Taariikhda Ururka Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar (1) – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Urur-diimaadkan waxa la aasaaray sannadkii 1928-kii. Waxaana aasaasay Xasan Axmed C/rahmaan Al-Banna. Ujeedada Xasan Al-Banna waxay ahayd inuu soo nooleeyo khilaafadii islaamka ee cusmaaniyiinta ee Turkiga deganaa, ee burburtay sannadkii 1919-kii. Markii ugu horaysay waxa diidmo xoogan kala horyimid dariiqada suufiyada. Ka dib ikhwaanku waxay ka fogaadeen inay iska horyimaadaan kooxaha kale ee islaamiyiinta ah.

  • Sannadkii 1931-kii ayey ikhwaanu muslimiintu xarumo badan ka furteen gobolada dalka Masar guud ahaan. Waxaana xawaare ku socday dadka ku soo biiraya. Wuxuu fikirkani ku faafay dalal kale oo islaam ah.
  • Sannadkii 1934-kii ayey ikhwaanu muslimiintu noqday urur miisaan weyn leh, oo taageerayaal fara badan leh. Wakhtigaasi waxa lagu sheegay inay ahaayeen 500,000 oo xubnood, halka taageerayaashu intaasi ka badnaayeen.
  • Sannadkii 1936-kii ayuu Xasan Al-Banna soo bandhigay qaab-dhismeed dawladeed oo ay yeeshaan ikwaanu muslimiintu kaaso ka koobnaa hogaamiye, gole baarlamaan, gole wasiiro IWM. Waxaana lagu faafiyey qaab-dhimeedkan meelo badan oo fikirka ikhwaanku ka jiray.
  • Sannadkii 1938-kii ayuu Xasan Al-Banna ku baaqay in waxbarashada laga saaro gacan-ku-haynta reer galbeedka, islamarkaana dugsiyada hoose lagu dhigo masaajidada. Waxa kale ku baaqay in dhammaan la mamnuuco xisbiyada siyaasadda iyo nidaamka dimuquraadiyada. Wuxuu sheegay in lagu beddelo nidaamka shuurada iyo inay madax dawladu islaamka bartaan.
  • Sannadkii 1939-kii ayuu ururka ikhwaanu muslimiin ka shiray qorshe ay soo jeediyeen xubno ka tirsan ururku, kaasi oo ahaa in la sameeyo garab hubaysan. Xasan Al-Banna ayaa si xoog leh uga soo horjeestay arrintaasi, balse markii dambe ee laga batay ogolaaday. Laakiin wuxuu ku guulaystay inuu garabkaasi hubaysan qarsoodi ahaado ilaa dagaalkii labaad ee adduunku dhammaanayey.
  • Sannadkii 1946-kii ee xooga uu ku socday kacdoonkii gobonimo-doonka ahaa, ayey garabkii hubaysnaa ee ikhwaanu muslimiinku bilaabeen qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay la beegsanayeendadkii la shaqaynayey dawlada ingiriiska . Xasan Al-Banna si xoogan ayuu uga soo horjeeday dilalkan iyo qaraxyadan, balse dhalinyarada ururka ayaa ku gacan-saydhay inay joojiyaan dilalka iyo qarxyada. Taariikhdaha qaar ayaa sheegaya inuu xidhiidh ka dhexeeyey Hitler iyo ikhwaanu muslimiinta oo ku salaysnayd Yuhuud nacaybka iyo in la cidhib tiro Yuhuuda.
  • Sannadkii 1947-kii waxa ku soo biiray dadweyne aan tiradooda la qiyaasi Karin. Waxa xubno ka noqday ganacsto, dhakhaatiir, macalimiin, aqoonyahano madax banana iyo Proffessors jaamacadaha gacanta ku hayey. Ku soo biirsta dadkan fara badan oo aan lagu xidhin shuruud diini ah, ayaa keentay inay ku soo bataan xubno aan diinta islaamka aqoon u lahayn, taasin waxay keentay inay noqdaan kooxo ku midaysan inay xukunka qabtaan xaq iyo xaq-darro. Xasan Al-Banna wuxuu caaqiido ururka uga dhigay qobod odhanaya”waxaan ku wada dhaqmaynaa wixii aan isku raacsanahay,waanan iskugu cudur daarnaynaa wixii aan isku khilaafsanahay”.
  • Sannadkii 1948-kii ayuu ururka ikhwaanu muslimiin abuubulay mudaharaad lagu diidan yahay boqortooyada Masar ee uu dhisay ingiriisku sannadkii 1922-kii. Isla-sannadkaasi waxa socday dejintii yuhuuda ee dhulka falastiiniyiinta, waana markuu bilaabmay dagaalkii Israa’iil iyo carabta. Ururka ikhwaanu muslimiin waxay u direen dagaalka dhalinyaradii hubaysnayd ee qarsoodiga ahayd. Waxa kale oo jirtay inay ikhwaanku lahaayeen xubno fara badan oo ku jira ciidamada milatariga dalka Masar.
  • Dabayaaqaddii sannadkii 1948-kii ayaa la sheegay inay ururka ikhwaanu muslimiinku doonayeen inay inqilaab sameeyaan. Ka dib Raysal-wasaarihii wakhtigaasi oo la odhan jiray Maxamuud Nukrashi Basha ayaa ku dhawaaqay inay kala direen dhammaan ururkii ikhwaanu muslimiin, oo ay la wareegeen hantidii iyo gurihii ururkaasi. Waxaana xigtay in la xidhxidhay xubno badan
  • Isla-sannadkaasi ayuu nin la odhan jiray Cabdul Majid Axmed oo ka tirsan ikhwaanu muslimiin ayaa toogasho ku diley Raysal-wasaarihii dalka Masar Maxamuud Nukrash. Qorshaha dilkan iskumay raacsanayn xubnaha ikhwaanku, waanay ku kala jabeen. Markiiba waxa qoraal soo saaray Xasan Al-Banna oo cambaareeyey dilkan, wuxuu sheegay inaanay banaanayn dilka qof islaam ah.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco………………………………………………………………..