hayd.

Qaranimadii Soomaaliland marba marka ka dambeysa waxaad moodaa inay kusii libdhayso ceeryaan, inaguna aaynu weli sii eegayno libidhkeeda, soo noqo iyo soo celiyaayey midna weli cindigeena kumay soo dhicin.

Hadaba haddii aan qissadii dub u raaco… waatii aydin raagaad maamulkii horey inaga soo gaadhay aad qarsanweydeen xanuunkii, waatii aydin ku qalweynseen isbadel…idinkoon kaba fiirsan waataad ku dhawaaqdeen kulmiyaanu nahay, wax kastoo dhacaba kulmiyaanu nahay…waataad xukunkii kitaabka islam kulmiye ka raacdeen.

Haddii aan qissadii dub u raaco… aan ka bilaabo gudiyo usaarkii, go’aan laaantii, gaadiid qaadashadii dababshiil iyo tijaar la mid ah oo ilaa hadda daynkooddii  hantida umada laga bixiyo iyo ku rafadkii dowlad dhisida.

Halkaas markii ay maraysay ayaa wasaarad walba horjoogaheedii dhinacuu doono ula dhaqaaqay madaxtooyadiina dad kale gacanta ugashay…Madaxweynihii dalkuna  nasasho iyo hurdo dheer galay..Hurdadii madaxweynaha iyo jahawareerkii wasaaradaha marka  dadka qaar ka hadleena.. dowladii way wada cadhootey…madaxweynihiina waxa uu la soo kacay uf iyo akhas…Waxaa bilaabantay, cabudhintii saxaafada, eri shaqaalihii dowlada ee ka soo jeeday maamulkii xilka lagala wareegay, furidii ururada, dagaalkii bariga ee mudo xalka loo waayey ee gudida tallo bixinta isna loo saarey. Waxaa iyana layaab lahaa jahawareer kuyimi wasaaradii arimaha debeda oo wasiirkii arimaha debedu kolba qolo aqal madow kula shirayey.

Isku soo wadaduuboo halkeebaynu maanta  joognaa?

Waxaynu maanta joognaa; meel aynu nus qarni ka hor ka soo gudubney, jarbeynu ka lulanaa khatar ah, qabyaalad sun ah baa laylagu buufiyey. Waxaynu maanta joognaa…Nin yidhi kaagii oo qatan nin kale yaanu kugu dulqaydeyni in  la qoonsado, waxaynu maanta joognaa halkay inala doonayeen.

Kolay dhibaatooyinka kor ku xusan idinkuma cusba intaa waad maqashaan ee laakiin waxaad isweydiinaysaan isbaarooyinka inagu cusub ee hada dalkii xukuumadani ku soo kordhisay oo ka mid ah adeega shaqsiga. Tusaale waxaa inoogu filaan madaarka BERBERA marka aad ka soo dhoofeyso nin isbaaro dhigtey kulana shuraakoobey nin cad oo ajaanib ah mashiinka baadhista ee la mariyo dhandadaha oo lagu odhanaayo waa lagu baadhay ee toban dollar bixi…sow yaabka yaabkiis maaha? xagey aduunka ka dhacdaa dowlad shandadaaha baadha oo hadana lacag ku weydiisa. Dadka madaarka ka dhoofaana ilaa hada wey garan layihiin arintan.. marka shaqaalaha madaarka la weydiiyeyna waxay ku jawaabeen ninbaa mashiinka meesha dhigtey oo dowladu shaqo kuma leh.

Guntii iyo gebagebadii dalkeenii waxaa ku soo fool leh doorashooyin hadii dowladu faraha kala baxdo waxay u dhicidoonta si xalaal iyo wanaag, laakiin sida hada komishankaba ka soo yeedhaysa hadii aanay dowladu faragelinta badheedhka ah ka deyn waxaan qabaa inay dal burburin ay tahay..

Doorashadan sidaan arkayo ee wax lagu wado waa ama kala guur ayey noqon ama isku guur oo umada qaar kamid ah ayaa weligood lagu guuri.

Dadka reer S/Land  EEDDAADKII SOO MAREY UMMUL BAA ILOWDEE ilowshiiyo dhawinaa sowtan siddii xoolihii kolba dhan leynoo qamaaminaayo oo quluxda laydiin lulay..mustaqbalkiina shilin nin dano gaar ah wataa yaanu idinkaga iibsanin…. Allahayow nin daacad ah  Allahayow nin daalim ah  deeqdaada howsim………amiiiiin

Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.

Muhammad Jama Ismaail-Shiine