Tallo Soo Jeedin Ku Socota Hadhwanaagnews

Salaamu Calaykum bahda saxaafadda. Saxaafada waxaa laga filaayay in ay dhacda kasta dhexdhexaad ka noqdaan, dadweynahana ay u soo gudbiyaan war aan dhinacna u xaglineyn. Arintan doorashada iyo buuqan yar ee dhacay waxay qaawisay website-kii caanka ahaa ee hadhwanaagnews. Wuxuu websitekaasi ku dhex milmay is qabqabsigii iyo is eedeyntii ka dhaxaysay ururada, gudida doorashooyinka, iyo xukuumada oo uu dhaliilo fara badan uu dusha ka saaray. Waxaan kula tallin lahaa websiteka hadhwanaag in aanu Xaqsoor si toos ah oo badheedh ah ugu hiilin. Hadii kale wuxuu lumin doonaa sumcadii uu ku dhex lahaa bulsha weynta Somaliland. Run ahaantiina dadka oo dhami way la yaabeen kaalinta uu ka qaatay websitekani doorashadii iyo sidii uu u buunbuuninayay in Xaqsoor la dhacay.

Qof Somaliland ahi ma jecla in Xaqsoor iyo urur kale toona la dulmiyo. Hase yeeshee waxaad moodaa in Xaqsoor uu doonaayo inuu khasab ku soo baxo isagoo ka mid ah kuwa ugu dhibcaha yar. Ma suura gal baa in ururkii ugu dambeeyey uun qaylyo oo uu ku hanjabo nabadi jiri mayso. Caqligu ha shaqeeyo oo ileyn cidina digdig wax ku badali mayso e aynu wada ilaashano nabad galyada oo ah mid qof walba u dan ah. Xaqsoor yaanay noqon Xaqdiid. Ururkii Ummada iyo ururkii Rays oo labaduba ka dhibco badan yihiin Xaqsoor, midna ma qaylinaayo oo hadba been ma soo maleegayaane way iska aamusan yihiin.

Markii doorashada la galaayay waxaa cadaan ahayd oo dastuurkeenu inoo qeexay inay saddex urur uun soo baxayaan oo ay inta kale hadhayaan. Markaa hadii nasiibkiisu Xaqsoor reebay waxaan leeyahay natiijada kama dambaysta ah inay ku qancaan ayaa hagaagsan. Mudaharaad dambena aanay soo abaabulin. Anigu hadaad Caydiid ahay urur iyo xisbi midna kuma jiro e waxaan ahay nin Somalilander ah oo jecel nabada iyo wadajirka.

Illahay ayaa mahad leh

Caydiid Warsame

Stockholm