Somaliland: Nin Kuu Digay Kumuu Dilin – W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Wasiirka wasaaradda gaadiidka Itoobiya gabadha la yidhaahdo Daagmaawiit Moges mar ay la hadlaysay warbaahinta waxay sheegtay in dawladda Itoobiya dhawaan meel marisay ama ansixisay siyaasad cusub oo ku aaddan ‘Logistics-ka’ dalka oo qodob ka mid ah tilmaamayo Itoobiya in ay sii isticmaali doonto dekedaha dalalka jaarka ah inta ay ka helayso deked ay iyadu leedahay.

Professor Matewos Insermo oo wax ka diyaariyay sharcigan iyo damaca ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay deked gaar ah yeelato isna wuxuu yidhi: “ Waxa lagama maarmaan ah Itoobiya in ay deked ku hesho Iib, gorgortan, kiro muddo dheer (lease) oo ay iyadu maamusho ama siyaabo kale ku hesho”!!!

Taliyaha Militariga Itoobiya Jeneral Birhano Julla mar sii horaysay isna wuxuu yidhi: “macquul maaha lamana aqbali karo in Itoobiya oo dadkeedu 100 malyuun kor u dhaafay bad la’aato.”

Taliyihii hore ee ciidamada Itoobiya Gen Adam Maxamed mar uu tababar u soo xidhayay saraakiishii u horaysay ee ciidamada badda isna wuxuu yidhi: “ Saldhigga ciidanka Badda ee Itoobiya waxa laga dhisi doona meel ka mid iyo dal ka mid ah dawladaha jaarka ah.”

Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu isaguna dhawr jeer wuxuu ku celceliyay sida dalkiisu ugu baahan yahay deked si aanay marti ugu ahaan dekedaha waddamo kale.

Inkasta oo ay ilaa hadda ay sir u tahay saaxiibadii isbahaystay (Afwerki, Abiy iyo Farmaajo) haddana waxa laga warqabaa in madaxweynihii hore (Farmaajo) ee Soomaaliya afar dekedood ka iibiyay Abiy Axmed isaga oo kaga bedeshay in Itoobiya iyo Ereteriya gacan ku siiyaan in uu Soomaaliya xukumo waligii laguna ilaaliyo. Ogow dekedaha uu xaraashay waxa ka mid ah kuwa Somaliland.

Muwaadin weedhahan ka soo yeedhaya madaxda kala duwan ee Itoobiya waxay la kawsadeen doorashadii Abiy Axmed ee 2018, hase ahaatee hadda ka hor waxay ahaayeen hindiseyaal iyo aragti mala-awaal ah oo aan dhab(Serious) loo qaadan Karin haddase sida ay wasiirraddu sheegtay waa siyaasadda rasmiga ah ee dawladda Itoobiya oo wakhti ay noqotaba fulinteeda la isku dayi doono.

Waxaan u malaynaya Somaliland in aan waxba loo qarin waana farriimo cad oo u baahan in lagu baraarugo, Jabuuti qudheedu waxay ka mid tahay meelaha Itoobiya ku taamayso. Soomaalidu waxay tidhaahda : Nin kuu digay kumuu dilin.

Haddaba madaxda Jamhuuriyadda Somaliland maxaa la gudboon?

In si dhab ah loo qaato digniinaha ka imanaya dhinaca Itoobiya iyo in Beesha Caalamka lala socodsiiyo ujeedooyinka ra’isal wasaaraha Itoobiya ee gobolka Geeska Afrika.

In siyaasad iyo diyaargarow laga yeesho damaca iyo dekedo raadinta Itoobiya ku doonayso in ay wax ka bedel ku samayso xuduudihii Isticmaarku ka tegay si ay bad u hesho.

In hoggaamiyeyaasha gobolku iskaga yimaaddaan talo midaysana ka yeeshaan siyaasadda dhul balaadhsiga ah ee Itoobiya.

Waxa la yidhaahda : ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow. Somaliland waxay u baahan tahay in ay hesho quwado iyo xulufo heshiisyo militari lala galo oo inaga caawin kara casriyaynta iyo qalabaynta ciidanka Qaranka si ay u awooddaan difaaca dhulka, cirka iyo badaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@yahoo.com