TACSI TIIRAANYO LEH: Dhammaan dadkani waxay taci u dirayaan Qoyska ILma FAarax Jaamhiir Geerida ku timi Marxuumad Leyla Faarax Jaambiir

tacsiDhammaan Maamulka, Tifaftireyaasha, Wariyeyaasha iyo Hawl-wadeennada kala duwan ee Shabakadda Somalilandpost, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Ilma Faarax Jaambiir Geerida Naxdinta leh ee ku timi Alle U naxariistii Leyla Faarax Jaambiir oo maanta ku geeriyootay magaalada Hargeysa, gaar ahaan waxa aanu tacsidan u diraynaa Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal oo ay Marxuumadda walaalo ahaayeen.

Waxa aanu Eebbe ka baryeynaa Naxariistii Janno inuu ka waraabiyo Marxuumadda, dhammaan Ehelkii, qaraabadii, Qoyskii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…….Aamiin………….Aamiin.