Somaliland uma baahna Xaalad abuur.Berberana hadalkeeda daa!!!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Beladu Daaman la qabto ayey leedahay laakiin Dabo la qabto ma leh, waxa kale oo ay Soomaalidu ku maahmaahdaa Belo ma qado. Waxa kale oo ay ku maahmaahda Milil guudkii lama dhayo. In badan waxayn la soconaa in Gobolka Saaxil ay xaaladiisu ka baxsananayd sidii lagu yiqiin oo aad moodaysey in dib loogu noqday 1994kii wixii ka horeeyey halkii la marayey, waxaa dhegeheena kusoo dhacayey Reer Hebel oo Buurta galay, Reer Hebel Wershed diiday, Reer Hebel oo Booyad Gubay, Reer Hebel oo Deked Samaysanaya, Reer Hebel oo haamaha ka hadlaya. Taas iyo wixii la hal maalaa waxay qiimo iyo qaran jab ku tahay jiritaankeena wakaakibka ah oo awelba cadaw badan lahaa.

Berbera dadkaa leh dadkuna waa kuwa dalka leh cid gaar u sheegan kartaa ma jirto, waa Marsadeena 1aad, wixii kasoo baxana cidii ilaahay u qoray uun baa calfan ama shaqo ha ka qabato ama dakhliga guud ha gasho’e, laakiin waxaa ceeb ah in la reereeyo arinka waayo reerahan isku haysta kuwa isasiinaya iyo kuwa u diidayaa toona maaha kuwii dekedan dhisay, Ma aha Dawladihii kala danbeeyey ee maal geliyey sida Othoman Empire, Great Britain, USSR, USA Iyo Somaliya. Markii aynu dalka soo gelnay ee gumaystihii faqash laga xoreeyeyna reer gaar ahi ma xoreysan ee waa loo sinnaa, degaan ahaana ma aha meel cidi leedahay ehelka berberaadna sidaan taariikhda ku hayo ma aha kuwan iminka jooga badidooda ee waxay ahaayeen dad qoomiyado kala duwan kasoo jeeda Sida Carab, Hindi, Barbar, Soamaali qabiilkuu doono ha ahaadee, Laakiin mushkilada iyo Buuqa berbera kama horeyn intii gobolka Saaxil la magacaabay ee ay hargeysa ka hoos baxday oo aad moodo in magaaladii ay reerowdey ama xasaradi ka abuurantay, markaa waxaan odhan lahaa dhulkuna waa dhulkeenii dadkuna waa kiisii, ninkastaana wixii loo katibay waa la kulansiin ee Waa La doogiye yaan la dacaroon.

Qabyaaladu haday talaxtagto waxay inay geyeysiinaysaa meel aynaan kasoo waaqsan waayo inagoo findhicil ah guud ahaan hadana hadii aynu isa sii kala gurno waxaa inoo danbeyneysa baaba’a. Berberi gaarkeeda uma jiri karto

 wada jir baa dugsi leh kala jirbaa dayac leh, umadaha caalamku waxay ku midoobaan afkaar guud iyagoo kala sinji iyo ab ah, laakiin inagoo isku sinji, ab, isir iyo oodba wadaagna ayeynu waxaan waxba ahayn ku dan iyo duunyaba seegnay oo qayrkeen kaga hadhnay.

Waxaa tusaale kuugu filan Wershedii Berbera loo diiday ee sibidhka ee aynu maamulan kari wayney sidii loo hir gelin lahaa waxaa laga dhisay Herer Ethiopia, Waxay xafiis ka furatay Hargeysa, Waxaana xafladii furitaankeeda kasoo qayb galay odayaasheena iyagoo ku faraxsan furitaankeeda waa kuwii iska hortaagay in dalkoodu yeesho wershedan ay maanta ku faraxsanyihiin in la furo oo ay aboole (abaan) u noqdaan (wakiil ganacsi) waa layaab iyo lama arag halkaynu maraynaa.

Ilaahay ha inoo sahlo.

Eng: Mustafe Xaaji Faarax ( Dan-u-hadal)

Mustafefarah8@yahoo.com