Tahriib Ma Ba’aa, Mise Waa Badhaadhe? – W/Q: Sacad Muxumed Ibraahim

sacadAduunyaddu waa fasal dad badan mideeyey, noloshu waa macalinwaaya-arag ah, dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah.
Ha yaabinee la qabso maalmaha kala duwan, kuna cibaaro qaado dadka kala duwan
Addunyada aynu ku noolnahay ummadaha ku dhaqan waxa ay hiigsadaan in ay iyagu u sareeyaan dunida noqdaana hogaanka dunida,
balse fikirka dhalinteena Somaliland waa mid kaas ka duwan kana hooseeya, kana liita , waxa ay ku fikirayaan, ku fooraraan ,ku foogan yihiin sidii ay dalkooda ugu tagi lahaayeen iyaga oo naftooda biimaynaya, waxa ay door bidaan dal aanay lahayn. dal ay dhisteen dadkoodii , mana aamisana in ay dalalka ay ku yaacayaan uu ka wanaagsanyahay dalkoodan dadkiisu diinta iyo dhaqanka leeyahay,
Hadii ay dhistaan ,dhib iyo dheefba u huraan ,maal iyo maskaxba galiyaan dalkooda in uu noqon karo kana wanaagsanaan karo dalalka ay ku yaacayaan maanta.
Teenana wax ka tahriiba mooyee wax ku tarmaa way iska yartahay dharaar walbana waxa aad maqlaysaa warar tiiraayo leh .
Hadal waa kii kooban ee kaalin galaye ee aynu qormada kuwada eegno dhalinyaradu waxa ay ka aamisanyihiin tahriibka qormaduna waxa ay ku bilaamatay suda tan:
Waxaanu nahay rag la lagdama nolasha ,waxaanu nahay rag u tafo xaytay tacliin iyo tabcasho ,waxaanu nahay laba nin oo walaala ah oo ay walaalaysay shaqadu iyo tacliintu ,bishii qarashka aan qaato waxaan ku bixiyaa tacliinta iyo nolalmaalinmaydkayga waxa soo hadhana waxaan ku biliyaa qoyskayga iyo qaraabadayada,saaxiibkayna tacliin iyo nolalmaalimaydkiisa wixii ka soo hada waxa uu u diraa xafada iyo xiktadooda sheeko iyo shaah ma haleelno ,hadal iyohaasaawiyo hadalkooda daa waxaan u dhaxaynaa dugsi iyo dukaan

Goorsheegtu waxay caga cagaynaysaa 11:00pm kolayga tukaanku uu dhacay ,cagta dadku way soo kala go,aysaa waxooga hadala ka dib :
Hiba furka hadalka aan hagoogta ka qaadee Saxiib su,aal?
Jawaab.
Waadigan sidii curad lagaa dilay caday ka yaraadee ma caashaqbaa ku helay, mise soortiibaad ka soontay maalmahan?
Mayee waan fikiraayay baryahanba jidhkayga mooyee maankaygu muu joogin.
Waa arrin wanaagsan oo waa loo baahan yahay cid fikirta , ee waxaan ku su,aalay fikirtaye maxaad ku fikirtay ?
waar inaguunbaa dunida ka hurudnayee dadkii uu wada fikiraayay oo wuu wada horumaray Waxaanse ku fikiray oo aan ku foororay waxa la helay bahal dhoof dhaweeye la yidhaa (tahriib).
Balaayo kac guur ama guursay ku tidhaa,oo tacliintii iyo tabcashadiina?
Waar tacliintii tabcaantee wakhtiga aan iskaga luminayay dawdaraan waxba hayniniyo doqonbaa ku meeraystee imisaa shahaado sitoo suuqa wareega , tacabkana waa ta halkaa igaysay oo hadhow markaan dhoofo ayaan guryo iyo gaadiidba iibsan.
walaalkaygii rumaadow, wehelkayga naftaydoow walwal adduuniyo walaac ha igu beerine ,weedhii sameede weedhsame ku yidhina miyaanad si sax ah u suuraysa ILLAHAY CIMRI IYO CAAFIMAAD DHEER HA SIIYEE taas oo ku tidhi:
Guulguulka naftaa ku oogan
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu Aadmigu u guuray
Rajada gibilbaa ka saran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahaybaa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabagabaysay.
Galbeed Yurub kuuma yeedhin
Giriigguna kuuma baahna
adiga geyigaagu waa kan.
Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go’aysid
Gobaad tahay moog inteeda
Gargaara faray ka hoogtay
“ku eeg gabargaal horataada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheehoo
Dhalaanbaa kugu gedaaman
Gidaarada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xilbaa guudkaaga saran
Kawayn goosoo dhaqaaji
Weedhaad i tidhi aad uga fiirso ,fikiroo ha fusudaan wax walood fulinayso ama aad filanayso in aad fashid ku darsoo aaraar da,wayn baana tidhi
‘’INTA AANAD FALIN KA FIIRSO.’’
ha deg degin hana fiiro xumaan naftaadan fayoobee ,firfircoonee,fayo dhawrsan yaanu tahriibku ku noqon fayras khalkhaliya nolashaadana khasaariyoo khayrka ka fogeeya , facaagana kaa reeba .
Midna iga dhagayso aqoontaad af lagaadaysay doqonkiyo ku tilmaamtay daw darkaan waxba ahayniyo waxaan wax ahayn,ka istaaklh furalaysoo mar labaad iyo dib toona ha ku tilmaamin wax siloon oo aan sax ahayn,
miyaanad samciyo suuro iyo waliba six eel dheer u xanbaarin xikmada xeesha dheer,micnaha iyo miisaanka badan murtida iyo macluumaadka badan ee naxariistii,iyo nimcooyinka,naruurada iyo meel naq badan janada JALIILKII awooda badnaa ha ku jilbo joojiyo ,cabdigii cibaadidiyo camalka badnaa ,cilmigana samaa ee sawdka aariyo lahaa sumadiisa ALLAA ha unaxariistee C/LAAHI SULDAAN MAXAMED (TIMO CADDE) uu ku tilmaamay in aqoontu tahay tab muhiima if iyo aakhiro ee uu waleba ku sheegay shalay waxay ahaayeen sharkan aad u haqal taagtay adigoo aqoontii shalwiyay ee uu ku yidhi:
Ingiriiskan laga qayliyee
Qaaq wax kaga siiyay
Isaguba marbuu qaadan
Jiray qaansiyo leebe
Qarfo iyo marbuu
Seexan jiray qalqalo hoosteede
Ha yeeshee quluubwada
Jirtaa qanciya sheekhoowe
adigaa siloonoo sirxan oo sibaabane,sabankan aynu joognaa saraakiisha adduunka iyagaa usitee adduunyada u shidantahee, inamari tan ka tahriibnee ku darsoo saaxiib aaraar da,waynbaa tidhi:
‘’Taban taabay laba gacmood tamar ku yeeshaane,
Haday midigu kali tahay tahar ma goyseeyne’’
Hadaynu is taban taabino tu kasta oo timaada waynu istaageeraynaa tub taasaynu qaadanaa tan baynu joogaynaa dib ha ii maqashiin,Toronto aynu tagno tukaan aynu furano taajir aynu noqono .
sax ma tihid walaale waa inooyoo bari salaasada saddexdeeda galabnimo.
Waayahay waa inooyoo salaasada ,adigoo fayooboo, fikirkayga raacoo fakadoo wada taga.
Galab wanaagsan sawdigan hagaagee tubta toosan qaadee tacliintii u soo xaadiray.
Galab la mida balse waxan aad sawiratee aan sal iyo raad toona lahayn, tacliin tabcaantay wakhtiga ha iga luminine,warka jira lagu sii saaka saaxiibadaydii aanu wada tahriibaynay ayaa waxa ay soo sahaminayaan lacagta iyo saadkii suudaan nagaynayaa saamiguu yahay?
dhulkan aad leedahay waan ka tegayaa waa dhulkeeni hooyo waa dhul aynu leenahay waa dhul nimco ah oo ay naftu ku muha too laga maarmi karaynoo hadaad maraykaniyo,miyaamiyo meel siloon qabato aad u soo muhanayso
Ku darso saaxiib hora waxa loo yidhi:
Dalkaa miyaa laga doorsadaa
Laga doorbidaa midaan Diir naxayn
Lagu doorbidaa
Mid dadkaaga neceb
wax hore loo yidhi intaad ka timaado hadal uu midaan waxba hayninoo tub uu qaado garanayn,tahriibna qorshayn kari waayay doonayo inuu igu haawsaawiyo ,waxaan ahay ku ka tashaday inuu ka tago ,tan uu ku hadhay fulay,faqiir iyo waliba fikir xume tan wax u haysta.
dalkeenan hodanka ah shicibkiisu diiniyo dhaqan suuban leeyahay xasalooni ku can baxay nabada u aabba ah (ALLAA HA NOO ADKEEYEE)
Dadkiisa sharafta leh ha ku tilmaaminmid fulay,faqiir,iyo waliba fikir xume,
Waana dad fayoobo,fikiroo aqoonloo ku walwala in ay facooda dhaafaan hormood ka noqdaan horumarka adduunka , ku darsoo ka xoroobay fikir xume adoo kale ah u haysta wax wanaagsan ku walwalaaya kuna foorara qorshihii uu dalkiisa kaga tagi lahaa ee uu dal shisheeye ku doorbidaya, waxes aad ku darsataa fulayda horumarka, faqiirka fikirka in ay yihiin kuwa ku fikiraya kuna foogan dalshisheeye tagistii naftiisana ba,a iyo baaba baday,
Waxse aan ku su,aalay lacagta aad magacawday saadka ilaa suudaan idin gaynaya marka la soo sahamiyo ee laguu soo sheego qarashka xagaad ka keeni?
maskaxbaa ina saran hadaynu ka shaqaysiino soo saaraysa xeelad aan kharashku helo,
ma nin kaagan dalkiisii ka doorbiday dal, shisheeye ayaa ileh maskaxbaan ka shaqaysin ,saaxiib hadaad leedahay maskax shaqaysa waar imaad tidhaahdeen waan tahriibayaa balse marka aad maskaxdaada ka shaqaysiisay maxaad qorshaysay?
waxa aan qorsheeyay in aan lacagta hagbada ee walaashay ay uruuriso in aan qaato
Alla ha gafin horana waxa loon yidhi :
‘’ARIN XUMO ABAAR KA DARAN ‘’
Waar ha ku kicin talaabo aad ka qomamayso hadhowto , inta uu fikit kala batay ayaad ku fikirysaa arinkan xun eein laga xishoodo ah
Waar intaad leedahay dadkaan tahriib ku fikirin waa fikir xumayaal ee waxa fikir xume ah ka sidaada six xun u fikir , adoo garanay in ay tuugadu xaaraan ay tahay ayaad ku fikiraysaa in aad wax xadidwaliba walaashaa oo kula dhalatay waliba lacag aanay lahay oo dayn ah ILAAHAY xishoodka kaama qaadee xishood ,
Waxse aan ku su,aalay marka aad kharashka qaadato ee xado daynata reerkiina xoolaha loo soo doonto maxaad samayn?
waxaan usheegayaa in aan u soo diraayo lacagtaan ka qaatay iyo waliba taan shaqaystay,
tan ninka shaqaysta ayuunbaa taana ka shaqaysane, markaas adoon ceeboobin ,reerkiinana ceebayn waalidkaan kaa nixin,waxa aad ka shaqaysataa dalkaaga dadkaagana u shaqee danta guudna u adeeg.
intaad iga dayso dalkan abaarta ah iyo dadka aan is dhaamine dalkan abaarta ah ee aan wax ay ka qabanayaan aanad garanayn,wakhtigii kaga lumay haygu wareerine warkooda iga daa.
Allee ilahee adigaa waxaan dantaada ahayn iyo dalaan dalkaaga ahayn wakhtigii kaaga lumaye ,intaad dalshisheeye oo aanad isku diiniyoisku dhaqantoona ahayn u hanqaltaagaysid miyaad kala baratid dhulkaaga hooyo , dadwalbana waxa uu ku faanaa dalkiisa
dib ugu laabo ,ugu dhaado aadna u daymo daymood dhulkaaga hooyo
Hal doorkii HADRAAWI Hawraartiisii da,da waynayd waa kii ku lahaa

Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa

Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan
Waar dhulkanaad arag ha ku tilmaamin abaar aqli abaarow
Tudacan kalee hadraawina ku darsoo ku baro dhulkaad ku tilmaamtay abaar
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame aragteen?

dib u fiiri oo qalbigaaga u furoo aad ugu fiirso oo garaadka ka shaqaysii.
waan soconoo raggii saaxiibaday ahaa ayaan ka war doonayaa waxa ay ku soo sheegeen kharayshii ay soo sahaminayeen ee waa inooyoo mar kale
Waayay laakiin hashan aad qabanayso aad uga fiirso oo ha ku deg-degin dib uga laabo.
waadigii war doonee maxay ku danbaysay sahamintii?
kharashkii la soo sahamiyee ilaa suudaan waxa lagu soo sargooyay ,sagaal boqol iyo sagaashan doollar oo saadkiina la socdo (990$).
sax ma tihide ,waa lagu dureeyee ,sagaal boqol iyo sagaashanka aad ku khamaaraysid waar fikir xumow ,in aad kharash intaa leeg ku khasaariynasid tahriib khatartiisu badantahay dhib iyo mashao badan ba,a iyo baaba,iisu badan yahay ,nafta aad ku biimaynaysid bi,waa miyaanad ka war qabin inta ruux ku dhimatee doonidu la qalibantee naftoodii halaagee iyagoo badhtamaha badwaynta dul heehaabaya doonidaa cuslaadee data lagu yidhi sidii uu abwaankii C/RISAAQ hawraartiisii hufnayd ILLAHAY CIMRIGAYO CAAFIMAADKA HA U DHEEREEYEE ku tilmaamee yidhi;
Huudhigaan dulsaarnaa,
Hareerihii ku yilbaa,
Dufaan haleeloo,
Wadihii Is hiifyoo,
Haadiyoo u yeedh yeedh,
Naakhuude Halsiyo,
Qaatuleeno hadhayoo,
Hadal aad u kululiyo,
Ficil aan haboonayn
Orad haabta buu yidhi,
Kii iga horreeyaa,
Hebal soo tilmaamoo,
Ka dag huudhiguu yidhi,
Halkeebuu u daadagi !!!!?
Hoos wuxuu u yuusaba,
Hada diiday buu yidhi,
Waa rag soo harheermoo,
Sida horarka oo kale,
Kolna haabaneynine soow,
Haraati kulul iyo,
Hirdi lala wareeriyo,
Feedh Hugtaakagama dhigin,
Waxaa hiidu yeedhaba,
Naftu way ka haadee,
Saw kaasi muu hoyan,
Hilbihiisiyoo qudha,
Bada hiimsaheeda,
Lagu Hiigayaayo,
Idil habar Dugaagii,
Hawadaasi Joogaa,
Hawdiisa yeedhiyo,
Humaagiisa garanoo,
Dhuuxiyo hilnaantii,
Kala heensan dabadeed,
Hanadkii is waalana,
Midiyahaa haliilee,

Xasan mee oo xuseen oo ka danbeeyay mee xamsoo ka horeeyay mee,maxay naftoodii halaageen gabi dheer ka tureen inta ay is biimeeyeen badaha isku gureen doonidii la qalimatee qudhii ay ka baxdoo qubuuraha lagu daray , fikir xumaw ma fayoobow aaraar horaa tidhi:
‘’NIN WAX LA TOOSON BAA NIN KALE TUUR KU AH’’
Waar waxaad u hanqaltaagayside ku riyootee ku hanwayntahay ha ku hungoobine ka laabo intaad dhawdahay.
waxaas oo dhan dhaafo ragii horee tahriibay doonyaha ku boodee badahana isku guray iyagaa ku deg-degaynoo wakhti ay badu kacsantahay nafta biimeeyeen , balse imika cidkuma qarqoontee ,kii tahriibaa taliyaani kama sukeeye,
Aniguna arinkayga iyo adduunkaba waan ku bixinayaan.
mid aan ku su,aalee wax walboo khayaaliya ,dalkood dalkale ka doorbiday maxaa ku lamaanoo oo kugu kalifay in aad tahriibto?
tahriibu taguun maahee waxa igula lamaan intaa qalanjo qurbaha quruxiyo iyo dhaban leh oo aan ahayn hablaha soomaalidee heeryo waynta ah ee aan wakhtiga la talaabsanayn,hadba fashionkii udanbeeyay ku la bisanay balsee hablahaa reer yurub ka roonee labiska yaqaan qaligaaga qaadaya ee qurxoonbaa qalbigayga qaady.
hablahaa reer yurub dhaqaniyo diinlahayn intaad u hanqal taagaysid miyaanad dhuuxin hawraartii hufnayn ee hal doorkii hadraawi ku sheegay in ay hablaheena habla la dhigma aanay jirin kana hagaagsanyihiin ee uu ydhi:
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan
Adiguna hadaad qurbaha iyo dalshisheeye aado hablaheena hablo la bdhima helimaysid .
hablaha maro waynta ah casrigiya aan la socan ,haasaawiyo aan hadalka aqoonin ,aniga qaali ha iga dhiginee warkooda intaad dhaafto ,adiguna sow diyaarmatihid tan aynu ka tahriibne ?

I dhagayso dubuubtayda qaado mar hadaad dhulkii hooyee ,haboonaa ee cimilada samaa ,ka dooratay dalaan diinlahayn dadkaagiyo dalkaaga neceb ,
Inaan aniguna kuu raaco waligaa ha hawaysan xuskaagiyo maanka iyo maskaxdaadaba ha galin hana hawaysan hami daciifow,

siloonow I dhagayso dalkan fiqiirkiyo ma fikiruhu ku fooganyahay ha daad doorbiday inaad adna ku fooganaato walee anaan ku fooganaan wakhtiguna igaga lumin waar dhukaa aan hawaystaan u duulayaaye ii soo ducee waan tagaye anaa m,arka fdoolar iyo dahab iyo diinaarba ku soo diri doonee dakana kaa dhaafin.

mar hadaa hadal kaygii ku deeqi waayay dalal daalibiina dahab lagaaga dhigay aniga doolar iyo dahab toona ha ii soo dirine dalkaaga aamin ha iim aan xumaane dawganaad kusocontaana waa dabin uu qoolay shaydaan ee ha ku dhicin , horana aaraaaar dawaynbaa tidhi
‘’ninkay meeli u cadahay meeli ka madow’’
Hadalkaygii hadduu ku deeqi waayay adigaa circa roob ku oge nabad galyo saaxiib ducaan kug galbiyee.

Maanta waa maalin soo raga ah goor sheegtu waxay ku taagan tahay 1:00 duhurnimo falaadhaha cadceedu waxay si toosa ugu soo dhacayaan oogada sare ee dhulka huguna aad ayuu ii gubayaa waxaan u jarmaadayaa xagaa iyo guriga haddii aan wadada ka talaabay waaba ninkii tahriibee aanu saaxiibada ahayn

Alla waadigan siloonaadee wax sawaaban noqdee ,ma sagaal sebanbaad wax soor ah afka saarin oo aadka soontay?

anigaa is dilayoo ,naftaydii dardarayoo ,dalaan dalkaygii ahayn dantiisii ku seegoo ,
Wakhtigaan suudaan tagay yaa koox ma diir naxayaalo mukhalas (tahriibiyaal) la magac baxay anaa ina ka xeenaya intuu yidhi koox af ka noo galiyayoo darbi nagu xareeyeen nin walooba telefoonka qaadoo dad kiinii la hadal la yidhaaheen kii la hadli waayana kaw baanu ka siiinaynaa markaasaan reerkii aan daynka ku jaray kun doolar soo dira kol ay tolkii tahay dadkan iga furdaamiya ,markaasay dan ii soo amaahdeen markii la i soo daayay ayaan dib u miyir sadoo dib u soo milicsaday dalkaygii macaanaa kooxdaan wada tahriibayna wax dhintay iyo wax sudaan ku xidhan oo xayirmayoo leh ALLOW yaa maruu dalkii dib noogu celiya,
Markaas Ana magaalo ka xoogsadayo ka xamaasho xoolo helayoo
Dib soo laabtay ,maxay say kaaga taala mar hadii ragii aanu isku faca ahayn oo dalkoogii joogo daruustiii dhamystoo daadlo darajo hellay aniguna doolarkii iyo dayntii reerkaygu u daldal yahay aniga nacasoo tahriib ba,a badhaadho moodayoo nafta biimeeyayoo balaaya doontoo waxaan wali daydayayaa shaqo aan daynta iyo doollarkaba iskaga bixiyo,dharaar dhawayd oo aan shaqo ka doontay odaygii aynu tukaanka uga shaqayn jirnay ayaa waxa uu iigu jawaabay:
‘’Waraabihii hooyadii cunay habaryartiina muu dayn’’
Intuu afku hadal daayay ayaan dibada uga soo booday,waxaanan daydayay mid kale dhowr cisho ka dib waxaan helay shaqo,oo waxaan ka shaqeeyaa macmacaale,daynta markaan iska bixiyo dib ugu laaban waxbarashadaan daayacay,
Dhintaan soo maray iyo dhibaatooyinkuu heelahay waa midaan hore looga soo laaban,dhibtiisuna waxa ay ku dhigantahay oo ay ku xasuustay hawraartii abwaan C/risaaq Oday ILAAHAY CIMRIGA IYO CAAFIMAADKABA HA U DHAAREEYEE ku yidhi :
Waxaan hibanayaa wali,
Hiirtaanyadii iyo,
Halistii igaadhoo,
Rag hawaalihiis iyo,
Wuxuu hadimo soomaray,
Ayuu hadall ku sheegaa,
Hadaan hayjad Galay bari,
Inaan heedhe Sheegoon,
Dadweynaha Hortoodi iyo ,
Dhalintaa Habawdee ,
Habaqankeedu Yeedhee,
Habka xeedho Weyntii,
Isu kala hufeysee,
Ku idlaatay haadan,
Ayaan Haatan waaniyo,
Hawraar Ku dayayaa,
Dad hugoogii Tuuro,
Harggo miidhan Yeesho,
Ruuxii u haad gala,
Warankooda hagarka ah,
Halbawlaha ku gooyoo,
Waaxyahooda hudufiyo,
Nabar miidhan heeroo,
Herer oogadeediyo,
Ku nool hamahaasaa,
Hayaankii ku beegmoo,
Hayeeshee dhib oo idil,
Ka hagoogtay dheegaw,
Soodaan haadaan galay,
Saxaraha hanfanayee,
Wixii nolol haweystaa,
Bari hore ku hoobteen,
Hadhka maalin weyntii,
Hanfi aad ukul iyo,
Bacad Baa hadheeyoo,
Hooy aad Ku nasatiyo,
Hilin aad kuToostaba,
Midna lagama Hela ’oo,
Bahalaha hall Qaadiyo,
Yey baaba hurudoo,
Haday ilo ku saaraan,
Kuu soo hirdamayoo,
Hutuqdaa ka baydhaba,
Midkaloo ka halisaa,
Hareertaada joogtee,

(talo mayeele,tiisa mahadshe, tau u falaaba isagay qabsan )

Ninka dalkiisa ka doorbida dal kale ma geesibaa mise waa giiryaale ,ma fariidbaa mise fikir xume ,ma halyaybaa mise waa hanbabar, ma…………… ma…………. Bal adiguba wax dheh

Akhriste da,yarta dalkeenu uma baahna canaan iyo cay buuq iyo balanbal,
Oo haddaa maxay u baahan yihiin?
Waxay u baahanyihiin in lala taliyo ee uma baahna in la takooro ,waxay u baahan yihiin in la wacyigaliyoee uma baahna in la wadeeceeyo , waxay u baahan yihiin in loo caqli celiyo ee uma baahna in la colaadiyo waxay u baahan yihiin in lala sheekaysto ee uma baahna in shib laga yidhaahdo,waxay u baahan yihiin in laga roonaado ee uma baahna in la rifo,waxay u baahan yihiin u baahan yihiin in la tuso tubta saxda ah ee uma baahna in la majaro habaabiyo ,waxay u baahan yihiin in loola dhaqmo sidii qof buka ee uma baahna in loola dhaqmo sidii qof badqaba ,waxay u baahan yihiin qof si dhaba u dareema xaalada ba,an ee ay ku jiraan kadibna u tafaxayta oo guntiga dhiisha iskaga dhiga oo badbaadiyo, iloobi mayaan qofkaa xataa haddii iilka la dhigo ,iloobi mayaan qafkaa tahriibayaashu xataa haddii iilka la dhigo ,iloobi mayaan qofkaa bulshadu xataa haddii iilka la dhigo

Wixii talo iyo tusaalo iyo tilmaamba ah waxaad qoraaga ugu soo hagaajisaa Emailka

Sacad Muxumed Ibraahim

Maqaal-maal@hotmail.com
Ama telefoonka 4708305.

DHAMAAD