Tacabiraye Maxaan Taray?! Q.2aad

Markii uu yidhi waan idin xujaynayaa boqorkii, ayaanu is yara toyanay kadibna aanu sugnay bal waxa uu odaygu nagu jilbaabin doono. Kadibna waxa uu na yidhi:-

“waxa aan idiin dirayaa meel Gondor la yidhaa oo aad uga fog halkan, waxaad  gaadhi doontaa tuulo yar oo xaga bari ka xigta magaalada wayn ee Gondor, waa beeralay dadka meesha dagaa oo waxay idinku soori doonaan hadba midhaha ay ka beertaan deegaankaas, laakiin ha cunina ee suga ilaa marka ay makhribka gaadhayso, kadibna labadiinu inta aad is raacdaan waxaad u kacdaan xaga ay idinka xigto magaalada Gondor, waxaad la kulmi doontaan gabadh aad u qurux badan oo dhalaalaysa, way idiin qosli doontaa kadibna way idinla hadli, waxay idiin sheegi doontaa wax ee si fiican u dhagaysta, marka ay dhamayso gabadhaa qoorta ka gooya kadibna ku noqda tuuladii aad markii hore ka timaadeen idinkoo madaxeeda sida, kadibna subaxa kasoo noqdo oo ciidankaygu waxay idinkusoo celin doonaan magaalo u dhaxaysa halkan iyo magaalada Gondor..”.

Markuu intaa yidhi, oo aanu wali dhamayn hadalkiisii ayuu saaxiibkay gariiray kadibna dhulka ku dhacay, boqorkii baa xanaaqay oo dareemay fulaynimada saaxiibkay, amar ayuu siiyay askartiisii oo uu yidhi dila wiilkan, kadibna intaan qayliyay baan u sheegay inuu saaxiibkay suuxdimo leeyahay, oo aanu iska xejin Karin socdaalkii labada bilood ahaa eenu soo galnay. Boqorku run ayuu u qaatay waanu iska daayay, inta aan saaxiibkay dhulka kor ugasoo qaaday baan ku fadhiisiyay meel kaabad ah.

Boqorkii hadalkiisii ayuu sii watay, “ marka aad soo gaadhaan magaaladaa, waxa aad la kulmi doontaan oday aad u ciroobay, waxaad iska ilaalisaan inaad indhihiisa eegtaan ama sakiisa, hadii kale wuu idin qataarayaa kadibna wuu idin cunayaa, isaguna sheeko ayuu idiin sheegi doonaa ee waa inaad si fiican u dhagaysataan, kadibna timaha aad ka xiirtaan odayga, timihiisana ii keena”. Markuu dhameeyay ayuu boqorka qarsoomay si kadis ah, saaxiibkay wali miyir ha joogee maan ahaan uma joogo oo wali waa gariirayaa, wuxuu lahaa odaygu maantoo dhan maba uu maqlayn. Ku darsoo dadka naloo dirayaa kuma hadlaan afsomali ee waxay ku hadlaan afka ay reer Jin  ku hadlaan oo aanaa kalmadna alle haka yeelee aanaa ka garanayn.

Maalintaa saw talo iguma cadaan, saw si aan xujadiisa u furaba cunto iyo hurdaba kama haajirin, habeen oo dhan saw ma falanqeeyo dhamaan dariiqooyinka ii furan ee uga badbaado karo boqorka dilkiisa hadii aanan samayn waxa lay igmaday, waxa intaa ii dheer saaxiibkay oo markasta isna canaan ila daba taagan, wax kasta oo nagu dhaca anaa ka masuul ah ayuu I yidhaa, laakiin marnaba kama daalin sabirkaygii.

Waagii danbe ayaa askartii noo sheegeen in la baxayo, magaalada waxaan  kasii iibsaday seef aad u af wayn oo aan rabo inaan qudha kaga soo gooyo gabadha lay diray, laakiin waxa I arkay boqorkii oo igu yidhi kuuma ogoli inaad seef qaadato, anna kuma celin hadale inta aan seefta u dhiibay ayuu igu yidhi saaxiibkay oo hadaa maxaynu gabadha ku dilaynaa?. Taloba saw igumay cadaan, waan iska boqoolay oo askartii baan raacnay anoo wali ka fikiraya xabaal la dhiga boqorka ahi xujo adagaa, laakiin marna kama daalin inaan helo si aan u guto waajibka lay saaray.

Ugu danbayntii waxaanu soo gaadhnay magaalada Gondor, waa magaalo aad u wacan oo dad aad u wanaagsan daganyihiin, waxa aanu usii dhaafnay tuuladii yarayd ee xaga bariga ka xigtay, kadibna makhribay gaadhay, gabadhii ayaanu u diyaar garawnay inaanu la kulano aniga iyo saaxiibkay inta aanu is raacnay ayaa makhrib inyar ka hor u kacnay xaga magaalada Gondor, kadibna waxaanu kazoo hor baxnay gabadh aad u qurux badan, way dhoola cadaysay kadibna waxba noo sheegtay, ku dhawaan nususaace ayay hadlaysay, oo ma gabadhaan quruxdeeda daawadaa, ma waxay leedaybaan dhagaystaa, ma inaan dili doono baan ka fikiraa?!!!!!!!!!!!

Markii ay wixii ay akhriyaysay dhamaysay, ayay si kadis ah u qarsoontay, aan ku xasuusiyee qaybtii hore ee sheekada waanigii kuugu sheegay marka ay makhrib gaadho in dadkani ay wada qarsoomaan habeenku markuu bilaabmana ay soo noqdaan. Markay qarsoontay ayay neef kululi igasoo booday, waayo waxaan helay shay aan xujadii ku furo oo ah gabadha aad makhrib ii dirtay maba noola oo way qarsoontaa markay xiligaa gaadho, laakiin saaxiibkay ma uu fahmin xeeshayda waxa uu igu yidhi sawtii lagu yidhi gabadha soo dil, ana waxaan ku idhi waan dilay. Ma uu san fahmin, laakiin gabadha madaxeedii ayaa layga rabaa oo talaw Iyana sideen uga baxaa………. Taloba tu alle u daa…………….. la soco qaybta 3aad

 

Qalinkii, Sayid Balayah