Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle) – (1940ii – 2006dii) ~ Qormada 5aad

 Ibraahim GadhleLaba daan dhexdood iyo,

 Dalqo bahal qof galayoo,

 Dirqi iyo tu fool adag,

 Dibadda ugu soo baxay,

 Halkii shalayto lagu dilay,

 Ma dareemi waayee,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Dunideennii dhacantiyo,

 In uu deynkii maqan yahay,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Nimcadii dalku lahaa,’

 Kuwuu daajinaayiyo,

 Kuwii deyro laga dhigay,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Xeerkii dalka u yiil,

 Kuwii uu deldelay iyo,

 Kuwuu daaya odhan jiray,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Xoolihii dadweynaha,

 Kuwii la yidhi daldalo iyo,

 Ninkii shilinka lagu dilay,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Adigoo dibbiray cadho,

 Ku-sii digashadiisii,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Hablihii dednaa iyo,

 Dibadaha-u-saarkii,

 Maalintii dadkaygoow,

 Dabo-gaabta loo xidhay,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Dhaqankii la doorshiyo,

 Diintii la dabo-rogay,

 Maalintii dadkaygow,

 Ragga dumarka lala simay,

 Sow dorraato ma ahayn,

 Xaqa kuwii daliishiyo,

 Markuu culimadii dilay,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Waqti aan digaag hoyan,

 Dadkeennii xeroon jiray,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Dhiiggii la daadshiyo,

 Wixii dooxa meyd yiil,

 Durba miyaad illoowdeen,

 Dayuuradii lalaaayee,

 Dusha kaa rushayn jiray,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Madfacii la dirayee,

 Orodoo dadweynaha,

 Deydayo la odhan jiray,

 Durba miyaa illoowdeen,

 Daleeddaan wadhnayn iyo,

 Dib-u-weerarkiisii,”

Curinta maansadu wax hawl yar ma aha. Curinta ka sokow, waxyaabaha kale ee la qiimeeyo waxa ka mid ah sida uu hal-abuurku u taxo amaba u xidhiidhiyo arrimaha kala duwan ee uu ka hadlayo. Bal hadda mar kale aynu dheehanno aragtidii Ibraahin-gadhle ee ku wajahnayd cududdii hubeysnayd ee SNM ama Mujaahidiintiiba. Isaga oo Shirweynihii 6aad la hadlaya, Ibraahin-gadhle tuducyadan soo socda ayuu ku sifeeyey Mujaahidiinta iyo kaalinta halbowlaha ah ee ay kaga jireen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Bal u fiirsada sida farshaxannimada iyo quruxdaba leh ee uu Mujaahidiinta u qiimeynayo. Wuxu yidhi:

 Ka ku jira dagaalkuna,

 Dantaad adigu leedahay,

 Mid ka sii da’ weyn ma leh,

 Haddaan aqallo kaa dumin,

 Is-na daari kama dhicin,

 Haddaan dahab lagaa guran,

 Is-na dollar kama lumin,

 Haddaan laydin dili jirin,

 Is-na lama dagaalayn,

 Hayeeshee xil baa direy,

 Badda lagu dul-tuuruu,

 Ka dabbaalo leeyahay,

 Xaggu dalow xaggani duud,

 Xagga kale dix iyo buur,

 Bal doc uu u dhaqaaqiyo,

 Degel lagu baqdaan jirin,

 Diintaa ku tidhi dhimo,

 Inuu samo ku daaqiyo,

 Inuu daaddegaw siman,

 Wedkaad adigu diidduu,

 U diyaar-garoobee,

 Ragga cadowga daafaca,

 Wuxu daanka geliyiyo,

 Hubka lagu dagaallamo,

 Dhan kastaba u doonoo,

 La dul jooga weeyaan,

 Kuwii iil ku dubuq yidhi,

 Denbi-dhaaf Allaa lehe,

 Janno inay durduurtaan,

 Daa’in inaan u barinoo,

 U ducayno weeyaan,”

Ibraahin-gadhle, sidee ayuu u arkayay nidaamkii lala dagaallamayay? Bal aynu aragtidiisii tuducyadan Dir-sooc ku jiray ka dheehanno, waxaanu yidhi:

  Nin ku dagay markii hore,

  Oo ku dilay markii xigay,

  Ka-digtoonidiisay,

  Dooddani ku faraysaa,

QALINKII: BOOBE YUUSUF DUCAALE

(La soco………………………………………)