Tacab-khasaarka shacab Somaliland iyo tala xumada Golaha wakiilada – W/Q: Khadar Jirde Axmed

khadarWaxa aan halkan ka salaamaya dhaman  shacabka rere Somaliland iyo saxaafada  madaxa banan,

Hadii aan ku soo dhawaado fikirkayga.

Waxa beryahan danbe soo  baxaysay in ay doonayaa in loo mudo kordhiyo odhanaysa Golaha wakiilada. Iyada oo aynu ognahay meeqaamka ay ka taaganyihiin wax tar mid wadanku leeyahay iyo  himiladii  u madii soo dooratayba waxa aynu odhan karnaa waa lagu qasaaray Golaha wakiilada dalka iyo dadakuba,

Taasna waxa aan odhan karnaa waxa gefeka iyo lugooyada iska leh shacabka  oo aan ilaa hada garanayn sidii  ay u soo dooran lahaayeen qofka wanaagsan ee mustaqbakoodu kujiro taana waxa u sababa qabyaalada madhalayska ah ee manta aynu ognahay meeqaamka ay Somali u dhigtay,

Waxa aan leeyahay mida kordhin hajootee  waa lagu qasaaray kuwa kan gola ku sheega ah wax aliyaale waxa ay soo kordhiyeen ma jirto balse waxa aan odhankara dib u dhac iyo qasaare ayay wadanka iyo shacabkii soo doortayba ay u hor seeden, malaha nin u danqanaya wadanka iyo dadakaba aanu ku jirin in uu mid waliba jawaan ka buuxsado oo  maalin walba ay dilaalnimo  iyo burburinta wadanka ka shaqeeyan mooye aan waxa kele faraha gelin  oo  wax walba dhaafsadasadaan maslaxadii wadanka iyo dadkoodaba,

Waxa aan leeyahay kordhin iska daaye waa in aan wan dhay loogu darin  oo la kala dira oo shacabku sooo doortaan aan ahayn gafanayaashan oo kele ee ay dad waxa u qabta oo aanay qayaalad  ku soo dooran,

Waxa aan leeyahay shacbka rere Somaliland maalin uun waxa haydiin kordhaan oo barat sida loo xusho dadaka hufan ee wax qabadaka leh oo aad ka kortaan in aad doorataan gofanayaal ku kora dhiiga dadaka iyo kana shacabkooda, waxa aan xukuumada axmed maxamed siilanyo leeyahay   waa in ay ka dirtaa Golaha wakiilada  oo aanay maalin ugu darin  wakhtiga uu kaga eeg yahay  xikoodu oo ay qabataa  sida ugu dhakhsabadan doorashadii Golaha wakiilada si loo bedelo wax matarayaasha hada meesha fadhiya

By: khaddar jirde Axmed

E-mail: xikmaawi410@gmail.com

E-mail: khaddar-29@hotmail.com