Somaliland iyo Sooyaalkeedii Siyaasadeed – (Dalkaygu haduu tashaday maxaa loo daba socdaa?) – W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (dhagacade)

dhegacaddeWaxay ahayd 18 May sanadkii 1991 markii mar labaad dadka dalkan Jamhuuriyada soomaaliland u soo gacan gashay xoriyadoodii luntay lixdankii, talaabadaas oo ku tusaysa in dib ulasoo noqoshada Somaliland ahayd go’aan shacab iyo xukuumad. Taas oo aan doonayo inaan maqaalkan kooban ku iftiimiyo sooyaalkii siyaasadeed ee Somaliland ugu horeyn waxaa is weydiin mudan xagee ayay u dhaqaaqday Somaliland wixii ka dambeeyay 1991 kii? Go’aamadii kasoo baxay shirkii beelaha Somaliland ee Burco 27 April ilaa 5tii May kadib ayaa lagaga dhawaaqay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii Jamhuuriyada Madaxabanaan ee Somaliland. Wixii ka dambeeyay gooni isu taagaas waxay dadka dalkani bilaabeen inay u dhaqaaqaan wadada Horumarka iyo Dib u dhiska dalkooda, waxaana la doortay Madaxweynihii u horeeyay Somaliland iyadaoo loo doortay inuu noqdo Cabdiraxmaan Axmed Cali halka ku xigeena loo doortay Xasan Ciise Jaamac.

24kii January ilaa 25kii May 1993kii waxa magaalada boorama lagu qabtay shirwaynihii guurtida beelaha Somaliland oo lagu gudoonsanayay axdi qarameedkii, waxaa halkaas madax dhaqameedyadii iskugu imid ku doorteen Madaxweyne cusub oo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

18 october 1994kii waxay ahayd markii u horeysay ee lacag ay leedahay Somaliland la isticmaalo iyadoo qayb ka ahayd horumarka siyaasada dalka.

Ansixintii dastuurka ka hor, Doorashadii  ugu horaysay ee ka dhacday somaliland waxa ay dhacday  sanadii 1997kii iyagoo ay ku tartameen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Engineer Maxamed Xaashi Cilmi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (saleebaan nuur) waxaana xilligaa loo doortay inuu Madaxwayne noqdo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ku xigeenkiisii daahir riyaale kaahin.

30 ApriI 2000,waxaa dadweynaha Somaliland u dareereen codbixintii dastuurka uu yeelan doono dalku taas oo noqonaysay talaabadii ugu horeysay gundhiga horumarka Somaliland waxaana %97.1 Shacbi waynaha Somaliland  ay u codeeyeen inay helaan dastuur.

Iyadoo iyar kadib la dabaqayo dastuurka cusub ayaa markii u horeysay la furay axsaabta siyaasada ee Somaliland sanadkii 2002dii iyadoo lagaga gudbay nidaamkii shirbeeleedka ee ergooyinka beelaha ka socdaa dooran jireen hadba cida dalka hogaaminaysa, waxa isla sanadkaas 2002da bishiisii December la qabtay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka oo ahayd Doorashadii dadka reer Somaliland ugu horeysay inay shakhsiyaad codkooda siiyaan, waxaana ku tartamay Lix Urur oo kala ahaa Udub, Kulmiye, Ucid, Sahan, Hormood iyo Asad, iyada oo sida ku cad dastuurka uu dalku yeelanayo Saddex Xisbi qaran ay ka soo baxeen Saddexda Xisbi ee kala ah Udub, Kulmiye iyo Ucid, iyo 338 xildhiban guud ahaan dalka oo idil.

14kii April Sanadkii 2003dii waxaa guud ahaanba dalka Somaliland ka qabsoontay Doorashadii Madaxtooyada ee lagu cod bixinayo sanduuqa codbixinta taas oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah, waxaana u tartamay; Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Musharixii Xisbiga Udub, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo ahaa Musharixii Xisbiga Ucid. Waxaa ku guulaystay tiro aad u yar oo codad ah Daahir Riyaale Kaahin iyo ku Xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo noqday Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku Xigeenkii ugu horeeyay ee ku imaada hab doorasho dadweyne oo dalkoo dhan ka qabsoonta looguna dhaariyay xilka muddo xileedkooda intay tallada dalka hayaan.

29kii September Sanadkii 2005tii waxa guud ahaanba dalka ka qabsoomtay Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo loo tartamay tirada kuraasta baarlamaanka oo ka koobnayd 82tan kursi ayaa Xisbiga Udub helay 33 kursi Xisibiga kulmiye 28 kursi, halka Xisbiga Ucidna uu helay 21 kursi, doorashadaas oo ahayd dorashadii saddexaad oo si xor iyo xalaal ah uga qabsoomta Somaliland, iyadoo siyaasadii Somaliland  yeelatay weji cusub, waxaana gudoomiyhii Golaha Baarlamaanka loo dooraty  C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) oo ka soo baxay Xisbiga Ucid.

26 June Sanadkii 2010kii ayaa waxay dadku u dareereen doorashadii Madaxtooyada oo ahayd doorashadii Afaraad ee ka dhacda Somaliland waxaana u tartamay Saddexdii Musharax ee doorashadii hore u tartamay. Waxaana ku guulaystey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Musharaxii Xisbiga kulmiye.

27 July Sanadkii 2010kii waxay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay Taariikhda Somaliland  taas oo ahayd markii u horeysay ee Madaxweyne doorasho ku hadhay uu Xilka si rasmiya ugu wareejiyay Madaxwayne cusub oo ay dadku soo doorteen iyo ku xigeenkiisii loona dhaariyay xilka Madaxtinimada muddo shan Sanno ah.

10 Sano kadib 2002dii waxa mar Labaad dib loo furay Diiwaangelintii Axsaabta Siyaasada Somaliland 14 July Sanadkii 2011kii, iyada oo la diiwaangeliyay Saddexdii Xisbi ee hore u jiray Urur ahaan iyo 15 Urur oo cusub oo kala ah : Wadani, Xaqsoor, Badbaado, Dalsan, Rays, Damal, Nasiye, Jamhuuriga, Nuur, Umada, Horyaal, Udhis, NDB, Gurmad Iyo SSCD.

Waxaana u soo gudbay inay ka qayb galaan tartanka doorashada Goleyaasha Deegaanka Todobada Urur ee kala ah; Kulmiye, Wadani, Ucid, Rays, Xaqsoor, Dalsan Iyo Umada.

28 Bishii September sanadkii  2012kiiwaxaa guud ahaanba dalka ka qabsoontay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka, kana qabsoontay in ka badan 1800 oo goobood oo ka tirsan guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka, oo ay u tartameen 2681 Musharax iyo Todoba urur Siyaasadeed waxaana kasoo baxay doorashadaas 383 musharax iyo 3dii urur ee noqon lahaa Saddexdi Xisbi Qaran ee uu yeelan lahaa dalkan Jamhuuriyada Somaliland 10ka Sano ee soo socda oo kala ahaa Kulmiye, Wadani Iyo Ucid. Waxaana nasiib u heli waayay doorashadaas inay ka mid noqdaan Xisbiyadii dalka 4 Urur iyo Musharaxiintii hadhay ooahayd 2298.

Doorashadani waxay ahayd doorashadii Shanaad ee ka qabsoontay Somaliland tan iyo Sanadkii 2002dii hadaba waxaa inta badan yar in wadamada Qaarada Africa ay ka hirgasho qabsoomida Doorashooyin xor ah oo xalaal ah muddo Tobban Sanno ahna ay ku qabsoomaan Shan doorasho oo aan turxaan lahayn, waxaana inta badan Somaliland la barbar dhigaa dhinaca Siyaasada Soomaaliya taasi oo aan odhan karo waxa haboon in shirarka caalamiga ah ee aynu kala qaybgalayno Somaliya ay qurux badnaan lahayd in la sameeyo qoraalo muujinaya waxqabadka Somaliland iyadoo la barbar dhigaayo dawlada imikuun kasoo baxaysa kumeel gaadhnimadii ee Soomaaliya si ay Bulshada caalamku inoo kala ogaato halkaynu kala taaganahay ay tahayna wax lagu faano doorashooyinkaas iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay ka soo gudbeen dadka dalkan Somaliland tan iyowixii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii. Waxaa haatan Somaliland leedahay dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ciidamada oo si habsami ah u guta hawlahooda shaqo iyo difaaca dalkooda iyo waxabarashadii iyo caafimaadkii oo maraya halkii ugu saraysay siina kordhaya maalin maalinta ka dambaysa iyo hayadihii kala duwanaa ee dawlada oo iyaga laftoodu sii kordhiya adeegay bulshada u hayaan, iyo dhamaan waaxihii dalka iyo dawladihii hoose oo si hanaan iyo hufnaan leh u wada shaqadooda.

Waxaan maqaalkaygan ku soo afmeerayaa oo aan leeyahay dhamaan shcbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba inay si Mug leh ugu soo baxaan oo ay uga qayb qaataan Xuska Sanadguurada 22aad ee 18ka May ee fooda inagu soo haysa si aynu Beesha Caalamka u tusno aragti midaysan oo tilmaamaysa in qaranimada Somaliland ay tahay Muqadas, Gorgortana geli karin,  waxa kale oo aan mar labaad ku boorinayaa shacbi weynaha inay ilaashadaan nabada uu Illaahay ku manaystay, lana shaqeeyaan Ciidanka Booliska ee ku hawlan ilaalinta nabad gelyada iyo cidkasta oo khalkhal gelinaysa amaanka iyo habsami u socodka u diyaar garawga Xuska 18ka May,  waxa kale oo aan hambalyo u soo jeedinayaa guddidii Heer Qaran ee qaban qaabada Xuska 18 May ee uu Madaxweynuhu magacaabay oo si wanaagsan u wada hawshii loo igmaday. Ugu dambayn Waxaan munaasibada gooni isku taaga Somaliland awgeed aan halkan hambalyo uga dirayaa Saddexda Waaxood ee Dawlada Golaha Sharci-dejinta, Fulinta, Waaxda Garsoorka, Golayaasha Deegaanka Somaliland, Ciidamada Derajooyinkooda kala duwan iyo Xaasaskooda iyo dhamaanba shacbi weynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan.

 

 

Waa Qalinkii: Maxamed Fu’aad Xassan (dhagacade)

Arday KaTirsan Kulliyada Sharciga Ee Jaamacada Hargeysa ahna,

Gudoomiye ku xigeenka Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (HAL-QOR)

E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com